Sign in to follow this  
General Duke

Afgoyee: Fake Jihadi's murder [Max'ed Tahliil Warsame] in Ramadan

Recommended Posts

Sarkaal lagu dilay duleedka Muqdisho

16 Aug 16, 2010 - 9:52:13 AM

 

Sarkaal si weyn uga soo horjeeday Xisbul Islam iyo Al-shabaab ayaa xalay lagu dilay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, halkaasoo ay ku sugan yihiin dadkii Muqdisho uga cararay dagaalada.

 

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Sh. Max'ed Tahliil Warsame ayaa waxaa toogtay sadex dhalinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado, sid ay goobjoogayaal u sheegeen Garowe Online, kuwaasoo sheegay in dhowr jeer laga toogtay madaxa.

 

"Kooxaha dilka geystay way baxsadeen, waxaana ay sadex xabadood uga dhufteen madaxa, maydkuna muddo ayuu yaalay halkii lagu dilay" ayuu yiri goobjooge ay cabsi weyn ka muuqato oo la hadlay GO.

 

Goobjoogahan ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay aysan garanayn, ayna ka baxsadeen goobta markii ay toogteen marxuumka, oo lagu aasay qubuuro ku dhow deegaanka lagu dilay.

 

Sh. Max'ed Tahliil ayaa ka mid ahaa saraakiishii hore ee Maxkamadihii Islaamka, kuwasoo sanadkii 2006 kala wareegay awoodii hogaamiyo kooxeedyo tobaneeyo sano ay u kala qoqobnayd Muqdisho.

 

"Marxuumk wuxuu jiray 37-sano, waxaana uu soo noqday la taliyaha gudoomiyihii Golaha Shuurada Maxkamadaha haatanna ah Hoggaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, sidoo kale wuxuu xubin kasoo noqday guddigii caafimaadka Maxkamadaha" ayuu yiri Axmed Nuur Ow-Diini oo ay si weyn isugu dhawaayeen Marxuumka.

 

Dilkan ayaa waxaa cambaareyn u jeediyay Hay'adda Culummada Soomaaliyeed, Ururka Ahlusunna Waljamaaca iyo Golaha Dhaqanka Muqdisho, waxayna ku tilmaameen fal cadownimo oo aad looga xumaado.

 

Marxuumka ayaa hadda ahaa guddoomiyaha golaha samodoonka Soomaaliyeed, isagoo ifka kaga tagay laba xaas iyo 8-caruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabadho, kuwaasoo aan weli qaangaarin, wuxuuna ku dhashay Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

 

Inkastoo Ururka Al-shabaab lagu eedeeyay dilkiisa, haddana ka jirto wax hadal ah oo kasoo baxay kooxdan, iyadoo sidoo kalena saraakiisha Xisbul Islam oo ka taliya deegaanka ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dilka sarkaalkan.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marxuumka ayaa hadda ahaa guddoomiyaha golaha samodoonka Soomaaliyeed, isagoo ifka kaga tagay laba xaas iyo 8-caruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabadho, kuwaasoo aan weli qaangaarin, wuxuuna ku dhashay Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

 

Inkastoo Ururka Al-shabaab lagu eedeeyay dilkiisa, haddana ka jirto wax hadal ah oo kasoo baxay kooxdan, iyadoo sidoo kalena saraakiisha Xisbul Islam oo ka taliya deegaanka ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dilka sarkaalkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this