Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: What has Riyaale done now to make Mugged ones angry ?

Recommended Posts

Xisbiyada Mucaaridka oo Rayaale ku Eedeeyey in uu Fadhataystay Khayraadkii iyo Hantidii Ummaddu Lahayd

 

 

“Taariikhada Somaliland Daahir Rayaale waxay uga bilaabantaa 2002-dii, waayo hadduu gaadho 1991-kii waxay galaysaa nabadsugiddii”

 

 

Muj. Maxamed Kaahin

 

“Adduunka may dhicin waddan leh xor baanu nahay oo 18 sanno ayaanu jirnaa ciidammadiisuna bilaa darajo yihiin” :D

 

Eng. Faysal Cali Waraabe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (Jam)- Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, ayaa Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey in uu fadhataystay khayraadkii iyo hantidii dalkani lahaa, isaga oo aan habayaraatee waxba ka qaban adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada, isla markaana aanu diyaar u ahayn in la xuso halgankii taariikheed ee ahaa dhaxalka ummadda reer Somaliland.

 

Sidaana waxay xisbiyada mucaaridku kaga dhawaaqeen shir ay ku xusayeen maalinta Qarannimad Somaliland ee 18 May oo ay si wada jir ah ugu qabteen Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ka qaybgaleen hogaanka sare ee labada xisbi oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye-ku-xigeen ka 1aad ee xisbiga mucaardika ah ee KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi, murashaxiinta madaxweyne-ku-xigeen ka labada xisbi Dr. Maxamed/rashiid Sheekh Xasan, Cabdiraxmaan Cismaan Saylici, Afhayeenka KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin Axmed, saraakiil iyo masuuliyiin sarsare oo labada xisbi ka tirsan.

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ayaan-darro ku tilmaamay dal xor ah oo aan ciidammadiisu darajo lahayn, isagoo masuuliyadda arrintaasna u xambaariyey xukuumadda talada haysa oo uu sheegay in aanay waxba ka qaban adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada.

 

 

“Dawladda maanta joogta 7 sanno ka hor waxa xilka loo tiriyay Somaliland oo raadqaad ah, waxana loo baahnaa in la koriyo, lana taabbogeliyo, markii dalkan loo dhiibay nabad ayuu ahaa doorashooyinkii golaha deegaanka ayaa ka dhacay, waxaanay ahayd in ilmahaa yar la daayo intuu qaandhaayo, hase ahaatee dalkii waa la fadhataystay. Qaybaha dalka haddaad eegto meel la kociyay ma jirto, dugsiyada waxa inoo dhista hay’adda UNICEF,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

 

Eng. Faysal Cali-waraabe oo sii iftiiminayey dhaliilaha maamul ee xukuumadda Madaxweyne Rayaale, waxa uu tilmaamay in aanay raalli ka ahayn hawlaha ictiraaf-raadinta Somaliland, “Dawladda waxa looga baahnaa inay macalimiinta mushahar ku filan siiso, carruurta yaryar albaabka iyo daaqadaha ayaa lagu xidhaa si aanay uga bixin Iskuulka ilaa intay 12:00 gaadhayso, caafimaadka dalka waad arkaysaan.

 

Markaad eegto ciidammadeena adduunka may dhicin waddan leh xor baanu nahay oo 18 sanno ayaanu jirnaa ciidammadiisuna bilaa darajo yihiin; darajadu kuma xidhna ictiraafka ee waan la doonayn in la sameeyo ciidamo darajo leh.

 

 

Dawladda maanta jirtaa waxay ka seexatay siyaasaddii arrimaha dibedda oo wasiirkeenu wuxuu malaha u yaqaan siyaasadda arrimaha dibedda saaxiibtinimada shakhsiyadda. Waddamada uu leeyahay waanu xodxodanaynaa, muxuu ka soo hooyay, maaha in dadka been loo sheeko, anagu markaanu tagnay Uganda, wasiiru khaarija aanu hambalyaynay oo aanu ku nidhi, arrintayadii miiska ayaad keentay waxa uu nagu yidhi miiska maanu keenin ee waxaan arkaayay nin qeybinaayay warqado, waxa ii caddaatay in aan madaxweyne Rayaale daacad ka ahayn ictiraafka Somaliland, waayo waxa uu wareejiyay dhaqaalihii dalka, madaxweynuhu wuxuu mutaystay inta maxkamad la saaro oo laga qaado xilka dabadeedna la dilo, haddii innagu aynu xukumi weyno, Ilaahay ayaa xukumi doona. Adduunku wuxuu ina siiyay 14 milyan oo dollar, waxa kale oo uu inoola diyaar yahay inuu ina siiyo saddex milyan, waxaanu innoogu tal galay in doorashooyinku innoogu qabsoomaan, innagana waxa la ina leeyahay waar garoonka diyaarsada. Qofku markuu leeyahay doorasho xalaal ah ayaan doonayaa diiwaangelinta ayaa ka kow ah; dalkeenna waxa baahday gaajadii waa inaynu samaynaa dawlad la dagaalanta faqriga. Haddii la kicin lahaa wershaddii sibidhka, amma ajnebiga loo oggolaan lahaa toban kun oo qof baa ka shaqayn lahaa, dekeddeennii loo arsaaqad tegi jirey maanta waa laga soo yaacaa,” ayuu hadalkiisaa ku soo gunaanaday Eng. Faysal Cali-waraabe.

