Sign in to follow this  
Jacaylbaro

ILLEGAL OIL DEALS

Recommended Posts

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa maanta sharci daro ku tilmaamtay heshiisyada Maamulada ka jira Soomaaliya ay la galeen shirkadaha shidaalka ilaa wixii ka dambeeyay 1991-kii xiligaasi oo ay meesha ka baxday dowladii hore ee Soomaaliya.

 

Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka dowladda KMG ee Soomaaliya ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka 3-aad C/Waaxid Cilmi Goonjeex oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay Maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee heshiisyada la galaya shirkadaha shisheeye ee ku howlan howlaha Shidaal Baarista.

 

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in wixii ka dambeeyay 1991-kii oo ay dhacday dowladii Max’ed siyaada barre Heshiisyadii ay galeen Maamulada Soomaalida ay yihiin kuwa sharci daro ah isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in iyadoo dowlada KMG aan lala tashan wali ay sii wadaan howlahaasi ay heshiisyada kula saxiixanayaan shirkadaha shisheeye.

 

C/waaxid Calmi Goonjeex Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka dowladda KMG ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in dowladda KMG ee Soomaaliya ay la socoto dhaq dhaqaaqyo qeybo ka mid ah maamulada Soomaaliya ay kala bilaabeen shirkado shisheeye si ay howlo baaritaano ah uga sameeyeen dhulka ay ka taliyaan inkastoo maamuladaasi uusan carab baabin.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Sedaxaad ee Xukuumada KMG ee Soomaaliya waxaa uu intaasi ku daray in heshiisyadaasi ay yihiin kuwa wax u dhimaya axdiga federaalka dowladda KMG ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

 

“Heshiihkaasi waxaa awood u leh oo gali kara dowlada dhexe ee Soomaaliya, manajiro gobol gaar ah ama maamul gaar ah oo awood u yeelanaya in uu heshiis dhinaca shidaalka la galo shirkado shisheeye, marka dhaq dhaqaaqa nuucaas ah iyo heshiisyadaasi ma’ahan wax waafaqsan sharciga dowladda KMG ee Soomaaliya”ayuu yiri Goonjeex.

 

C/waaxid Cilmi Goonjeex waxaa uu sidoo kale sheegay in uu la xariiray qaar ka mid ah shirkadaha iyagu ku howlan howlaha badroolka islamarkaana ay ka aqbaleen in ay joojiyaan howlaha ay ka wadaan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya taasoo uu sheegay in aanay waxba kala socon dowladda KMG ee Soomaaliya,waxana uu intaasi ku daray in ay jiraan shirkado ay u fasaxeyso dowladda KMG in ay baaraan shidaalka kuwaasi oo uu tilmaamay in ay horay ula shaqeyn jireen dowladii hore ee Soomaaliya.

 

Hadalkaani maanta ka soo baxaya dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ku soo aaday xili wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii Maamulada ka jira wadanka Soomaaliya ay heshiisyo la galayeen qaar ka mid ah shirkado ajaanib ah oo baara Badroolka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowlada ku meel gaarka ah ee uu hogaaminayo Sheekh Shariif ayaa ganafka ku dhifatey heshiisyada ay maamulada Soomaaliya ka jira ay la galeyaan shirkadaha baara shiidaalka iyadoo tani ay gebi ahaanba meesha ka saareyso heshiisyada Puntland, Somaliland ee shirkadaha shiidaal qodista.

 

2da Maamul oo iyagu aaminsan iney u madax banaan yihiin shiidaal soo saarida ayaan sharciyan looga ictriaafsaneyn aduunka isla markaana ay adagtahey in heshiisyadoodu meel maraan hadii ay Dowlada dhexe ay diido.

 

Wasiirka Tamarta iyo Shiidaalka Mudane Goonjeex ayaa maanta maruu shir jaraaid ku qabtey xafiiska Raysul wasaaraha Dowlada ku meel gaarka ah uu ku tilmaamey iney tahay sharci daro dhamaan heshiisyadii ka danbeeyey 1991 oo ah sanadkii uu dhacay Xukuumadii dhexe ee Somalia ee uu hogaaminayey Jaale Maxamed Siyaad Bare.

