Sign in to follow this  
Cowke

Mogadishu: Xawaalada Dahabshiil oo diiday hub ka dhigis

Recommended Posts

Cowke   

Xawaalada Dahabshiil oo diiday hub ka dhigis

10 Apr 10, 2010 - 8:58:16 AM

 

 

Ururka Xisbul Islam ayaa maanta amar ku siiyay Shirkada Xawaalada Dahabshiil xafiiskeeda Muqdisho inay hubka soo wareejiyaan, iyadoo mas'uuliyiinta shirkaas ay diideen amarkaas.

 

Ilaalada shirkada Dahabshiil oo ka mid ah shirkada Xawaalad ee ugu weyn Somalia ayaa waxay ka hortageen ciidamadii Xisbul Islam ee amarkan soo rogay, balse ma dhicin wax iska horimaad ah, waxaana dhexgalay ganacsatada Bakaaraha.

 

Xarunta Shirkada Dahabshiil oo ku taala Suuqa Bakaaraha ayaa la xiray muddo saacad ka badan, kadib markii ay difaac isku galeen ilaaladooda iyo kuwa Xisbul Islam ee amarkan soo rogay.

 

"Mar qura ayaa la yimid albaabka weyn ee Shirkada, waxaana maamulka loo sheegay inay hubka soo wareejiyaan, wayna ku gacansayreen, taasoo keentay in difaac la isku galo" ayuu Garowe Online u sheegay mid ka mid ah madaxda amaanka shirkada oo dalbladay inaan magaciisa la isticmaalin.

 

Sarkaalkan wuxuu sheegay in xaaladu ay mar ku sigatay in dagaal uu qarxo, balse ay dhexdhexaadiyeen iyaga iyo kooxdan ganacsatada Bakaaraha, isagoo sheegay inaanay garanayn waxa xigi doona amarkan.

 

Amarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo loo bandhigyo shirkadaha Isgaarsiinta iyo kuwa Xawaaladaha ee xarumaha ku leh Suuqa Bakaaraha, iyadoo Ururka Al-shabaab oo ugu awood badan mucaaradka Somalia aysan weli ka hadlin amarkan.

 

Dhanka kale, Ururka Al-shabaab ayaa maanta ku xukumay Shirkada Xawaalada ee Amal Express inay daabacdo buugaag tiradoodu gaarayso 70,875-Kutub kadib markii lagu eedeeyay inay daabacday buug sare u qaadaya ciidaha Masiixiga, sidoo kalena aan lagu xusin ciidaha Islaamka.

 

Maamulka Shirkadda Xawaalada Amal Express ee Muqdisho ayaa ogolaaday ganaaxa iyagoo ka cudur-daartay buuga oo ay sheegeen inay u daabacday shirkad laga leeyahay dalka India, ayna gubayaan buugaagta hartay.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

...and what is alshabab's doing about this? let Hizbu trying to play boss (bullying) some corners of mogadishu or do they have some sorts of no-go territorial in btw them?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this