 

 

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna ku dheeraaday halgankii qadhaadhaa ee suurtogeliyey in loo debbaaldego sannad-guuradii 18aad ee ka soo wareegtay goonni-isu-taagga Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay in nabadda iyo dawladnimada maanta loo dabbaaldegayo u soo dhinteen halgamayaal.

 

 

“Madaxda labada xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID waxay hambalyo u dirayaan dhammaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.

 

 

Annagu maanaan tegin Beerta Xorriyadda, sababtuna way iska gaaban tahay, wayna iska caddahay oo waxa weeye hoggaanka qaranka taladiisa ayey afkaartiisu tahay kala qaybinta qaranka. Labadan xisbi haddii doorashadii Madaxwaynaha iyo tii Golaha Wakiillada mar walba leeyihiin cododka ugu badan ee ay ku taageereen, marna lagama waydiin xuskan, waayo maalintani gaar uma aha Madaxwaynaha iyo xisbigiisa talada haya ee UDUB, UCID iyo KULMIYE gaar uma laha, waxa loo sameeyay guddi qaran.”

 

 

Mujaahid Maxamed Kaahin isagoo arrimahaas sii iftiiminayeyna waxa uu intaa ku daray, “Annagu xisbiyada mucaaridka haddaanu nahay cid waxba nagama waydiin, markaa waxa kuu caddaynaysa in aan cid loogu talogelin guddoomiyihii Golaha Wakiillada oo aan hadalka waxba laga siin, markaa sababtaas ayaa kelliftay in aannu halkan [Maansoor] ku qabano shirkayagan.” Waxa kale oo Afhayeenku ku dheeraaday xuska maalinta 18 May iyo sida ay ku timi, “Maanta waxaynu u dabbaaldagaynaa siddeed iyo toban-guuradii ka soo wareegtay xorriyaddii Somaliland, su’aasha meeshaa taal waxa weeye maalintani sidee ayey ku timi? Waxaynu ognahay in aynu ka mid ahayn dawladdii la isku odhan jiray Soomaaliya, siday ku timina waxay ahayd dawladnimadii xumaatay ayuun baa kelliftay in Somaliland xorriyadeeda dib ula soo noqoto, sababta ugu wayna waxa lahaa ururkii SNM.

 

 

1991-kii shir-beeleedkii ugu horreeyay ee ummadda isugu timi ayaa Somaliland lagu aasaasay. Waxa kale oo aynu ognahay hallaagga Soomaaliya ka dhacaya, wixii aynu kaga samato-baxnayna waxay ahayd shirarkii faraha badanaa ee aynu isugu wada nimi bulshowaynta reer Somaliland. Ummaddani waxa ay dib-u-heshiisiinteed ii ku xaqiijisay shirarkii ka dhacay Burco, Berbera, Oog, Boorama, Hargaysa, Laascaanood iyo Ceerigaabo. Waxa kaloo shacabka reer Somaliland xaqiijiyeen inay qarannimadooda dib ula soo noqdaan, taasina waxay ka markhaati kacaysaa nabadgalyada aynu haysano.

 

 

Markaa haddii la xusayo maalintan qaaliga ah waxa aasaas u ah in la xuso halgamayaashii faraha badnaa ee Lixle, Shiine, Koodbuur, Aadan Saleebaan, Mahdi Cali Faarax, Hurre, Ibraahim Faarax Dawaarle iyo boqollaalkii mujaahid ee naftooda u waayey. Dhammaan raggaasi waxay ahaayeen halgamayashii SNM, halkana uma soo koobi karno, balse waxaad arkaysaa in xukuumadda maanta jirtaa aanay diyaar u ahayn in ummaddan taariikhdeeda xusto, waxa maanta nool oo d’ayar Xasan Ciise Jaamac oo ahaa Madaxwayne-ku-xigeen kii ugu horreeyay ee Somaliland laguma soo macsuumin munaasibadda.

