Gar-haye Posted May 22, 2008 Weerar qorshaysan oo xalay lagu qaaday xarunta Baarlamaanka DFKMG ah ee Mag. Baydhabo Beerdhiga 22.05.2008 13:29 Abaaro 8:30PM habeenimo ayay aheyd markii Xoogaga ka soo horjeeda Siyaasadda DFKMG ah iyo Joogitaanka ciidamada gumeyisga Itoobiya ay weerar qorshaysan ku qaadeen xarunta Baarlamaanka DFKMG ah ee la shaqeeya gumeysiga Itoobiya gaar ahaan ilaalada xaruntaasi ee magaalada Baydhabo. Israsaaseen oo in muddo Daqiiqado ah soconaysay ayaa waxay si kulul uga socotay agagaaraha xarunta baalamaanka, waxaana Dhawaqa is rasaaseenta labada dhinac si xoogan looga maqlay gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo, walaw dadka Reer Baydhabo xalay ay ku seexdeen cabsi iyo wal wal. Lama sheegi karo khasaaraha rasmiga ah ee xalay soo gaaray ilaalada xaruntaasi ee ay Xoogaga ka soo horjeeda DFKMG ah weerarka qorshaysani ku qaadeen. Xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa saaka xasiloon ka dib markii saaka ay ciidamo badan oo kuwa gumeysiga Itoobiya ah lagu daadiyay qeybo badan oo ka mid ah magaalada. Waa weerarkii ugu horeeyay oo in mudo ahi ka dhaca Magaalada Baydhabo oo u muuqata mid isku badashay Caasimada muqdisho oo ay ka socdaan weeraro iyo qaraxyo isdabo joog ah oo lala beegsanayo ciidamada gumeyisga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya intaba. www.Beerdhiga.com Quote Share this post Link to post Share on other sites