Sign in to follow this  
General Duke

Xamar-warlord media’s: shock anger @ Libiye, Uganda and Sudan

Recommended Posts

Hogaamiyaha Liibiya oo Cabdilahi Yusuf u balanqaaday inuu bixin doono dhaqaalaha uu ku qabanayo Somaliya.Warbixin dhab ah.

 

Waagacusub.net 04.04.05 Nairobi

Hogaamiyaha dalka Liibiya Mucaamar Al Qadaafi ayaa Cabdilahi Yusuf Axmed u balanqaaday inuu bixin doono dhaqaalaha ku baxaya qabashada Somaliya ee dhinaca Melleteriga.

Heshiiskaas oo labada hogaamiye ku dhexmaray Caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli ayaa qorshahiisa ahaa sidaan kadib markii khadka telefoonka uu go’aankaas uga qeybgalay Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Musevini.

In dhinaca qabashada dalka uu hormuud ka noqda Madaxweynaha Uganda islamarkaasna Ciidamadda Uganda ay soo galaan dalka Kenya kana gudbaan xaduudka Kenya iyo Somaliya si ay u qabtaan Magaaladda Baydhabo oo Cabdilahi Yusuf inbadan ku taamayay inay noqoto Caasimadiisa uu ka hago dowladda uu garabka ka hogaamiyo.

Sidoo kale Ciidamadda Suudan ayuu amar ku bixiyay Musevini oo ah gudoomiyaha Igad inay qabtaan Magaaladda Jowhar islamarkaasna dowladdu ay guurta isla waqtigaas Ciidamadu galaan labadaas Magaalo.

Qorshaha kaas xigaa wuxuu noqon doonaa sidii loo qaban lahaa Magaaladda Muqdisho iyadoo Ciidamadda Uganda soo aadi doonaan dhanka garoonka Beledoogle ilaa Afgooye halka Ciidamadda Sudan soo aadi doonaan dhankaa iyo Magaaladda Balcad.

Dagaalkaan laba Afoodka ah ee lagu qabanayo Magaaladda Muqdisho ayuu Yuweri Museveni u adeegsan doonaa hadii iska caabin uu kala kulmo labadaas wado ee loo marayo qabashada Magaaladda Muqdisho inuu quwad Melleteri weeydiisto dowladda Itoobiya oo iyada ah raca labaad ee tagayo hadii loo baahdo ama si Emergency ah loogu yeerto sida ku cad heshiiskii IGAD.

Warbixintaan oo ah mid dhab ah waxaan ka soo xiganay Wasiir ka mid ah wafdiga la socdo Ra’isulwasaare Geedi ee ku sugan Liibiya kaas oo dhawaan sheegay inuu qaadici doono qorshahaas isagga ah.

Wasiirkaan oo ka mid ah Mas’uuliyiinta miisaanka culus ku leh siyaasada Somaliya waxaa uu Waagacusub.net ka codsaday in aan magaciisa la shaacin inta uu ka gaarayo qorshahiisa siyaasadeed ee uu uga hortagayo guud ahaan tilaabooyinkaas.

 

Waagacusub News

asoj@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this