Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: World Bank UNDP delegates meet Puntland admin PICS

Recommended Posts

Wafti ka socda Baanka Aduunka iyo UNDP oo soo gaarey Puntland, gaar ahaana Magaalada Garowe

 

Friday, 14-Sep 2007

 

Garowe PLGOV.NET Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Maxamed Cali Yuusuf{Gaagaab} iyo Wasiirka kaluumeysiga iyo Dakadaha Puntland saciid Maxamed Raage, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee kanoko ee Magaalada Garowe ku soo dhaweeyey Wafti balaaran oo ka socda Baanka Aduunka iyo UNDP oo ay hogaamineysey Madaxa Baanka aduunka ee Soomaaliya Sabeel Salasuki.

 

Weftigaan ayaa waxay kulamo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda kula yeesheen Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Kaluumeysiga,Wasiirka Qorsheynta, Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Wasiir kuxigeenka Qorsheynta, Agaasimayaasha Guud ee Maaliyadda,Agaasimaha Guud ee Qorsheynta, ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowlada,Agaasima Waaxeedyadda Wasaaradda maaaliyadda iyo Aqoonyahano.

 

 

Waxaana kulankaas hadalo ka jeedshey Wasiiradda Maaliyadda Puntland iyo Qorsheynta Puntland oo sheegey in Puntland ay hada dooneyso sidii ay u horumarin laheyd Dhulkeeda taas oo ay Baanka Aduunka iyo UNDP ka doonayaan in ay gacan ka siiyaan islamaraasna ay umahad celinayeen Waftiga ka socda Baanka Aduunka iyo UNDP, Madaxa Waftiga ayaa sheegtay in ay u socdeen in ay wax ka qabtaan arrimo ay ka mid yihiin,

 

1.Siyaasada Guud, Maamulka iyo Maareynta,

2.Maareynta Dhaqaalaha Guud oo ay ku jirto in ay ogaadaan sida wax looga qabankaro Sacir bararka iyo inta ay le’egtahay Lacagta ku jirta suuqa.

3.Dowlad Waanaga iwm.

 

Waxayna sheegtay in ay 22 Bishaan imaan doonaan Puntland khuburo kuxeel dheer Arrimahaas,

Waftiga ayaa waxaa xalay casho sharaf u sameeyey Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Maxamed Cali Yuusuf,Waxaan kazoo qaby galay Madax kakala tirsan Golayshaa Dowlada Puntland,Aqoon yahano,Madaxa jaamacadaha Boosaaso iyo Garoowe.

 

Sawiro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this