Sign in to follow this  
miles-militis

An Ex-deputy Minister dead, and academic wounded in Hargeysa

Recommended Posts

Dablay Saaka Rasaas Ooda kaga Qaaday Aug 05 2003 Hargaisa(Somalilandnet)

 

Saaka markay saacadu ahayd abaarihii 10:30am ayaa waxa rasaas laga maqlayay meelo ku dhaw dhaw xafiisayada dawladda, siiba meel ku dhow wasaradda arrimaha Gudaha. Rasaastan oo aan socon muddo dheer, laakiin badnayd ayaa waxa la ii sheegay in ay ka dhex dhacday koox dablay ah oo iyagu eryanayay gaadhigan ay saarnaayeen Cismaan Abraar, ahna muwaadin reer Djibouti ah, laakiin barbaarintiisii iyo waxbarashadiisii hore ku soo dhamaystay Somaliland, isla marlkaan heerkiisa waxbarasho gaadhsiisnayd ilaa PhD.

 

Cismaan Abraar ayaa hadaba isagu ku dhaawacmay xabadahan iyo rasaastan halkan la isaga ridayay, laakiin uu ku geeriyooday Muwaadin kale oo oo naanaystiisa loo yiqaano FIVE, horena dawladdii C/raxmaan Tuur uga ahaa Wassiirku xigeenka wassaaradda Dalxiiska ee Somaliland.

Hadaba sheekadan oo soo bilaabantay sanadihii 2001dii, iyadoo loo dilay marxuumkan aanooyin hore oo loo haystay fal dil ah oo walaalkii gaystay.waxa hadaba taariikhdaa hore la dilay Marxuum Eng. Maxamed Ardaale, laguna toogtay xafiska UNHCRta Hargaisa, isla markaana goobtaa ku geeriyooday.

Sababaha loo dilay Marxuum Eng.Ardaale ayaa hadaba loo aanaynayaa inay ku salaysnayd iyadoo la siiyay mashruuc dhismo iskuul oo ay markaa ku deeqday xafiiska UNHCR, taasoo ay ka xanaaqeen diidanaayeenna nimankii markaa toogtay Marxuum Ardaale. Warar ayaa sheegaya in Mashruucan markii hore la siiyay nimankii ku kacay falka dilka ah hada ka hor ama 2001kii hasa yeeshee laga wareejiyay mashruucan sababo ay ka mid ahaayeen iyadoo ay ka qayb galeen shirkii dowladii carta ee kumeel gaarka ahayd laguna wareejiyay group uu ka mid ahaa Eng. Ardaale isla markaana caradii lagu dilay.

 

Hadaba dilkan saaka ayaa ahaa aargoosi laga aargoosanayay nimankii dilay Eng. Ardaale, iyadoo la dilay nin ay walaalo yihiin ninkii falka loo haystay, iyadoo halkaa ku geeriyooday Marxuum FIVE laguna aasay magaalada Hargaysa isla maantan, halka uu dhaawacna soo gaadhay Cismaan Abraar lana geeyay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa laguna sameeyay qaliin kadibna galabta loo soo diray diyaarad khaas ah oo ka timid Dalka Jabuuti si dhakhtar deg deg ah loogu geeyo isla magaaladaas dhaawaciisuna uusan ahayn mid aad u sii buuran wararkuna ay sheegayaan in ay xabadi kaga dhacday caloosha.

 

Posted by Mohamoud Abokor.

Email: news@somalilandnet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this