Sign in to follow this  
General Duke

Addis Ababa: PM Nur Cade hold talks with officials of AU to attend heads meeting

Recommended Posts

Addis Ababa: RW Soomaaliya oo la kulmay masuuliyiin kala duwan.

30. januar 2008

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa la kulansan Madax kala duwan oo ka mid ah Midowga Africa oo uu kala hadlayo arimaha dalka Soomaaliya.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay Gudoomiyaha Midowga Africa ,isagoo kala hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii gacan loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Xoghayaha koowaad ee Safaarada Soomaalida ee Magaalada Addis Ababa Mahad Faarax Gaas ayaa usheegay AllPuntland in uu Raysalwasaaruhu berita ka qeybgalayo Shirweynaha Madaxweynayaasha Africa.

 

Mahad Faarax Gaas wuxuu sheegay in uu Raysalwasaare Nuur Cadde la kulmay dowladihii horey ciidamada ugu balanqaaday dalka Soomaaliya ,isagoo ku booriyey in ay dadajiyaan ciidamadii ay genlahaayeen dalka Soomaaliya.

 

Mr. Gaas ayaa sidoo kale sheegay in uu Raysalwasaaruhu la kulmay Danjirayaasha dowladaha Deeqaha bixiya uga qeybgalaya Shirkaasi Midowga Africa ,isagoo usheegay in looga baahan yahay in ay gacan qabtaan Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Raysalwasaare Nuur Cadde ayaa sidoo kale qaabilay Xubno ka socda Golaha amaanka iyo Midnimada Qaarada Africa oo usheegay in ay siiyaan dowlada Soomaaliya wixii ay uga baahan tahay.

 

Safarka Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa ku soo beegmaya xili Midowga Africa uu shirkaan ku falanqeyn doono arimaha gudaha ee dalka Soomaaliya iyo sidii gacan loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Addis Ababa: Shirka Beri ee Madaxweynayaasha Africa & Doorka Soomaaliya.

30. januar 2008

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Maalinta Bari ah waxaa ka furmaya sida la qorsheeyey Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Shirweyne ay iskugu imaanayaan Madaxweynayaasha dowladaha Africa oo sannadkii mar yeeshaan.

 

Shirkaasi waxaa tagaya inta badan Madaxweynayaasha dowladaha Africa ,waxyaabaha looga hadlayo ee ay diyaariyeen Wasiirada arimaha dibada Africa waxaa ku jira Arimaha Soomaaliya ,Suudaan ,Kenya & Dhaqaale loo uruuriyo Ururka Midowga Africa.

 

Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya waxaa utagaya shirkaasi Raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo ku cusub Masraxa Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

 

Raysalwasaaraha waxaa lafilayaa in uu maalinta ugu danbeysa hadal ka jeediyey shirka uu kaga hadlayo waxyaabihii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka ,waxa ay dowladu ubaahan tahay iyo Codsi ku aadan Ciidamo la keeno Soomaaliya.

 

Wasiirada arimaha dibada ee Midowga Africa ayaa soo gudbiyey Ajendayaasha shirka ,waxa ayna qodob walba soo raaciyeen Warbixin kooban oo ku aadan dalka Soomaaliya.

 

Wasiirada Arimaha dibada ee dowladaha Africa intooda badan waxa ay isku raacsan yihiin in sare loo qaado howlgalka nabad raadinta ah ee dalka Soomaaliya ,dhaqsana ciidamo ka socda Africa lugu geeyo dalka Soomaaliya si gacan usiiyaan Hay'adaha Dastuuriga ah.

 

Madaxweynayaashu waxa ay dalab ujeedin doonaan Madaxweynayaashii dowladihii balanqaaday ciidamada in ay geynayaan dalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Nayjeeriya ,Sinigaal iyo dowlado kale oo ay ka mid yihiin Ruwaanda.

 

Warbixin dheer oo taabaneyso dhinacyo badan ayaa lafilayaa in uu jeediyo gudoomiyaha nabada Iyo Midnimada Qaarada Africa Siciid Djinit oo dhawaan tagey magaalada Muqdisho.

 

Hadaba shirkaan ayaa xeeldheerayaasha Arimaha Africa ,waxa ay ku darsayaan in uu la mid noqon doono shirarkii hore ee Midowga Africa oo ay inta badan ka soo baxayeen Baaqyo oo kaliya ,balse dadkale ayaa rumeysan in shirkaan looga codsan doono Qaramada Midowbay in ay ciidamado geyso dalka Soomaaliya ,kuwaasoo howsha kala wareegaya Nabad sugayaasha Africa oo aan wali natiijo ka keenin joogitaankooda dalka Soomaaliya.

 

Kala soco Shabakada AllPuntlad warar xaqiiqo ah ,kuna saabsan Shirka maalinta beri ah ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay leeyihiin Madaxweynayaasha dowladaha Africa.

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya oo la kulmay masuuliyiin kala duwan

30 January, 2008 By _Dowladnimo

 

Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa la kulansan Madax kala duwan oo ka mid ah Midowga Africa oo uu kala hadlayo arimaha dalka Soomaaliya.

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay Gudoomiyaha Midowga Africa, isagoo kala hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii gacan loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Xoghayaha koowaad ee Safaarada Soomaalida ee Magaalada Addis Ababa Mahad Faarax Gaas ayaa usheegay Dowladnimo.com in uu Raysalwasaaruhu berita ka qeybgalayo Shirweynaha Madaxweynayaasha Africa.

 

Mahad Faarax Gaas wuxuu sheegay in uu Raysalwasaare Nuur Cadde la kulmay dowladihii horey ciidamada ugu balanqaaday dalka Soomaaliya, isagoo ku booriyey in ay dadajiyaan ciidamadii ay genlahaayeen dalka Soomaaliya.

 

Mr. Gaas ayaa sidoo kale sheegay in uu Raysalwasaaruhu la kulmay Danjirayaasha dowladaha Deeqaha bixiya uga qeybgalaya Shirkaasi Midowga Africa, isagoo usheegay in looga baahan yahay in ay gacan qabtaan Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Raysalwasaare Nuur Cadde ayaa sidoo kale qaabilay Xubno ka socda Golaha amaanka iyo Midnimada Qaarada Africa oo usheegay in ay siiyaan dowlada Soomaaliya wixii ay uga baahan tahay.

 

Safarka Raysalwasaaraha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa ku soo beegmaya xili Midowga Africa uu shirkaan ku falanqeyn doono arimaha gudaha ee dalka Soomaaliya iyo sidii gacan loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this