Sign in to follow this  
General Duke

Beledwayn: Fighting erupts between Clan Courts [Asmara Vs Djiboouti hotels]

Recommended Posts

Beledwayn, Dec 18 - Dagaal culus ayaa dhexmaray Kooxaha Al Shabaab iyo Maxkamadaha ee ku wada sugnaa Gudaha Gobolka Hiiraan oo ay haatan isku haystaan Gacan ku haynta Magaalada Beledweyn.

 

Dagaalkaan ayaa Daqiiqado gudahood dib u soo laabtay iyadoo la isku adeegsaday Hubka nooc yadiisa kala duwan oo Gabi ahaanba Magaalada Baladwayne Argagax galiyey,

 

Sida Daljir ka heshay Dad goobjoogayaal ahaa Saraakiisha labada dhinac ayaa kala sheeganaya in mid kasta ay iyagu ka arimiyaan Magaalada,

 

labadaan Kooxood ayaa waxay horay uga midaysnaan jirjeen la dagaalanka Ciidamada Dawladda FKG ah iyo Kuwa Ethiopia,

 

waxaana dhawaanahaan soo baxaysa in ay iskaga hor yimaadeen maamulka magaalooyinka ay ka taliyaan ayadoo inta la ogyahay Dagaalada ugu badan ay galaan ururka Al Shabaab oo weli wax heshiis ah aan marna la galin Dawladda Soomaaliya, kaas oo taageero fiican ku leh meelaha ay joogaan,

 

inkasta oo uu haatan Dagaalkii joogsaday hadana waxaa xiran isku socodkii Gaadiidka iyo Dadwaynaha sidoo kale waxaa gabi ahaan xiran Ganacsigii magaalada.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbaheysiga Asmara oo Qarka u saaran in ay la wareegaan Xarunta G/hiiraan Balad-weyne

 

Magaalada B/weyn oo ah xarun u ah Gobolka Hiiraan ayaa labo u kala qeybsan iyadoona Magaalada ay ku wada sugan yihiin Xoogag Asmara iyo Jabuuti, waxaana magaalada ka taagan cabsi laga qabo in uu halkaasi ka qarxo dagaal uu dhiig ku daato.

 

Kala qeybsanaanta Magaalada ayaa ka dambeysay ka dib markii goor dhoweyd ay is rasaaseyn gaaban dhex martay Xoogaga kala fikir ahaan kala taabacsan Garabka Asmara iyo Jabuuti, waxaana xoogagaas ay ku kala sugan yihiin labo qeyb oo Magaalada ka tirsan.

 

Xaalada kacsanaanta ee wali ka taagan Magaalada ayaa ka dambeysay kadib markii xalay maqribkii gudaha Magaalada B/weyn lagu dilay Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha oo sida la rumeysan yahay taabacsanaa Garabka Jabuuti iyo darawalkii qaaska ahaa ee Cumar Xaanshi oo ah xoghayaha ciidanka ee garabka Jabuuti.

 

Xoogagan oo Siyaasad ahaan is khilaafsan isla markaana kala taageersan Garabyada Jabuuti iyo Asmara ayaa lagu arkayaa dhammaan Isgoysyada Magaalada iyaga oo wata gaadiidka dagaalka kuwaasi oo shaki iyo cabsiba ku abuuray dadka rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne.

 

Taliyaha Maleeshiyada Gobolka Hiiraan garabka Jabuuti Sheekh C/raxmaan Mocow ayaa sheegay in kooxaha magaalada qasaya ay yihiin kuwo maleeshiyaad gadooday ah, isla markaana ay ka saareen sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxaa uu diiday in aanu midna uu taageersaneyn garabyada ay u qeybsan yihiin Maxkamadaha, isagoona ku soo koobay kaliya inuu taageerayo go'aanka culumaa'udiinka dhex dhexaadinta wada.

 

Sheekha ayaa ka digay in la isku dayo in iyadoo gobolka uu ka jiro Maamul islaami ah hadana la damco in Maamul kale oo laga hirgeliyo, isagoo ugala jeeday dhinacyada Islaamiyiinta ee ku wada sugan Gobolkaas.

 

Dhinaca kale Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa gudaha Magaalada B/weyn, iyadoona saacad kasta iyo daqiiqad kasta lacaga cabsi qabo inay iska horyimaadaan dhinacyada loolanka u dhaxeeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliye madaxeed ka tirsan Xoogaga Maxkamadaha oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Beledweyne

Khamis 18. 12. 2008

 

Somalia - Sida aan wararka ku helnay waxaa Magaalada Baldweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay dagaal u dhexeeyay Isbaheysiga Garabka Jabuuti iyo Isbaheysiga Garabka Asmara oo ay waheliyeen Kooxaha Alshabaab shalay gabal dhicii ilaa xalay saqdii dhexe.

Dagaalkan oo si kadis ah ku biloowday ayaa marki danbe isu rogay dagaal aad u weyn oo ay si toos ah ooga wada qeeyb galeen kooxihii la isku oran jiray Maxakamadaha,kuwaaso in muda ahba isu muujinayay cadow nimo iyo colaad.

 

Warar aan lagu klasooneyn ayaa sheegaya in Gabi ahaanba ay la wareegen Gacan ku heeynta Magaalada kooxo ka amar qaata Xassan Daahir Aweys iyo Alshabaab.

 

Ugu yaraan 3-qof ayaa ku dhimatay oo kujiro Taliye madaxeed lagu magacaabi jiray Cilmi Indho yare, tiro kalena weey ku dhaawacantay Dagaaladaan ka dhacay Gobolka Hiiran.

 

 

 

Allidamaale.com Ilyaas

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fear of Islamist war grips central Somalia town

18 Dec 18, 2008 - 8:09:27 AM

 

BELETWEIN, Somalia Dec 18 (Garowe Online) - Residents in a major town in central Somalia are increasingly worried about the outbreak out all-out war among Islamist groups in the region, Radio Garowe reported Thursday.

 

Heavily-armed militias loyal to three separate groups have captured important buildings in Beletwein, the capital of Hiran region, a day after a senior commander was shot and killed.

 

The Alliance for the Re-liberation of Liberation (ARS), an Islamist-led opposition group with two camps based in Eritrea and Djibouti, sent rival militia to capture the regional headquarters office and the district headquarters office, Radio Garowe's Beletwein correspondent reported.

 

 

Al Shabaab, an Islamist group with no association to the ARS, is reported to have captured the central police station and a strategic bridge.

 

A security commander for the Islamic Courts Union (ICU) and a driver associated with ARS-Djibouti were killed yesterday by unidentified gunmen.

 

On Thursday, unknown fighters attacked the main office of Sheikh Abdirahman Ibrahim Ma'ow, the ICU's Hiran regional chief.

 

Sheikh Ma'ow later told a press conference in Beletwein that he did not know who the attackers were, but rejected speculation that the attack was linked to the Djibouti Agreement.

 

He admitted that he is "not satisfied" with the Djibouti Agreement, a controversial power-sharing deal between the Somali government and the ARS-Djibouti faction.

 

Businesses remained closed Thursday, with locals anxious about the possibility of violence among Islamist rival groups.

 

Local reports indicated that Sheikh Ma'ow, who returned today from Bulo Burte district, and a group of traditional elders are actively engaged in attempts to diffuse the volatile situation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

I knew it coming Duke. I knew Abdullahi Yusuf was going to orchestrate his own demise. Asagaa dhabiga isku qoray and has no one to blame but himself.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this