Sign in to follow this  
General Duke

Puntland leaders visit SOOL..Pics

Recommended Posts

Heshiiskii Beelaha Domco iyo Kalabaydh oo lagu soo Afjaray Guriga Garaad Jaamac (daawo Sawirada)

Last Updated::2006-09-11 21:31:25

 

cadde_guriga_garaadka1.JPG

cadde_guriga_garaadka2.JPG

Laas Caanood:- Waxaa saaka soo gaadhay magaalada Laas caanood wefti ballaadhan

oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Md.Maxamuud Muuse Xirsi.

 

Weftigan ayaa waxa si aad ah loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood.

 

Mas'uuliyinta ku weheliyey safarka Madaxweynaha ayaa waxa ka mid ah Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammniga, Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Maaliyada Maxamed cali Yuusuf, Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare, Wasiirka Caafimaadka C/raxmaan Siciid Maxamuud, Wasirka diinta iyo Awqaaafta C/risaaq Yaasiin Cabdulle, Wasiirka Waxbarashada Axmed Siciid aw Nuur, Taliyaha Booliska Puntland Gen.Yusuf Axmed Khayr, Taliye ku xigeenka Daraawiishta Puntland C/samad Cali Shire, iyo masuuliyin kale.

 

cadde_guriga_garaadka3.JPG

 

Hadaba ujeedada imaatinka weftigan ballaaran ayaa ah u kuurgelida xaaladda gobolka Sool.

 

cadde_guriga_garaadka4.JPG

 

Soo dhaweyn iyo nasasho ka dib ayaa weftiga Madaxweynuhu waxa ay u kicitimeen guriga Garaad Jaamac Garaad Cali halkaasi oo lagu soo gabababaynayey nabadayntii labada beelood ee Khayr cabdi iyo Bahararsame.

 

 

cadde_guriga_garaadka5.JPG

Xafladdan ayaa ahayd mid ay soo Agaasimeen gabdhaha labadaasi beelood.

 

 

Abarihii 10:00am saacada Laas Caanood ayaa xafaladii gunaanad ka heshiiska beelaha khayr cabdi iyo Bahararsame si toos ah uga bilaabatay Hoolka shirarka guriga Garaad Jaamac Garaad Cali.

 

cadde_guriga_garaadka6.JPG

 

Ugu horayna waxaa halkaasi ka hadlay laba caaqil oo u hadlay gudiyadii xalinta khilaafaadka labada beelood. Iyagoo uga waramay wefdiga Madaxwaynaha heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay arintan ay manta xafladeeda ku casumeen madaxda sare ee Puntland, iyagoo u sheegay Madaxwaynaha inay arintaasi ufadhiyeen mudo 5 bilood ah.

 

cadde_guriga_garaadka7.JPG

 

Waxaa kaloo gudigaasi sheegeen in markii heshiisyo hore oo la gaadhay ay socon waayeen ay go,aan sadeen inay iyagu si toos ah uwada hadlaan ilaahna waa nagu guuleeyey.

 

 

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay isimada gobolka sool oo uu ka mid yahay Garaad Abshir Saalax, Ugaas c/dilaahi ciise iyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo dhamaantood ka hadlay arrimaha nabadaynta iyo warbixin ku saabsan gobolka.

 

cadde_guriga_garaadka8.JPG

 

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka maaliyada dowlad goboleedka puntland Mr.Gaagaab oo sheegay in ay Puntland dejisay siyaasad cusub oo la rabo in lagu dhaqo Puntland taas oo ah in gobolka walba uu isagu iska bixiyo mushaharooyinka isla markaana uu isku filaado gobolka kasta oo ka tirsan Puntland.

 

 

Waxaa kaloo hadlay Waasiirka arrimaha Gudaha Xaabsade oo sheegay in halkan loo yimid in wax la saxo wax badana laga bedelo gobolka.

 

 

Ugu dambayntii ayaa waxa halkaasi lagui soo dhoweeyey madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo run ahaantii halkaasi ka soo jeediyey qudbada aad u ahayd muhiim isla markaana ay dadku aad ugu riyaaqeen.

 

Wuxuuna sheegay in uu halkan u yimid in uu wax ka qabto waxa ay tabanayaa dadku iyo sidi loo dhisi lahaa golaha degaanka si ay dadku iyagu wax u qabsadaan.

