Sign in to follow this  
General Duke

Heavy clean up for chosen hall for N-R-Conference: PICS

Recommended Posts

Olole lagu nadiifinayo xarunta shirka dib u heshiisiinta oo ka socota Muqdisho

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 15/05/07

 

Waxaa olole nadaafadeed ka bilowday xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi ay ka socoto nadaafad isla markaana qashinka ay ka qaadayaan gaadiid, waxaana qabanqaabada ololahan oo ay wado dowladda Hoose la sheegay inuu soconayo muddo afar maalmood ah.

 

Ku xigeenka duqa arrimaha bulshada ee duqa magaalada Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur iyo xubno kale oo ka socday D/hoose ayaa iyagu wada howsha nadaafadeed ee ka socota gaadiidka Booliska.

 

Dhinaca kale waxaa markii ay bilaabatay howsha lagu nadiifinayo xarunta gaadiidka Booliska ku soo xoomay dadweyne fara badan oo iyagu iskood isku xilqaamay si ay uga qeyb qaataan ololaha nadaafadeed, waxaana markii ugu horeysay la arkayay in halkaasi ay tageen madax ka tirsan Dowladda Federaalka.

 

Sidoo kale diyaar garowga loogu jiro qabashada shirka dib u heshiisiinta ayay sheegeen warar ku dhow dhow Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed in waqtiga loo qabtay uu dhici doono.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabakadda wararka carmooyin.com oo heshay xog ku saabsan goobta uu ka dhacayo kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya bisha inasoo aadan

 

Warar ay shabakadda wararka carmooyin.com ka heshay qaar ka mida xog heynada kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya laguna wado in bartamaha bisha dambe lagu qabto Muqdisho ayaa sheegaya in goobta la doonayo in shirku uu ka dhoco ay tahay Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis.

 

Warar ay shabakadda wararka carmooyin.com ka heshay qaar ka mida xog heynada kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya laguna wado in bartamaha bisha dambe lagu qabto Muqdisho ayaa sheegaya in goobta la doonayo in shirku uu ka dhoco ay tahay Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis.

 

Masuulkan oo ka gaabaabsaday in magiciisa la shaaciyo ayaa shabakaddan u sheegay in masuuliyiintu ay isku raaceeen in kulan weynaha lagu qabto gaadiidka Booliska oo ah halka ugu macquulsan ee qaadi karta tirada ka qeyb galayaasha loo baahanyahay iyo marti sharafta beesha caalamka ee kulanka furitaankiisa iyo gabagabadiisaba imaandoonta.

 

Waxaa wararku ay intaa ku darayaan in Gaadiidka Booliska lagu door biday in uu leeyahay Hoolal waaweyn oo aan u bahnayn dayac tir dheeraada,islamarkaaana qaadi kara tirada macquulka ah ee kulanka ka qeyb gali doonta.

 

Warkan ku saabsan in kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran uu ka dhici doono gaadiidka Booliska ayaa kusoo beeegmaya maalmo yar kaddib markii guddoomiyaha kulan weynahaasi Mudane Cali Mahdi uu shaaca ka qaaaday in la dhimi doono tiradii markii hore loo qorsheeyay in ay kulanka ka qeyb gasho oo ahayd 3000 oo ergo

 

Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this