 

Wasiirka ayaa hadaladiisii ka mid ayaa waxaa ka mid ahaa 'Heshiihkaasi waxaa awood u leh oo gali kara dowlada dhexe ee Soomaaliya, manajiro gobol gaar ah ama maamul gaar ah oo awood u yeelanaya in uu heshiis dhinaca shidaalka la galo shirkado shisheeye, marka dhaq dhaqaaqa nuucaas ah iyo heshiisyadaasi maahan wax waafaqsan sharciga dowladda KMG ee Soomaaliya”

 

Wasiirku ma magcaabin maamul goboleedka Puntland laakinse hadalkiisa ayaa waxaa laga dhadhaminayay diidmo ku aadan heshiisyada uu maamulka Faroole la galey shirkado aad looga shaki san yahay qaabka ay wax u wadaan.

 

Xukuumada hada talada haysa ayaan waxba kaga duwaneyn tii hore ee uu hogaaminayey Cade Muuse isla markaana dalka keentey shirkada Rangers Resoucers markii kale u maqaar siibatey African Oil.

 

 

LaasqorayNET-

Share this post


Link to post
Share on other sites

DFKM ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay heshiisyada dhanka Kheyraadka ay maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya ay la galayaan Shirkadda Shisheeye ee ka shaqeeya baarista Kheyraadka.

 

Ra’isulwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka ee DFKM ah C/waaxid Cilmi Goonjeex oo maanta Saxaafadda kula hadlaayay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in sharci darro ay tahay in maamuladda ka jira dalka Soomaaliya ay heshiis dhanka Shidaal baarista ay la galaan Shirkaddo Ajaanib ah.

 

Waxaana uu sheegay in tan iyo burburki Dowladdi dhexe ee dalka Soomaaliya ay maamul goboleedyada ay bilaabeen in ay heshiisyo iyo wada hadalo la galaan Shirkaddaha kuwaas oo ugu dambeynti bilaaban howlaha macdanta iyo shidaal baarista,iyadoo uu xusay in ay jiraan meelo ay Shirkaddo ka sameyeen howlo Shidaal baaris ah.

 

Wasiirka ayaa ka gaabsaday ama in u xuso maamuladda uu ku eedeyey in ay heshiis sharci darro ah ay galeen isla markaana ay mamnuuc tahay in xilligaan maamul ka madax banaan DFKM ah ay heshiis dhanka Kheyraadka ah la galaan Shirkaddo.

 

”Heshiisyo aysan Dowladda ka warqabin oo aan la socon waa mid aan la ogolayn oo mamnuuc ah,Shirkaddaha sidoo kale heshiisyada lala galaayo waa in iyaguna ay marki hore lasoo xirriraan Dowladda si ay u gartaan Sharuucda iyo dastuurka u degsan arimaha Macdanta iyo Shidaal baaristay”,ayuu yiri.

 

Sidoo kale waxaa u xusay in DFKM ah ay iminka ku howlantahay in ay qaar ka mid ah goboladda dalka Soomaaliya ka bilawdo howlaha Shidaal baarista,iyadoo ay ugu baaqday Shirkaddaha ku howlan arimahaas in ay joojiyaan heshiisyada ay la galayaan maamul goboleedyada.

 

Waa marki ugu horeysay DFKM ah ee Soomaaliya ay cambaareyso heshiisyada dhanka Shidaal baarista ay maamuladda ka jira dalka Soomaaliya la galaan Shirkaddaha ajaanibta ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

somebody should tell them to mind their business those phony TFGs, they can't even control 2km of xamar let alone dedicating for other regions lol al shabab has more might and say in somalia affairs then this TFG, somebody should tell them this is not siad bare era anymore today is the best time everyman can do whatever he wants with his land. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this