 

Faisa Cabdi Dhalac

Wariyaha Madaxtooyada Puntland

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allmudug 10-09-06 Xaflad aad loo maamuusay ayaa ka dhacday Guriga Garaadka Beelaha SSC Garaad

 

Jaamac Garaad Cali, Xafladaas oo ay kasoo qayb galeen wafdi ballaaran oo uu Hogaaminayey Madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse ayna ku jireen wasiiro faro badan oo ka tirsan Xukuumaddiisa.

Xafladdaan oo looga Gol lahaa inay ku kala warqaataan Madaxda Puntland iyo Maamulka, Shacabka iyo Waxgaradka iyo sidoo kale Golaha Isimada Sool ayaa waxaa hadal ka jeediyey halkaas Masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka Xaabsade, Madaxwaynaha Puntland, Maamulka Gobolka iyo sidoo kalena Garaad Jaamac Garaad Cali.

 

Hadalkii ay masuuliyiinta Puntland ka jeediyeen Xafladaas ayaan nuxurkeedu ahaa inaysan Xukuumadda Puntland ka gaabinayn shaqada iyo holaha Gobolka Sool iyadoo Alwasiir Xaabsade tilmaamay in Dib udhac walba iyo dibin daabyo walba oo timaada ay Eeddeeda dusha u ridanayso Beesha ama Shacabka Deegaanka isagoo sheegay inay intii tabartood ah xukuumaddu dadaasho.

 

Mr Cadde ayaa isaguna sheegay inuu yahay Madaxwaynihii ugu booqashada badnaa ee Gobolka sool yimaada isagoo sheegay in tan iyo markii loo doortay xilka madaxwayne nimo uu ugu yaraan lix jeer tagay magaalada laascaano uuna aaminsanyahay in Gobolka Sool iyo Buuhoole ay kamid yihiin Deegaanada iyo Dadka ugu Puntlander-san waa sida uu hadalka u dhigaye, Hadalkaas oo Dadka siyaasadda indha indheeyaa ay ku Fasireen inuu jawaab u yahay Hadallo horey ay dadka qaarkiis usheegeen kaasoo dhigayey inaysan xukuumadda Puntland Gobolka sool siinin Ahmiyadda ay siiso Gobollada kale ee soomaaliya sida Bari.

 

Si kastaba ha ahaatee Safarka General cadde iyo Xukuumaddiisa ayaa si wayn looga soo dhaweeyey Gobolka Sool iyadoo uu ugu danbayntii halkaas hadallo Guugaabo iyo Duco isug jira ka jeediyey Garaadka guud ee Beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali.

 

Xafiiska Allmudug...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood: Madaxwaynaha Puntland oo kulammo la qaatay Isimada iyo wax garadka gobolka Sool.

Monday, September 11, 2006

 

 

Laascaanood (AllPuntland)- Madaxwaynaha DGPL Maxamud Muuse Xirsi Jen, Cadde ayaa waxa uu kulammo la qaatay wax garadka iyo odoyasha ku dhaqan magaalada Laascaanod ee xarunta gobolka Sool.

 

Madaxwayne Cadde iyo wafdigisa oo maanta gaaray magalada Laascaanood ayaa waxa ay la kulmeen Salaadiin ay ka mid yihiin Garaad Jamaad iyo Salaadiin kala duwan.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu sheegay in meel fiican ay u marayaan hawlihii uu u yimid gobolka Sool iyaga oo isku afgartay odoyaashii u la kumay in qaab wada hadal ah lagu dhameeyo dhibaatooyinka ka tagan qaar ka mid ah deegaannada hoos yimaada gobolka Sool.

 

Mudane Cadde ayaa mar uu saxaafadda la hadlayay waxa uu sheegay in uu dhowaan rajaynayo in uu soo gabagabeeyo booqashada u ku joogo gobolka Sool.

 

Madaxwayanaha ayaa waxa u ka hadlay arrimo ay ka mid yihin nabad galyada gobolka isaga oo sheegay in odoyasha iyo cuqaasha gobolka loo baahan yahay in ay ka qayb qaataan sugidda amaanka gobolka guud ahantis.

 

Madaxwaynaha Putland ayaa waxaa dhowaan la filayaa in uu cagta soo mariyo deegaanno ay ka mid yihin deegaanka Buhoodle.

