Sign in to follow this  
SOO MAAL

Madaxweynaha Puntland Oo Casuumaad U Fidinaya Issimada Sool Sanaag Cayn

Recommended Posts

SOO MAAL   

Madaxweynaha Puntland Oo La Filayo In Casuumaad U Fidiyo Issimada Iyo Cuqaasha Gobollada Sool,Sanaag,Cayn Iyo Hayland.

Warkii: May 22, 2005

 

Puntland(Radiossc.com):- Warar laga helayo ilo-Xog-ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynaha DGSPL Gen.Cadde Muuse uu wado dadaal uu kula kulmayo Issimada iyo Cuqaasha Beelaha Dega Gobollada Sool, Sanaag,Cayn iyo Hayland ee Puntland.

 

 

Kulankan oo sida la qorsheeyey lagu beegay in uu dhaco 30/05/05 ayaa waxa lagu wadaa in layskula soo qaado xaaladaha ka taagan jiidda hore ee ay haatan isku hor fadhiyaan ciidamada Daraawiishta iyo malayshiyada beelaha Isaaqa ee ka soo duulay dhinaca waqooyi galbeed.

 

 

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in hungooyinkii ku yimi wadahadaladii nabadeed ee ay wadeen Issimada labada dhinac ee Puntland iyo maamulka Hargeysa ay keeneen in ay dib isugu noqdaan Issimada Gobolladani iyo DGSPL, iyada oo uu hore Madaxweynaha Puntland Cadde ogolaansho u siiyey Issimada Gobolka Sool in ay la hadlaan Maamulka Hargeysa, taas oo sida muuqata Socon weyday.

 

 

 

Waxaa iyaguna soo baxaya in wadatashi laga samayn doono tallaabada tan xigta mar haddii maamulka Hargeysa Ka dhaga adaygay in uu ciidamadiisa dib ugu gurto goobihii ay hore u joogeen, bishii December sannadkii 2003.

 

 

 

Wadaxaajoodkii ay wadeen Issimada iyo salaadiinta labada dhinac ayaa burbur ku yimi ka dib markii uu soo dhexgalay Maamulka Hargeysa ka arrimiyaa kaas oo sheegay in bisha lixaad horraanteeda uu ku dhawaaqay shir laysugu imaanayo magaalada shiikh, waxaase ku gacan saydhay Issimada Gobollada Sool, Sanaag Iyo Cayn.

 

 

Radiossc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this