 

 

Taariikhada Somaliland Daahir Rayaale waxay uga bilaabantaa 2002-dii, waayo hadduu gaadho 1991-kii waxay galaysaa nabadsugiddii, muddadii ay Somaliland jirtay wax badan ayaa la qabtay oo ummadda Somaliland qabsatay, oo waxa aasaaska u ah nabadgalyada ay xaqiijiyeen oo iyagu maalgaliyeen, waayo shirkii ugu horreeyay ee 1991-kii ilaa shirkii Boorama ee 1993-kii wax allaala iyo wixii ka soo baxay waxa marti loo ahaa gobolka la joogo, balse shirkii 1997-kii ayaa u horreeyay wax cashuur ka soo baxa.

 

 

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeen ka xisbiga UCID Dr. Maxamed/rashiid Sh. Xasan oo sheegay in Madaxwaynuhu diiddan dhammaystirka heshiiskii ay dhawaan xeerbeegtidu soo saartay khilaafka siyaasiyeed, isla markaana ka meeraysanayo saxeexa qodobadaas.

 

 

Dr Maxamed/rashiid waxa kaloo uu ku eedeeyey xukuumadda talada haysa in aanay waxba ka qaban hawlihii loo igmaday, “Qodobaddii guddida dhexdhexaadintu soo saareen ee lagu dhammaystiri lahaa khalaafkii siyaasadeed ilaa hadda weli dhammaystirkiisa waxa diiddan Madaxwaynaha oo saxeexii ka meeraysanaya, waxaad ogtihiin in aanay waxba qaban xukuumaddan talada haysaa,” ayuu yidhi Dr. Maxamed/rashiid Sh. Xasan.

 

 

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay musharraxa Madaxwayne-ku-xigeen ka KULMIYE Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Saylici, waxaannu sheegay in Madaxwayne Rayaale uu xukunka jeclaysanayo, isla markaana kala qaybinaayo bulshada reer Somaliland, waxaanu soo jeediyay in danta ummaddu ku jirto iskaashiga iyo walaalnimada, “Waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland ha dhagaysanina ninka kursi jecayl dartii uu taladii dalka gaar u yeeshay oo uu maalintii qarannimda Somaliland uga dhigay xaflad UDUB,” ayuu yidhi Eng. Saylici

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Dawladda maanta joogta 7 sanno ka hor waxa xilka loo tiriyay Somaliland oo raadqaad ah, waxana loo baahnaa in la koriyo, lana taabbogeliyo, markii dalkan loo dhiibay nabad ayuu ahaa doorashooyinkii golaha deegaanka ayaa ka dhacay, waxaanay ahayd in ilmahaa yar la daayo intuu qaandhaayo, hase ahaatee dalkii waa la fadhataystay. Qaybaha dalka haddaad eegto meel la kociyay ma jirto, dugsiyada waxa inoo dhista hay’adda UNICEF,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Damn Riyaale, his children study in the UK at the expense of the poor in NW Somalia. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

SL: Wasiirka Maaliyada oo xanibay lacag

17 May 17, 2009 - 11:15:39 AM

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka la magacbaxay Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale iyo Guddiga Doorashooyinka ayaa shalay [May 16] Xarunta Guddiga Doorashooyinka kula yeeshay shir ay kaga wada hadlayeen sidii loo sii dayn lahaa lacagta Guddiga Doorashooyinka ee Miisaaniyada 2009 ka taasoo ilaa hada la sheegayo inay xaniban tahay.

 

Kulankan ay labada dhinac wada yeesheen ayaa waxa uu ka danbeeyay cabasho xoogan oo ka jirta fulin la'aanta hawl maalmeedkii Guddiga Doorashooyinka oo la sheegay inay u taagan tahay xukuumadda Somaliland oo aan ilaa hada u sii daynin Guddigaasi kharashaadkii ay ku shaqayn lahayd ee ay Xukuumaddu balan qaaday inay bixinayso iyo waliba Miisaaniyadoodii gaarka ahayd.

 

War rasmiya oo kulankaasi ka soo baxay ma jiro balse warar u dhawdhaw kulankaasi ayaa la sheegay xubnaha Guddiga Doorashooyinku inay Wasiirka Maaliyadda ka dalbadeen inay si dhakhso ah u helaan lacag ay ku hawlgalaan oo ay ku dhaqaajiyaan shaqada ay hayaan oo aan wakhtigan la dhayalsan karin maadaama muran siyaasadeed oo la xidhiidha hawsha ay u xilsaaran yihiin ka taagan yahay Somaliland.

 

Maxamad Jamaal, Garowe Online

HARGAYSA

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Rayaale Xoolahaa uu wareejiyay iyo Dekeddaa uu xidhay, wuxuu ku mutaysan karaa xadhig iyo in la dilo” Faysal Cali Waraabe

May 19th, 2009

 

“Dadkii ku-xumee u doortay ee Codka siiyay Rayaale ayaa maanta ugu liita”

 

Waxaynu u soo halgannay laba ujeeddo, ta hore oo ah in talada dalkeena aynu soo ceshano, mid kalena wuxuu ahaa in Dawlad Sunnaha iyo Kitaabka Alle samaysano. Maanta dalkeena Nabadi waa jirta, laakiin waxa caddaatay oo soo baxaysa in dadka dalka gacanta ku haya ay yihiin fadhato dalka fadhataysanaysa. Taa waxa daliil u ah, 300 oo sanno ayaa Xoolaha laga dhoofinayay Berbera, maanta waxa nasiib-darro ah in aanu hal neef ahi ka bixin oo Saylado kale oo ka fogfog ayay ka baxaan, waxaana masul ka ah dadka maanta gacanta ku haya. Waxaan ilaahay ka baryayaa in sanadkan-sanadkiisa Ilaahay ka xoreeyo umadda gacanta ku haya.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo M/weyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa ku dhaliilay hoggaamin-xumo iyo inay gabeen hawshii loo igmaday. Waxaanu jawaab ka bixiyay hadal uu sheegay M/weyne Rayaale oo sheegayay in si joogto ah u kulmaan isaga iyo Faysal.

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo shalay Waraysi gaar ah siiyay Telefishanka SLSC, ayaa hambalyo iyo bogaadin uu u diray Shacabweynaha Somaliland munaasibadda 18-ka May ka sokow, wuxuu ka hadlay xaaladda dalka ee waqtigan, waxaanu naqdiyay habkii loo Doortay Madaxweyne Rayaale, isla markaana wuxuu eedayn u jeediyay Wasiirada Xukuumadda Rayaale.

 

Waraysigaas ayaa wuxuu u dhacay sidan;

Share this post


Link to post
Share on other sites

S: Guddoomiye, waxa jirtay in M/weyne Rayaale uu yidhi, Faysal waxaanu isu aragnaa si joogto ah, taasi ma jirtaa, sideedse u aragtaa?

J: M/weynuhu dalkuu xukumaa, mana nihin dhinacyo Hubaysane in aanu kulano way tahay, waliba markay arrimaha Qaranku taagan yihiin waanu u tagnaa, tan u dambaysay ayay ahayd markii uu khalkhaliyay Komishankii iyo Guurtidii ee uu ka samaystay Doorasho ilaa 29-ka October ah ee arrintu Cirka isku shareertay ee ay noqotay in Somaliland halkaa lagu gawraco oo aanu Anaguna kala noqono Kalsoonida (Rayaale), ayaanu mawqif istaagnay oo aanu ka xishoonay in aanu nidhaahdno Dawladdu ma jirto. Sidaa darteed, waxaanu ku nidhi, KULMIYE mawqifkiisii waanu ka soo celinay ee gar qaado Dunida wax waa lays waydaarsadaa oo waxani kuuma suurtogelayaan ee talo keen. Nasiib-darrose, Madaxweynaha waan aqaanaa oo tanaasulka wuxuu u yaqaanaa daciifnimo. Dastuurka wuxuu u yaqaanaa waxa uu jecel yahay, taasina waxay keentay in aanu u tagno Anagu iyada oo ay Guddidii dhexdhexaadintu nagu dhex jirto.

S: Had iyo jeer M/weynuhu wuxuu idinku eedeeyaa Xisbiyadiina Mucaaradka ah aqoon-darro Sharciyeed, sideed u aragtaan?

J:..Rayaale sidaan hore u sheegay dalka wuu isku duubay oo wuxuu leeyahay, Aniga iyo dalka na wada dila ama sidaan doono ayaan ka yeelayaa, mana dilayno dalka oo ma burburinayno..Waxaan a loo doortay ku-xumayn oo dadkii soo halgamay ayaa isku xumaynayay oo ku xumee ayuu ku soo dhacay, laakiin dalkan wuxuu gaadhsiiyay dhibaato weyn..balse, haddaynu sharci gaadhsiin wayno, Ilaahay SWT ayaa inoo hiilin..Horta waa mide, Daahir Rayaale 7-dii sano ee uu dalka haystay wax baa dalka ka sii dhacay. Balse, Anagu waxaanu idiinku bushaaraynaynaa in aananu wax idinka cunayn, Daaro ka dhisayn oo Dumarka aananu Dahabka ka iibsanayn oo aanu Agoonta iyo dadka ilaalin doono. Haddii maanta la kicin lahaa Wershadda Sibidhka Berbera intaas oo qof baa shaqo geli lahaa, waxay u fadhidaa waa Laaluush oo Mashruuc kaliya dalka ka hirgeli maayo haddaan Laaluush la bixin.

S: Waxa jiray Riig Biyo qodayay oo ay mar Rabshado ka dhaceen, kaas oo la sheegayo in aanu wax badanba qodin. Taa sideed u aragtaa?

J: Dadkii Been baa lagu wadaa oo waxa lagu wadaa Mijin Jaad ah iyo Telefishan been-been ah oo loo bixiyay TV-ga Qaranka, kaas oo hadda u baahan in tallaabo laga qaado. Laakiin, intaas waa wada been oo intan Sacabka tumaysaa waa wada been oo intii badnayd dadku way xanaaqsan yihiin. Haddii Xadhig la jiido, wuu go’aa ee waxaan rejaynayaa in aad Doorashadan aarsataan oo M. Siyaad Barre Xabbad baynu kaga aarsanaye, inaga oo aan is-dhibin Cod ku aarsataan oo aynaan u dhiiban talada Nin iimaankiisu yahay maxaad cuntaa oo aanu inoo talin…Rayaale daacad uma aha dalkan ee cawaaqib-xumada isaga, Caruurtiisa iyo reerkiisu siday noqdaan ayaynu arki doonaa, haddaanu anagu duudsiyayno iyo haddaanu run sheegayno Ilaahay wuu arki doonaa. Laakiin, dadkan wuu baabiiyay oo dalkani hoggaan ma leh, wax ka naxaya ma leh wax dano gaar ah u socda ma leh. Siyaasi ka naxayaa wuu yar yahay, Sheekh ka naxayaa wuu yar yahay, Suldaan ka naxaya wuu yar yahay. Nin u tegaya (Rayaale) oo leh Tuuladayda Dugsi ka dhis ma leh, Nin u tegaya oo leh Dekeddayda maxaad u xidhay ma leh.

S: Xil-ka-xayuubin M/weyne ayaad hore u soo qaadday, taas maxaad uga jeedday?

J: Horta, Dalka wuu kufsaday iyo sharcigii oo dhan..Dhaqaalaha wuu la dagaallamay, sababtoo ah maanta Ninka Somaliland ah ee soo samaysta waa la dilaa, ninka dhaqaalaha baabi’iya Dilmo ayuu mutaystay. Anigoon meel kale tegin Xoolahaa uu meel kale u wareejiyay iyo Dekeddaa uu xidhay, wuxuu ku mutaysan karaa in Xilka laga qaado oo waliba la xidho oo Maxkamad la taago la dilo. Laakiin, dadkeedii iyo waqtigeedii ayaan la joogin. Nin ka maanta dhaqaalihii kaliya ee aynu haysanay u joojiyay mushqaayad awgeed ee maanta Xoolaheenii bari iyo Galbeed u kala dhaqaaqeen ayaa u wayn oo Sharciga iyo Dastuurka uu jebiyay ayaa Xilka looga qaadayaa. Beentuu sheegay M/weynuhu ee uu yidhi 300-Milyan oo Dollar ayaa Wershado lagu dhisayaa ayuu ku mudanayaa, beentuu sheegay ee uu yidhi Derejo ayaan u samaynayaa Ciidanka ayaa xilka lagaga qaadayaa, beentuu sheegay ee uu yidhi Lacagtaan Burco kaga bedelayaa ayaa lagaga qaadayaa xilka…laakiin, Baarlamaankeedii ma joogo, Guurtideediina ma joogo ee waxa jooga waxaan waxba ahayn oo aan dadka ka naxayn, laakiin waa layska daba tegayaa. Haddii layska iloobana, Ilaahay baan iloobayn Jariimada ay Rayaale iyo dadka ku xeersani ka galeen dalkan. Inta taageertaana way la qaybsanayaan oo inta yar ee Shaannida ka cabta ee tidhaahda Xisbi Hebel baanu ka soo baxnay.

