Koora-Tuunshe Posted September 1, 2008 Garaad Cabdilaahi Cali Ciid Halkan ka Dhageyso Shir saxaafadeed ay qabteen odayaal dhaqameedka beelaha ******** ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo ay kaga hadleen qaabka golaha deegaanka magaalada Muqdisho. Waxaa goobtaasi ka hadlay Afayeenka Isimada beelaha ******** ee Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, isagoo tibaaxay in maadaama gobolka Banaadir uu yahay caasimada Soomaaliyeed, golaha deegaankana ay ku haboontahay in umada Soomaaliyeed si cadaalad ah loosoo xulo. Isagoo sheegay in duqa magaalada markaasi lagu ixtiraamo dadka deegaanka markaas u badan. Arrintan ayaa waxay noqotey hadal haynta ugu badan magaalada Muqdisho todobaadkan, hadana gilgilay magaalada Muqdisho isla markaaasina waxaa ka jawaabay odayaal dhaqameedka beelaha ******, sidoo kale maanta ayaa waxaa isna hadlay yuusuf siyaad Indha Cade oo u waramay idaacadaha magaalada Muqdisho, kuna sheegay Hadalkii Garaad Cabdulaahi Cali Ciid mid aysan beelaha ***** Aqbali doonin. Sidoo kale kale waxaa arrintan ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaano ka mid ah DF ee ku sugan Baydhabo badankoodna taageerey hadalkii Garaadka, qaar ka mid ahna ku tilmaamay hadalkii Garaad Cabdulaahi Cali Ciid mid dhabar jab ku noqon kara siyaasadii Nuur Cade, oo rabay inuu beeleeyo caasimada magaalada Muqdisho, iyadoo uu axdi qarameedku dhigayo in caasimadu leedahay xeer gooni ah. Halkan ka Dhageyso Dhahar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 1, 2008 Walee soomaali Ilaahay ha u sahlo. Marba sidii la rabo ayaa loo dhigayaa bahasha ,,,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted September 1, 2008 4.5 is the way to go ,lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 1, 2008 4.5 meel keliya bay ka shaqaysaa sow maaha ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted September 1, 2008 ^Oo waa xagee halkaasi, miisaankiina soo kefada la idiin ma saarin, miyaad saluugtay,lol Qabyaalad Soomaali haday ka dhamaan waydey, Hadaa wax walba la rabaa in loo saaro 4.5, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 1, 2008 Waar kaas iyo hadii 6.5 la yidhaa xataa ku heshiin maayaane ,,, bal qoladaa martida loo yahay ha la iska hagaajiyo ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites