Somalina Posted September 15, 2010 Wednesday, 15 September 2010 04:55 Read : 24 times Ururka dhallinyara qaranka ayaa sheegay in uu qorsheynayo shir weyne ay isugu imaanayaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda kaas oo looga hadlayo midnimada iyo hormarka dhalinyarada Soomaaliyeed. Gudoomiyaha ururka Dhalinyarada qaranka Soomaaliyeed C/laahi Maxamed Nuur oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay u qaban doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed Shirweyne ay ka qeyb galayaan dhamaan dhalinyarada Dalka ku sugan iyo kuwa qurba joogta ah kaasi oo looga hadli doono Sidii dhalinyarada loogu wacyi gelin lahaa dagaallada loo adeegsanayo. Wuxuu sheegay gudoomiyuhu in haddi dhallinyaradu ay ka baaqsadaan dagaallada rajo wanaagsan laga leeyahay in la hanto ammaanka dalka maadaama kooxaha dagaalka ay wada ay adeegsanayaan inta badan dhalinyaro yaryar. Gudoomiyaha Dhailinyarada Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka heysta Dhalinyarada ku dhaawacmaya ama ku dhimanaya dagaallada ay sabab u tahay in ay waayeen xaquuqdii ay lahayeen oo ay ugu horeyso waxbarasho iyo adeegyadii kale ee bulshaa. Wuxuuna ka digay in ay arrintaasi dhiirri gelin karto in kuwa aan dagaallada ku jirin ay ka mid noqdaan colaadda haddii aan la helin wacyi gelin iyo waxbarasho ay ku dhisaan garaadkooda iyo mustaqbalkooda. C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in ururku uu dhallinyarada u raadinayo deeqo waxbarasho oo gudaha iyo dibadda ah si loo dhsio jiil Soomaaliyeed oo ka madax banaan dhibaatooyinka dalka ka jira iyo in la soo hanuuniyo kuwa dhex galay colaadaha ee loo adeegsanayo dagaallada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted September 15, 2010 Speaking of dhalinyaro. ______________________________ Nabadoon Xooshoow oo ku eedeyay Shabaab in ay dabar gooyn ku hayaan caruurta Soomaaliyeed. Tuesday, 14 September 2010 11:44 Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaliyeed ayaa sheegay in kooxda Shabaab ay dabargoyn ku hayaan ubadka Soomaliyeed iyagoo waalidiinta ugu baaqay in Caruurtooda ay ka celiyaan halaaga Shabaab ay ku hayaan. Nabadoon Maxamuud Axmed Xooshoow oo ka mid ah wax garadka Soomaaliyeeyd oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolada Dalka in ay caruurta ay u diidaan in Maleeshiyaadka Shabaab ay u adeegsadaan dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale dalka. Nabadoonka ayaa intaa ku daray in caruurta Soomaaliyeed ee loo bahnaa in ay wax bartaan si ay u dhisaan mustaqbalkooda ay Maleeshiyaadkaasi ka horjoogsadaan waxbarashada ayagoo ku qasba in ay ka mid noqdaan Maleeshiyaadka kooxdaasi, iyadoo horjoogayaasha maleeshiyaadkaasi ay caruurtooda wax ku bartaan wadamada Caalamka. Nabadoonka ayaa xusay in 50 Caruur ah oo ay ka soo kaxeeysteen gobolka Hiiraan ay ku nafwaayteen dagaalada gardarada ah ee Maleeshiyaadkaasi ay ka wadaan Magaalada Muqdisho. Nabadoonka ayaa ku eedeeyay Maleeshiyaadkaasi in ay ka been sheegeen Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ayna u fasirtaan sida rabitaankooda ah. Hadalka nabadonka ayaa imaanaya xilli caruur farabadan oo ay si qasab ah uga soo kaxeeyeen Gobolada kala duwan ee dalka ay ku nafwaayeen dagaaladii ugu danb eeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo caruurtii ku dhaawacantana dib ugu celiyay waalidiintooda. source Quote Share this post Link to post Share on other sites