Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: Coference held for the Recognition

Recommended Posts

Hargeysa (HWN)- Shir balaadhan oo lagu gorfeynayey wax-yaabaha caqabada ku ah inay Somaliland aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho bulsha-weynta Caalamka,waxa uu xalku-yahay ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

 

Munaasibadii furitaanka Shir-weynahan loogu go-gol-xaadhayo Shirweyne Caalami ah oo dhawaan furmi doona oo lagaga hadli-doono Somaliland waxa ka hortaagan inay bulshada caalamka Ictiraaf ka hesho, ayaa waxa ka soo qeybgalay xubno ku dhow 40-aqoonyahan oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada sida professor-o wax ka dhiga qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka, Haween, Abwaano Iyo marti sharaf kale.

 

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Somaliland Forum, ayaa waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Somaliland Forum Md. Cali Daahir oo u mahad-celiyey dhamaan marti-sharafti ka soo qeybgashay kulan, sida ay wakhtigooda ugu soo hureen.

 

“Bulshadu way fara-badan tahay, hadana waxaanu Shirkan ku koobnay inay ka soo qeybgaleen aqoon-yahanka reer Somaliland inay ka qeybgalaan oo ay ka doodaan waxa hortaagan aqoonsiga Somaliland ka hesho Caalamka” ayuu yidhi Cali Daahir.

 

 

Guddoomiye Cali Daahir waxa uu sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee mawduuc lagaga hadlayo waxa carqabad ku ah inay Somaliland ictiraaf ka hesho Caalamka lagu qabto dalka Somaliland. “Shirkan maanta furmay waa Shir loogu go-gol-xaadhayo Shirweyne Caalami ah oo ka furmi doona Dalka, isla markaana ay ka soo qeybgeli doonaan aqoon-yahano fara-badan, Siyaasiyiin iyo dad magac ku dhex leh bulshada.”

 

Waxaanu intaa raaciyey in wixii halkan ka soo baxa ay noqon doonaan wax lagaga hadlo Shirweynaha kale ee noociisan oo kale ah oo dhawaan dalka oodhan u bilaabmi doona. Kana uu u yahay go-gol-xaadh.

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ((C/raxmaan Cirro), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey doorka ay ka Gole ahaan ka ciyaareen sidii ay Somaliland ictiraaf uga heli lahayd caalamka, gaar ahaan wadamada Kenya, Uganda, Iyo Ingiriiska oo ay Barlamaanadooda xidhiidh la sameeyeen.

 

Md. Cirro waxa uu nasiib-daro ku tilmaamay In Barlamaanka Kiinya oo mooshin la xidhiidha Ictiraafka Somaliland soo bandhigi lahaa ay wadankaasi ka dhaceen doorashooyinkii rabshaduhu ka dhasheen.

 

C/raxmaan Maxamed C/laahi waxa uu ku amaanay Ururka Somaliland Forum inay dadaalka iyo wax-qabadkooda halka ay maanta taagan yihiin kor uga sii qaadaa, isla markaana arrintan la xidhiidha aqoonsiga Somaliland ee ay soo bandhigeena ay ka midho-dhaliyaan.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay aqoon-yahano fara-badan oo ku kala aragti duwanaa waxa carqabada ku ah inay Somaliland bulshada Caalamka aqoonsi ka hesho, balse waxay dhamaantood ka markhaati kaceen hoos-u-dhaca dhaqaale ee wakhtigan j ka jirta Caalamka ay ka mid tahay iyo arrimo kale oo badan. Waxaanay tilmaameen oo qaabka ugu haboon ee ay Somaliland aqoonsi ku heli karto.

