Sign in to follow this  
Cowke

Galmudug Is Officially Over. Ahlul Sunnah Takes Over South Galkayo

Recommended Posts

Cowke   

Mamulkii Konfurta Galkacyo Wuu Bur’Buray Waxaana Lawareegay Xoogag Naga Awood Wayn.

Posted by Ali on July 23rd, 2010

 

Galkacyo(Puntlandi.com);-Warqoraala oo ay soo saaren mamulkii koonfurta Galkacyo ee uu hogaaminayay Axmad Maxamed Caalin ayaa lagu cadeeyay in mamulkii koonfurta Galkacyo uu Fashilmay.

 

Qoraalkan ayaa lagu cadeeyay in koonfurta Galkacyo ay lawareegen xoogag ka awoodroon mamulkii konfurta Galkacyo taana ay dhalisay in meesha uu kabaxo mamulkii talada hayay.

 

Masuuliyiin katirsanaa mamulkii koonfurta Galkacyo ayaa ku biiray mamul uu dhisay C/shukri Ali Xirsi waxaana masuuliyiinta ku biiray kamida Ali Diiriye Aloore.

 

Wararkale ayaa sheegaya in Bur’burka kuyimid mamulkii Lamagacbaxay Galmudug ay qaybkatahay in Maleeshiyadii Mamulkaa ku biireen ciidamo ka marqaata nin Yuhuudi ah oo saldhig kasamaystay koonfurta Galkacyo.

 

Hogaamiyaha Xaafada koonfurta Galkacyo Caalin ayaan ka hadlin Bur’burka kuyimid mamulkiisii waxana afhayeen u hadlay uu Wacad ku maray in maleeshiyadooda dagaal’lagalidoonaan C/shukri iyo Maleeshiyada ay isku haybta yihiin.

 

Warkan ka soo baxay mamulka Koonfurta Galkacyo ayaa ha warar maalmahii udanbeeyay lahadal’hayay kaa oo ku saabsanaa in mamulkii Fashilmay kadib markii uu soogaaray deegaanada C/shukri Ali Xiri waxaana koonfurta Galkacyo ka socda Abaabul Dagaal oo u dhaxeeya Maleeshiyaadka ay ka soo kala jeedan shaqsiyaadka iskuhaya Talada Xaafada Koonfureed ee magalada Galkacyo.

 

Ali Ahmed Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Galmudug: Waxay U Baahantahay In Si Dag Dag Ah Loo Badbaadiyo

Wednesday, July 21, 2010 12:54 PM

 

by: Xasan Abdi -Cad

 

Bismilaahir Rahmaanir Rahiim

======================

 

Maamulka hadda jira ee Galmudug oo loo huray naf iyo maal si loo taabagaliyo ayaa wuxuu marakan qarka usaaran yahay colaad iyo fowdo aan loo baahneyn. Ilaa iyo markii dhidibada loo taagan maamulka Galmudug sanadkii 2006 si looga baxo amni xumadii, kala dambeyn la'aantii iyo adeeg bulsho la'aantii, waxaa deegaanada maamulka Galmudug kadhacay isbedelo lagu diirsaday oo xaq amni, heykal maamul balaaraan oo wata faracyadiis sida aqal barlamaan, gole guurti, waxbarasho hanaqaaday, dhismiyaal bilicsan, ganacsi xoogleh, iwm.

 

Shirqool Maleegay

 

Waxaa jira shirqool iyo xasarad lagu duminayo guud ahaan waxla wixii u qabsoomay Galmudug dhinackasta uu hormood u yahay ninka lagu magacaabo Cabdi-Shurgi Cali Xersi. Ninkan Cabdi-shugri wuxuu kamid ahaa qabqablayaalkii qandaraaska kusoo qaatay in ay jabiyaan golihii maxaakiimta sanadkii 2005 balse iyaga la jabiyay. Intii dhowr bilood wuxuu Cabdi-Shugri, sheeganayay xil been abuur ah( gudoomiyaha Ahlu sunna Waljameeca ee gobolada dhexe oo badbaadada qaranka).

 

Wararka laga helayo koofurta Gaalkacayo baa sheeganaya in Cabdi-Shugri, soo dhoobay maleesho koofurta Gaalkacyo asagoo ku andacoonaya in uu sugayo ammaanka Galmudug ! Ammaanka Galmudug waxaa ka masuul ah maamulka Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin, Cabdi-Shugri dhaqdhaqaaqa uu kawado koofurta Gaalkacyo-na waa tu siweyn lid ugu ah maamulka loo dhan yahay, amniga iyo horumarka ay ku tilaabsatay Galmudug. Warar xogogaal ah ayaa tilmaamaya in Cabdi-Shugri, in uu taageero hil iyo hooba leh uu ka haysto dad sokeeye ah oo doonaya in Galmudug jilbaha dhulka loo dhigo iyo duulal shisheeye ah oo cadow ku ah jiritaanka iyo horumarka Galmudug.

 

Su'aashu waxaa weeye:-

 

1. Waamaxay xigmadda kujirtaa in Galmudug ladumiyo?

 

2. Ma Dan gaar ah oo gurcan oo shaqsi baa mudan inloo

haligo ummada dhan oo u hinqatay nabad iyo horumar?

 

3. Cabdi-Shugri, waamaxay abaalka uu ku leeyahay Galmudug

oo aan ka aheyn in uu kasoo jeedo deegaanka ?

 

4. Cabdi-shugri, xagee buu ka keenay Maleeshiyada hubeysan

oo uu soo dhoobay koofurta Gaalkacyo, waxaa la leeyahay

Maleeshiyadaasi kama soo jeedaan Galmudug ?

 

5. Cabdi-Shugri, xagee buu ka keenay kharashka lixaadka

leh oo uu ku bixinayo hawlaha gurcan oo uu kawado

Galmudug ?

 

* Su'aalahaas jawaabtooda waxaan u deynayaa dadka caqliga iyo garashada fiican u saaxiibkaa !!

 

Ugu dambeyntii, waxaa haboon in maamulka Madaxweyne Caalin uu waajibaadkiisa umadeed uu dag dag u guto asagoo shir Jaraa'id amuurtan ka qabanaya isla markaasna qaadaya tilaabooyin adag oo amniga Galmudug lagu sugayo. Waxaa taagan xiligii gacan bir ah lagu qaban lahaa kuwa ka ganacsada shacabka masaakiintaa dhiigooda iyo cirdigooda ama karaamadooda. Kuwa u dhashay Galmudug oo doonaya inla dumiyo Galmudug waa kuwo ah maangaab iyo caado-qaatayaal waana in laga cayriyaa deegaanada Galmudug, waayo dadkaasi waa manaxayaal aan lahayn damiir, garasho fiican iyo diin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this