 

Waxaa madaxwaynaha Socdaalkiisa ku wehiliya Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka, Wasiirada iyo Xilldhibaanada Puntland, waxana magaalada Laascaanood ku soo dhoweeyay maamulka gobolka iyo degmada.

 

M. J. Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo saaka gaarey magaalada Laas Caanood

 

Laas Caanood - 11.September.2006 Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka

gaarey magaalada Laas Caanood ee xarunta gobolka Sool.

 

Safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la xiriira u kuur gelid xaaladda guud ee gobolka Sool gaar ahaan dhinaca ammaanka iyo shaqada dawladda ee gobolka.

 

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah; wasiirka waxbarashada Puntland, Axmed Siciid Aw-Nuur, wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka, Cabdullaahi Cali Xirsi, Cali Cabdi Awaare, wasiirka caafimaadka Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne, wasiirka maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab iyo wasiirka diinta iyo awqaafta Puntland Cabdirisaaq Yaasiin Cabdulle Geesood.

 

Wafigan ayaa waxaa magaalada Laas Caanood ku soo dhoweeyey; isla markaasnas u gelbiyey aqalka madaxtooyda ee magaalada Laas Caanood, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Axmed Cabdi Xaabsade, taliyaha ciidanka booliiska Puntland, Yuusuf Axmed Khayr, taliye xigeenka ciidanka daraawiishta Puntland, Cabdisemed Cali Shire.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

^ It would be nice Mr.Duke if you extended this courtesy of good reporting to other clans who have no blood relations to you and you stopped your hypocrisy and hate against them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^ Why should he? Are the other clans media disabled? Why don't you, good Xoogsade, champion the cause of your own clan? Is it a daunting task? Are you embarrassed to do it? Don't hate on the man because he dedicates his life to a cause. You should admire him instead. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Do you see it coming? I do, the 'peacefull Northern Somalia' is almost gone. Its our turn folks, we have had 15 years of booto. Cade Muuse's days in SSC is over, have you seen any smiling faces on the pictures? The poeple are fed up with his corruption. All thats missing is the secessionists making a move and we got ourselves a nice barbeque. We will shown those 'reer koonfureed' that we can do it better much much better. smile.gif

 

The ICU can play a role in this too, The could be a major player in Northern Somalia too, they got a large following in the North Central regions.

 

Anyways, this will not be solved peacefully, all political parties got something to gain with war. The explosives are there all we are waiting for is the spark now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The intellectually bankrupt bunch that has been leading Puntland for a while is coming to a dead-end! The notion that an entire political entity would bank its security on Ethiopia’s help and interference in other Somali regions sounds very retarded to me! Competing for Ethiopia’s allegiance and loyalty has been a major political trademark in both Puntland and Somaliland. liid, I say.

 

If Somaliland’s secessionists are guilty of on capitalizing Somalia’s decomposing body, Puntland’s militaristic leadership is guilty of duplicity and betrayal in the effort of reviving Somali State! That’s very liid, indeed and Cadde, with whose pictures we are constantly bombarded, leads it.

 

The land of Punt as it were is ripe for a sweeping reform. The question is : who can bring that change in a timely manner?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^ Your clan bigotry is duly noted. :cool: It's obvious you hate the (entire) people of Puntland and are hiding behind labels such as "Puntland's leadership".

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I say it’s a fair analysis of that entity’s leadership! a Harsh sentiment to be sure, but a one that houses a politially germane point :D !

 

 

edit: are you a Puntlnader yaa Castro :D ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^ Fair? You wouldn't know fair if it slapped you in the face. Clan bigotry, good Xiin, has clouded your vision and made you into a sore loser who is full of hatered. Grow up, I say, and leave the people of Puntland alone. They have accomplished so much under such harsh conditions and yet all the haters in the rest of Somalia are just hating on them. Hater! :D

 

edit: are you a Puntlnader yaa Castro
:D
?

Oh, so now I can't even be a Puntlander? That's double bigotry right there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^My talk is not about whatever modesty achievement Puntlanders attained under those harsh conditions yaa Castro; rather it’s what they could’ve achieved with better leadership than they currently have! And yes I am impeaching their current leadership on the basis of sheer incompetence and treacherous betrayal of grand Somali concepts!

 

Who’s paying you today yaa Castro :D ? Or you pulling my legs as you often do with ease?

 

edit: I need a genuine Puntlander who can speak to the point I raised. Castro is just pretending :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this