Sign in to follow this  
General Duke

Xuseen Caydiid Maxamed Dheere arrive in Baidoa

Recommended Posts

War deg deg ah: Xuseen Caydiid & Maxamed Dheere oo saacad ka hor ka degay Baydhabo

Baydhaba - 03.March.2005 War deg deg ah oo aynu ka helay Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in wafdiyo ay kala hogaaminayaan Xuseen Maxamed Caydiid iyo Maxamed Dheere ay ka degeen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

 

Labadan mas'uul ee ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa waxaa safarkooda ku weheliya Xirsi Aadan Rooble oo ah wasiir kuxigeenka gaadiidka cirka iyo dhulka ee dawladda federaalka Soomaaliyeed.

 

Xuseen Caydiid oo ku sugnaa garoonka magaalada Baydhaba isla markaasna ay SBC khadka telefanka kula xiriirtay ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo safarkiisa.

 

Warar la isla dhex marayo ayaa sheegay suurta gal nimada in xubnaha wafdiga dawladda federaalka Soomaaliyeed ay socdaal ku tegi doonaan magaalada Muqdisho, inkasta oo aan wararkaas si rasmi ah loo xaqiijin, hase ahaatee waxaa la hadal hayaa in ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo xubno kale inkata oo galabta ay dhici karto in go'aan laga qaato.

 

Mustaf *****

SBC Baydhaba

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee DFKS Oo Baydhabo Gaaray

Posted to the Web Mar 03, 11:45

 

 

Baydhabo:-Waxaa Magaalada Baydhabo soo gaaray Gudoomiyaha Maamulka Sh/Dhexe Mudane Maxamed Cumar Xabeeb oo ay safarkiisa ku weheliyeen qaar kamida madaxda Gobolka sh/dhexe.

 

Waxaa kaloo iyadana Safar taa lamida ku gaaray Magaalada Baydhabo Wasiirka Arimaha Gudaha ahna Raysal Wasaare ku xigeenka DFKS Mudane Xuseen Maxamed Caydiid iyo xubno kale oo kamida Dowlada.

 

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa weli loogu jiraa Soo dhoweyntii wafdiga Dowlada oo ay kala hogaaminyaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Raysal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo iyagu shalay galabnimadii Soo gaaray Magaalada Baydhabo.

 

Magaalada Baydhabo ayaa waqtigan kulmisay wafdigii ugu balaarnaa ee DFKS iyadoo ay halkaas mara yaan Madaxweynaha,Raysal wasaaraha DFKS iyo madaxda labada gole ee Dowlada.Magaalada Baydhabo ayaa aheyd Magaaladii ugu darneyd ee ay ku habsadeen dhibaatooyinkii baahsanaa ee Soomaaliya saameeyey sanadihii 1991-1992dii halkaas oo ay dad badani ku dhinteen dad lagu qiyasayna kumaan qofna ay ku barakaceen, kadib markii Jabhadihii Hubaysnaa ee Soomaaliya ka dilaacay ay ka soo gaartay dhibaato.

 

Magaalada Baydhabo ayaa maanta ka duwan wejiyadii hore ee ay Soomartay iyadoo maanta ay ku sugan yihiin Madaxdii ugu balaarneyd ee Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayna tahay meelaha looga taageerid badan yahay DFKS.

 

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya Wafdi ay Hogaaminayaan Raysal wasaare Geedi iyo ku xigeenkiisa Mudane Xuseen Maxamed Caydiid ay safar ku kala bixindoonaan Magaalada Muqdisho kadib markii ay codsiyo sida lasheegayo ay ka heleen madax dhaqameedyada iyo qaar kamida shacabka Magaalada Muqdisho.

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere iyo Xuseen Caydiid oo Daqiiqado ka hor ka dagay Magaalada Baydhabo

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda KMG ah Xuseen Maxamed Caydiid ayaa daqiiqado ka hor ka dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

 

Mr Caydiid oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha isla Markaana ah kuxigeenka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka Baydhabo ku soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda iyo xubno ka tirsan Maamulka Magaalada Baydhabo.

 

Dhanka kale Maxamed Cumar xabeeb (M Dheere) ayaa isna maanta gaaray Magaalada Baydhabo, in kastoo aan si rasmi ah loo sheegin sababta kooxaha SRRC da ugu qul quliyaan Magaalada Baydhabo.

 

Waxaa jira warar sheegayo in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf laga yaabo in Maalmaha soo socda soo gaaro Magaalada Muqdisho, laakiin warar dheeraad ah ayaa saacadaha soo socda ka soo baxaya safarka Xuseen Caydiid iyo kan Maxamed Dheere.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this