Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Reer baadiye hub qaatay...

Recommended Posts

Is rasaasayntan ayaa waxay ka dhalatay muran abuurmay ka dib markii ay ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada oo rabay in ay galaan dukaan dharka lagu tolo (dawaarle) oo ku yaalla ka soo horjeedka Garaashka Iikoow ee agagaarka Hotel Gacanlibaax oo watay baabuur nooca Landcruiser ah ay soo ag mareen wiilal dhalinyaro ah oo ka tirsan ciidanka Xildhibaan Maxamed Ibraahim "Xaabsade", gaar ahaan maleeshiyooyin ka soo jeeda beesha [qabiil] oo meel fadhiyay.

 

Markii uu dhaafay baabuurkii ay wateen ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada ayaa waxaa maleeshiyooyin ka tirsan ciidanka Xildhibaan Maxamed Ibraahim "Xaabsade" "gaaray dhoobo ka soo firdhatay baabuurka " sida ay sheegeen maadaama magaaladu uu roob ka da'ay maalmihii tagay.

 

Maleeshiyooyinka ka tirsan ciidanka Xildhibaan Maxamed Ibraahim "Xaabsade " oo sida ay sheegeen ka caraysan
dhoobada gaartay
ayaa raasas ooda uga qaaday baabuurkii ay wateen ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada waxayna dhaawac gaarsiiyeen laba ka mid ah ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada oo mid ka mid ah uu dhawaciisu uu halis yahay.

Sii wado qoraalka.

___________________

 

Reer baadiye hub qaatay, wax kale aan caabuddin ka ahayn qoriga caaradiis, dhiiqo yar kugu fariirto in maanta Aakee [AK-47] la iskugu jawaabo ee noqotay. Dhiiqaddaas hal qof aa ku dhintay, lix kalena ku dhaawacantay.

 

Waxmagarato iyo damiirlaawe maxee dalkeena dowlad la'aanta ka faa'ideysteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this