Sign in to follow this  
General Duke

Cayn elders warn Secessionists..

Recommended Posts

Baaq ka soo baxey Isimada Gobolka Ceyn

Last Updated::2007-04-12 13:04:28

 

Buuhoodle:-Kulan ay ku yeesheen Xarunta Gobolka Ceyn Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Ceyn ee Ismaamulka Puntland ayaa waxaa ay Maanta kulankoodii ay yeesheen ay ka soo saareen Baaq ku aadan Xiisado Colaadeed oo Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaliya uu ka wado Gobolkaas.

 

Baqaan ayaa waxaa uu lagu sheegey in Maamulka Gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya (Somaliland) ay Joojiyaan Colaada iyo Horinta Dagaalada ay faraha kula jiraan waa sida ay Cuqaasha hadalka u dhigeene.

 

Cuqaasha ayaa waxaa ay Cambaareyn Dusha oga tureen dadka ay ku tilmaameen in ay u dhasheen maamulka Puntland oo hadana Ismaamulka Gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaliya ay Hoosta ku wataan oo ay ku sheegeen in ay yihiin kuwa u adeegaya Dano ku aadan kala fogeynta ummada Soomaaliyeed.

 

Cuqaasha Gobolka Ceyn waxaa ay fogeeyeen wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaanta ummada Soomaaliyeed iyo wax kasta oo keeni kara Nabad la’aan iyo Xasilooni Darro.

 

Cuqaasha iyo Waxa Garadka soo saarey Baaqaan ayaa waxaa ay kala yihiin:

 

* Gudoomiyaha Cuqaasha Gobolka Ceyn Maxamuud Nuux Maxamed.

 

* Ku xigeenkiisa Xasan Xaaji Haaruun Ducaale

 

* Maxamed Xasan Xaaji Cumar

 

* Maxamuud Xaaji Biraamih Garbiye

 

* Axmed Cabdi Hiirad

 

* Foos Maxamuud Aw Musse

 

* Maxamed Xaaji Xasan Cajab

 

* Keyse Ibraahim Diiriye

 

* Ismaaciil Xirsi Shabeelle

 

* Maxamuud Yuusuf Booreeye

 

* Cismaan Aadam Gaagaab.

 

* Jaamac Maxamed Dheeg

 

* Diiriye Maxamed Cali

 

* Saahid Mire Seed

 

* Xasan Ciise Wacays

 

* Maxamuud Ciise Maxamed

 

Baaqaan ayaa yimid ka gadaal markii maalintii Talaadada ahayd ay soo gaareen Magaalada Buuhoodle Xubno ka tirsan Mamaulka Somaliland oo imaanshahoodu uu abuurey khal Khal dhinaca Nabad Gelyada.

 

Mohamed Ali (Dalmar)

mohamedali11@gmail.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this