General Duke Posted May 4, 2009 Nayroobi: " Waxaan ku faraxsanahay Nabadda iyo horumarka gobalada Puntland, waxaana leenahay dadka Puntland horumar wanaagsan" Xubin ka tirsan Wafdigii Talyaaniga ee shalay tagay deegaanada Puntland. 3. maj 2009 Nayroobi(AllPuntland )- Shir saxaafadeed ay magaalada Nayroobi ku qabteen wafdigii ka socday dawladda Talyaaniga ee shalay gaaray dalka Soomaaliya, gaar ahaana deegaanada Puntland ayaa ka hadlay waxyaabihii ay indhahooda ku soo arkeen, markii ay tageen caasumada maamulka Puntland. Safiirka Talyaaniga uqaabilsan dalalka Soomaaliya & Kenya ayaa shirkan oo uu ku qabtay xarunta safaarada wuxuu kaga warbixiyay xaalada deegaanada Puntland, wuxuuna amaanay Madaxda dawladda Puntland iyo Shacabka Puntland oo uu sheegay in ay wax badan qabsadeen, intii ay dagaaladu ka socdeen Soomaaliyada Koonfureed. Safiirka ayaa ku sheegay Puntland meel horumarsan, oo uu sheegay in ay ka jirto nabadgalyo wanaagsan, wuxuuna sidoo kale sheegay in uusan arag wadan ay ka muuqdaan raadadkii dagaalada ee dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in uu soo arkay dowlad waqti kasta shaqeyneysa oo la helayo. " Waxaan ku faraxsanahay Nabadda iyo horumarka gobalada Puntland, waxaana leenahay dadka Puntland taageera Maamulkiina, Soomaaliyada kale dagaalo xun ayaa ka muuqda, balse shalay waxaan umaleynay in aan joogno meel ka mid ah wadamada aan dagaaladu ka jirin, waayo ma arag wadan uu dagaal ka muuqdo ama xabad ujoog ah, nabad balaaran ayaa soo aragnay, wax hub ah kuma aanan arag meelihii aan tagnay, gaar ahaana Aqalka Madaxtooyada, marka laga reebo ciidan kooban oo albaabka hore ee Madaxtooyada jooga" Ayuu yiri Masuulkan. Dhinaca kale uqeybsanaha wasaarada arimaha dibada Talyaaniga ee Africa ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Puntland in ay sii wadaan shaqada culus ee ay hayaan, wuxuuna ku sheegay in shalay si wanaagsan loogu qaabilay deegaanada Ismaamulka Puntland, inkastoo uu sheegay in uu waqti ku yaraa ama diyaarad ujoogtay garoonka diyaaradaha ee magaalada oo wax badan ka durugsan Magaalo Madaxda Puntland ee Garowe. Madaxdan waxa ay qireen in uu amaan iyo kala dambeyn ka jirtay deegaanada Puntland, waxa ayna shalayba ka sheegeen gudaha xarunta Madaxtooyada in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashadooda, waxaana Suxufiyiin la socotay wafdiga ay ku sheegeen Puntland meel amaan wanaagsan ka jiro, oo ay ugu baaqeen dhinacyada Puntland in ay ushaqeeyaan Shacabkooda. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites