Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A/Salam Hereri Resigned from the BBC

Recommended Posts

hereri15f074jx9.jpg

 

London (QARAN)- Weriye Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka mid ah weriyaasha ugu caansan ee Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa caddeeyey in uu iska casilay shaqadii uu ka hayey BBC-da, iyadoo la filayo inuu u wareego idaacadda Maraykanka ee Voice of America oo dhawrkii bilood ee u dambeeyay ku soo biirtay idaacadaha caalamiga ah ee ku hadla Af-soomaaliga.

 

Haddaba, si aannu arrintaa wax uga ogaano ayaa wargeyska Jamhuuriya wax ka weydiiyay weriye Cabdisalaan Hereri, Cabdisalaana waxa uu noo xaqiijiyey in uu iska casilay shaqadii uu ka hayay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da. CabdiSalaam Hereri oo ka jawaabayay sababta uu xilligan shaqada uga tagayo, waxa uu yidhi; “Waxa aan ka shaqaynayay muddo ku siman 17 sano waxaanan arkay wakhtigan inay ku habboontahay inaan isbeddel ku sameeyo shaqada.” Weriye Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo BBC-da ka shaqaynayay muddo dheer, ayaa badiba dadka luqadda Soomaaliga ku hadla ee dhagaysta codkiisu u arkaan suxufi isku miisaaman, gaar ahaanna qaabka uu wax u gudbiyoiyo habka uu waraysiyada uu qaado oo dadku aad ula dhacaan siiba marka uu warysanayo masuulyiinta Soomaalida, taasi oo lagu tilmaamo inuu yahay weriye aqoontiisa saxaafadeed isku dheeri tiran tahay.

 

Si kastaba ha ahaatee, Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka mid ah soo saarayaasha barnaamijyada ee idaacadda waxa uu xubin muhiim iyo halbawle ah u ahaa laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, iyada ay oo si weyn u tabi doonaan dhagaystayaasha tirada badan ee ku xidhan BBC-du. Muddo aan sidaa u fogayn waxa ka tagay BBC-da wariyaha Al-jazeera uga soo warrama Geeska Afrika ee Maxamed Caddow oo isna ka mid ahaa wariyaasha ugu cadcaddaa BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga iyo Cabdiraxmaan Yabarow oo Washington uga soo warrami jiray. Sidoo kale waxa muddo iminka dhawr sanno laga joogo laga dhimay shaqada weriyaal badan oo muddo dheer ku soo shaqaynayay Idaacadda BBC-da. Haddaba, Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa hadda u muuqata meel ay ka sii gurmayaan wariyayaasha aqoonta u lahaa mihnadda saxaafadda, taas oo saamayn ku yeelan doonta tayada barnaamijyada ay baahiso idaacaddu.

 

 

 

 

Source Jamhuuriya

 

London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this