 

 

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee dalka ka dhaca, isla markaana noqonaya hor-dhaca Shirweyne Caalami ah oo lagu lafa-guri doono Ictiraaf ay Somaliland hesho waxa hortaagan iyo waxa uu xalku yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Hal-doorka Aqoonyahanada Somaliland, oo lagu gorfaynayay waxyaalaha caqabadaha ku ah, isla-markaana hor-taagan ictiraafka ay Somaliland raadcaynaysay mudada 19-ka sano ah, ayaa lagu qabtay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

 

Kulankan oo loogu gogol-xaadhayo shirweynaha Ictiraafka Somaliland oo dhawaan lagu wado inuu Hargeysa ka dhaco, isla-markaana uu ku hawlan yahay qabanqaabadiisa ururka Somaliland Forum, ayaa waxa ugu horayn hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Somaliland Forum, Mudane, Cali Daahir isaga oo u mahadnaqay ka soo qayb galayaasha kulankan oo waqtigoodii u soo huray sidii ay ugu biirin lahaayeen aqoontooda arrinkan laga hadlayo ee aqoonsiga Somaliland.

 

Md. Cali waxa uu sheegay in iyada oo bulshadu ay fara badan tahay hadana ay go’aansadeen inay shirkan ku koobaan aqoon yahanka.

 

Waxa kale oo uu tilmaamay inay tahay markii ugu horraysay ee mawduucan aqoonsiga shir u gaar ah lagaga hadlo,. Waxaana uu ka sanqadhiyay in uu jiri doono shir weyne caalami ah oo lagu lafa guri doono aqoonsiga Somaliland oo ay ka soo qayb geli doonaan dad badan oo aduunyada magac ku leh sida siyaasiyiin, aqoon yahan iyo dad keleba.

 

Sidoo kale waxa uu xusay uu sheegay in shirkani uu gogol xaadh u yahay shirkaas waxyaabala halkan ka soo baxaana ay noqonayaa qodobo lagaga dodo shirka caalamiga ah ee dambe.

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo isna madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday doorka ictiraaf-raadinta uu galay Golihiisu, isaga oo tilmaamay inay xidhiidh la sameeyeen Goleyaasha Baarlamaanka ee wadamada, Itoobiya, Kiiniya, Uganda iyo Ingiriiska.

 

Gudoomiyuhu waxa uu ku war-geliyay aqoonyahanadii kulankaasi ka qayb-galay inay casuumeen xubno ka socday Baarlamanada Ingiriiska iyo Kiiniya, waxaana uu nasiib-daro ku tilmaamay in Baarlamaanka Kiiniya oo moshin la xidhiidha ictiraafka Somaliland soo bandhigi lahaa ay wadankaasi ka dhaceen doorashooyinkii rabshaduhu ka dhasheen.

 

Waxa uu Gudoomiyuhu balan-qaaday inay dedaalkooda sii wadi doonaan, waxaana uu ku ammaanay Somaliland Forum dedaalka ay wado, isaga oo ku dhiiri-geliyay inay ka midho-dhaliyaan shirkan lagu lafo-gurayo waxyaalaha hor-taagan ictiraafka Somaliland.

 

Sacad Maxamed Shire oo ka mid ah Aqoonyahanada Somaliland,oo munaasibaas ka hadlay ayaa isagu waxyaalaha ictiraafka Somaliland hor taagan waxa uu ku tilmaamay inay ugu horayso dhaqaale-la’aantu.

 

Waxaana uu tusaale u soo qatay in wadankaTaywoon aanu beesha caalamka ka helin wax aqoonsi ah, balse hadana loola dhaqmo sidii wadan la aqoonsan yahay, iyada oo lagu tixgelinayo kaalinta dhaqaale ee uu adduunkaga jiro iyo waxa uu caalamka ku soo biirayo.

 

Waxa kale oo iyana munaasibadaasi ka hadlay aqoonyahano kale oo tiro badan, kuwaasoo afkaar kala duwan ka bixiyay sida ugu haboon ee Somaliland ictiraaf ku heli karto.

 

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa, laguna gorfeeyo aqoonsiga Somaliland oo Hargeysa ka dhaca, waxa uu gogol-xaadh u noqonayaa shir caalamiya oo dhawaan lagaga hadli doono Aqoonsiga Somaliland, kaasoo ay ka soo xaadiri doonaan wufuud badan, oo isugu jiro, ajnebi, aqoonyahano waxgarad iyo siyaasiyiin dunida magac ku leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this