Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 3, 2006 Is rasaasayntan ayaa waxay ka dhalatay muran abuurmay ka dib markii ay ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada oo rabay in ay galaan dukaan dharka lagu tolo (dawaarle) oo ku yaalla ka soo horjeedka Garaashka Iikoow ee agagaarka Hotel Gacanlibaax oo watay baabuur nooca Landcruiser ah ay soo ag mareen wiilal dhalinyaro ah oo ka tirsan ciidanka Xildhibaan Maxamed Ibraahim "Xaabsade", gaar ahaan maleeshiyooyin ka soo jeeda beesha [qabiil] oo meel fadhiyay. Markii uu dhaafay baabuurkii ay wateen ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada ayaa waxaa maleeshiyooyin ka tirsan ciidanka Xildhibaan Maxamed Ibraahim "Xaabsade" "gaaray dhoobo ka soo firdhatay baabuurka " sida ay sheegeen maadaama magaaladu uu roob ka da'ay maalmihii tagay. Maleeshiyooyinka ka tirsan ciidanka Xildhibaan Maxamed Ibraahim "Xaabsade " oo sida ay sheegeen ka caraysan dhoobada gaartay ayaa raasas ooda uga qaaday baabuurkii ay wateen ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada waxayna dhaawac gaarsiiyeen laba ka mid ah ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada oo mid ka mid ah uu dhawaciisu uu halis yahay. Sii wado qoraalka. ___________________ Reer baadiye hub qaatay, wax kale aan caabuddin ka ahayn qoriga caaradiis, dhiiqo yar kugu fariirto in maanta Aakee [AK-47] la iskugu jawaabo ee noqotay. Dhiiqaddaas hal qof aa ku dhintay, lix kalena ku dhaawacantay. Waxmagarato iyo damiirlaawe maxee dalkeena dowlad la'aanta ka faa'ideysteen. Quote Share this post Link to post Share on other sites