Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Ahmed Madobe suffers another defeat

Recommended Posts

After the recent embarrassing and totally failed attack on Xagar, again a crushing and humiliating defeat for Ahmed Madobe and his rebellious militia at Biibi:

 

Dagaalo u dhaxeeya dhinacyada isaga soo horjeeda gobolada Jubooyinka oo galabta mar kale ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo

 

Dagaalo u dhaxeeya dhinacyada isaga soo horjeeda gobolada Jubooyinka ayaa galabta mar kale waxa uu ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee xaraunta gobolka Jubadda hoose.

Dagaalkani oo ahaa mid culus islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta gelinkii danbe waxa uu ka dhacay deegaanka Biibi ee duleedka magaalada Kismaayo,

waxaana uu dagaalku u dhaxeeyay dhinacyadii maalmihii ugu danbeeyay ku dagaalamayay qaybo kamid ah gobolada Jubooyinka iyadoo walaayada Islaamiga ah ee gobolada Jubooyinka ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay sheegeen in dagaalku uu bilowday kadib markii ay weerar ku qaadeen goob ay sheegeen in ay isku aruursanayeen dhinayada ka soo horjeeda maamulka Islaamiga ah ee gobolada jubooyinka sida hadalka loo dhigay.

Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ah Afhayeenka maamulka Islaamiga ee gobolada Jubooyinka ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo caawa Saxaafada Shir jaraa’iid ugu qabtay gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in dagaaalku uu yimid kadib markii Ciidamada Walaayada Islaamiga ah gobolada Jubooyinka ay ka war heleen in deegaanka Biibi Saldhig ku yaala ay isku aruursanayeen dhinacyadii dhawaan kula dagaalamay qaybo kamid ah gobolada Jubooyinka islamarkaana weerar culus oo qorshaysan ay ku qaadeen,

isagoona tilmaamay in ay la wareegeen Saldhigii ay weerarka ku qaadeen Ciidamada walaayada Islaamiga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayna dileen dhowr askari oo katirsan dhinacyadii ka soo horjeeday hub farabadana ay la wareegeen sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkan galabta gelinkii danbe ka dhacay deegaanka Biibi ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxa uu qayb ka yahay dagaalo maalmihii ugu danbeeyay dhinacyada isaga soo horjeeda gobolada Jubooyinka ku dhaxmaray qaybo kamid ah gobolada Jubooyinka

kaasi oo sababay qasaaro soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay iyo waliba dadka rayidka ah ee lagu dul dagaalamay,

mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ka soo horjeeda maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka oo ku aadan hadalada ka soo baxay maamulka Al Shabaab oo uu guulo kaga sheegtay dagaalkii galabta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this