Jabhad Posted February 8, 2007 Madaafiic Caawa ku dhaceysa Xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho Arbaco, February 07, 2007(HOL): Caawa Xaaladda Magaalada Muqdisho aad ayay u kacsan tahay, dadka ku noolna aad ayay u cabsanayaan, sababtoo ah waxaa Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ku dhacaya Madaafiic waa weyn oo aan la ogeyn meel laga soo ganay. Madfac aad u culus ayaa wuxuu ku dhacay guri ku yaala Xaafadda Al-Baraka ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna halkaasi ku dilay haweeney, halka uu dhaawacay haweeney kale iyo gabar ay dhashay oo meel ku wada sheekeysanayay. Waa madfacii labaad oo xaafadda Al-Baraka ku dhaca, wuxuuna todobaadkii hore uu guri ku dhow guriga uu Caawa ku dhacay uu ku dilay labo ruux, waxayna dadka xaafaddaas ku dhacay ay muujinayaan wel wel ku saabsan sida ay xaaladdooda noqon doonto haddii ay sii socoto tuur-tuurista Madaafiicda. Dadka Xaafaddaas ku dhaqan ayaa waxay aaminsan yihiin in madaafiicdaas ay ku soo rideen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee magaalada Muqdisho ku sugan, bacdamaa sida ay yiraahdeen uu madfaca uga imaanayo jihooyinka ay ka xigaan Ciidamadaas. Dadka Xaafaddaas ku dhaqan ayaa waxay aaminsan yihiin in madaafiicdaas ay ku soo rideen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee magaalada Muqdisho ku sugan, bacdamaa sida ay yiraahdeen uu madfaca uga imaanayo jihooyinka ay ka xigaan Ciidamadaas. Waa Muqdisho iyo Madfac dhacaya xiliga habeenkii!!, Allow Magantaa, ma taqaanid meel ay wax kaaga soo dhacayaan, waxaaba kaaga sii daran magaalada Isbitaallada ku yaala ma ahan kuwo qalab iyo dawo fiican heysta, waxayna ku tiirsan yihiin Hay'ado Samafal oo markii ay ayaan joogaanba u keena wax xoogaa dawo ah, inkastoo ay jiraan Isbitaallo si gaar ah loo leeyahay oo lacag looga qaato dadka dabiibka loo geeyo. Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid oo u dhow Hotelka Kaah ayaa waxaa ku dhacay Madaafiic, waxaana jiray warar sheegayay in madaafiicdaas loola dan lahaa Hotelka, inkastoo Milkilaha Hotelka Kaah Ibraahim Macallin Kaah uu beeniyay in ay Hotelkiisa madaafiic ku dhaceen amaba loola dan lahaa. Wixii Warar ah ee ku soo kordha Madaafiicda ku dhaceysa Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho kala soco Hiiraan Online Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted February 8, 2007 ^Occupation forces shelling civilian houses. Quote Share this post Link to post Share on other sites