S: Faysal, waxa jirta haddaad Telefishanka daawato dad loo sacabbo-tumayo oo la leeyahay Xisbiyadii UCID iyo KULMIYE waa laga dareeray, sideed u aragtaan?

J: Waxaasi waa lagu maan-qamaaminayaa, Umaddu maaha afarta qof ee maalintaa Jaadka loo qaadayo ee umaddu waa Umaddaa gaajoonaysa ee Biyaha u baahan. Waxaan soo maray Guryo inta la soo raray oo ay soo guureen, Dumarkii Guryihii u dhisi kari la’yihiin Gaajo.waa Umaddaas kuwa lagu xisaabtamayaa ee maaha kuwa Mijinta Jaadka la siiyo ee yidhaahda Xisbi Hebel baanu ka soo baxnay. Waxa weeye, dhalinyarta Jaamacadaha ka baxay ee Badda galaysa, waa Hablaha yaryar ee tegay ilaa Libya ee dhexda lagu kufsaday. Waa kuwaas kuwa maanta dadkoodu Codka bixinayaan, nin leh maanta maxaan ku qayilaa Codk bixin maayo. Ilaahay waxaan ka baryayaa in dalkeena hoggaan wanaagsan keeno, waxaanan ballan idiinku qaadayaa in aan Ictiraafka sanad gudihii ku keeno.

S: Laakiin, waxa la leeyahay Faysal iyo Siilaanyo toona ma soo baxayaan?

 

J: Waxa weeye, maalintii dhawayd ee Ina Rayaale la dooranayay dee Cilmi iyo taariikh fiican toona laguma dooran, waxa lagu doortayna waxay ahayd uun, dad baa lagu xumaynayay, dadkii ku xumaynayay maanta iyagaa u liita oo dadkii oo dhan baa wada xumaaday. Kuwii Codka siiyay ee lahaa yaanu Hebel soo bixin, iyagaa maanta ugu liita oo waxa laysku haystaa, waar yaa meesha keenay. Waanad arki doontaan Codayntee, haddii maanta UDUB Borama lagaga badan waayo, I tuurtuur. Markaa arrintu kaligii maahee, Rayaale oo kaliya yaan la qabsanin, intaas oo Wasiir baa jooga oo aan waxba tarin. Bal eeg Caqli-xumaantooda, Nin baa Xisbi ka soo baxay baa sheeko laga dhigayaayoo, Shan Wasiir baa soo fadhiisanaya. Miyaanay ka fiicnaateen iyaga oo 5-ta Wasiir intay soo fadhiistaan waxay qabteen sheega..Wax kale iska dhaafoo, Dawladdani 4 sanno ayay Biriij dhisi kari la’dahay. Anigu haddaan M/weyne iyo ku-xigeenkiisii ahaan lahaa, ismabaan soo sharaxeen. Maanta maxay M/weyne Rayaale iyo Dawladdiisu la shir imanayaan. Wasiiradiisu maxay la shir yimaadeen, Wasiiradu waxay ka shaqeeyaan reer Hebel soo qabo…Bal waa tane, Ciidamada uu berri (maanta) Salaanta ka qaadanayo ee uu yidhi Derejaan siinayaa, waa bilaa derejo..Bal waa kane, Somaliland sida ay maanta Jabuuti yeeshay inta la yeelo, Wasiir waliba ha soo bandhigo wuxuu qabtay. Bal waa kane waa M/weynee, Aniga oo Murashax ah Dood ha ila soo galo oo sidii Bush iyo Kerry u doodayeen, ha iila doodo oo wuxuu dalka u hayo ha soo bandhigo. Maaha, kolba in uu yidhaahdo, orda oo reerkiinii Qaad soo sii.

 

 

Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Rayaale Xoolahaa uu wareejiyay iyo Dekeddaa uu xidhay, wuxuu ku mutaysan karaa xadhig iyo in la dilo” Faysal Cali Waraabe

May 19th, 2009

 

Empty threats from a naked Mugged one.

He best becarefull before the NSS arrest his Magnoon self ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this