Sign in to follow this  
Emperor

Prof. Dalxa silenced the few headless MPs that support Geedi

Recommended Posts

Emperor   

Pro:Max'ed Cumar Dalxa " Sharci ma aha in Barlamaanka laga dhex sameeyo Isabahaysi , Dastuurkeenana kuma qorna"

 

Gudoomiye Ku xigeenka Barlamaanka Somalia Pr:Max'ed Cumar Dalxa ayaa si weyn u qaadacay Isbahaysiga shalay ay baydhaba kaga dhawaaqeen Xubnaha Xildhibaanada ee ku fikirka ah Ra'isal Wasaare Geedi.

 

" Dastuurkii aan soo dagsanay ayaa wali lagu tumanayaa , waxaana ku jira Qodob Cad oo qof walbaa arki kaara oo dhigaya in qofka aanu ku biiri karin Xisbi , Isbahaysi, Koox , Sidoo kalena aan Barlamaanka laf ahaantiisa dhexdiisa laga abuuri karin is kooxeysi " Ayuu Yiri Pro:Dalxa Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamaanka Somalia.

 

Mar uu ka hadlaayey waxa ay ka ogyihiin Gudoon ahaan ayuu sheegay in aanu waxba kala socon ayna ka maqleen oo kaliya Idaacadaha .

 

Max'ed Cumar Dalxa ayaa waxa uu ka digay in Isbahaysigaas uu u muqan karaa mid wax u dhimaya Sumcada uu Barlamaanka ku lahaa Caalamka iyo waliba isagoo ku nuuxnuuxsaday in dad gaar ah ay qorshahaa wadaan oo ay kaga faa'ideysanayaan Xiisada taagan.

 

Isbahaysiga shalay Hotel bakiin lagu dhisay ayaa u muuqanaya mid si weyn ay uga hor imaanayaan Xubno fara badan oo ah Barlamaanka Somalia.

Waxaana lagu tuhunsan yahay in ay ka danbeeyan hogaamiye kooxeedkii Xamar laga cayriyey, oo ayagu il guraya xaalada siyaasaded

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@hotmail.com Or Carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Baydhabo: Prof: Dalxa oo ka hadlay Xisbi Shalay looga dhawaaqey Magaalada Baydhabo.

26. oktober 2007

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka hadlay Xisbi shalay looga dhawaaqey Magaalada Baydhabo ,kaasoo la magacbaxay Xisbiga Iskuduubnida baarlamaanka Soomaaliya.

 

Prof: Dalxa ayaa ku tilmaamay mid ka baxsan Sharciga dowlada Soomaaliya ,isla markaana dadka sameeyey yihiin kuwa ka soo horjeeda Nidaanka dalka Soomaaliya.

 

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in Axdiga KMG uusan ogoleyn ,in Xubin ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya aysan ka mid noqon karin Xisbi kale.

 

Dalxa ayaa tilmaamay in aan la gaarin xili lasameeyo Nidaamka asxaabta badan ,isla markaana xubnaha ku jira Xisbigaasi lugu dhawaaqey yihiin kuwa doonaya in ay sii socota nidaam la'aanta dalka Soomaaliya.

 

Wuxuu kaloo gudoomiye kuxigeenku sheegay in fadhiyada baarlamaanku sii socondoonaan todobaadka soo socda ,ayadoo maalinta beri ah uu furmayo fadhigii codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Xukuumada uu hogaamiyo Cali Maxamed Geedi.

Shalay ayaa magaalada Baydhabo waxaa looga dhawaaqey Xisbi ay ku mideysan yihiin Mudanayaal baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ,lana fikir ah Raysalwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

 

Waxaana gudiga dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaameen mid aan waafaqsaneyn Axdiga DKMG ee Soomaaliya ,loona baahan yahay in la tirtiro.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this