General Duke Posted March 20, 2008 Sarkiil gaartey Muqdisho 20 Mar 20, 2008 - 9:10:39 AM Toban ka tirsan ciidanka Nigeria ayaa gaarey maanta [March 19,2008] magaalada Muqdisho kuwaas oo indha-indheyn doona xaalada Somalia gaar ahaan magaalada madaxda. Saraakiishan oo kulan la yeelatey dowlada Federalka iyo madaxda ciidamada AMISOM ka jooga Muqdisho ayaa la filayaa in ay go'aan ka gaaraan ciidamo dowlada Nigeria u soo direyso Somalia. " Waftigaan saraakiisha ee ka socda ciidanka Nigeria ayaa hordhac u ah ciidamo wadankaas u soo dirayo Somalia" sidaas waxaa yiri sarkaal u hadley AMISOM kaas oo waqti cayiman bixin. Wadamada Africa ayaa horey u balan qaadey ciidamo gaarya 8000 in ay u soo diri doonaan wadanka dagaalka diloodey kaas oo ku yaal geeska Africa. Saraakishaan ayaa soo gaartey Muqdisho xili dagaal qaraar ka socda Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha kaas oo u dhexeeya ciidanka dowlada iyo kooxaha ka soo horjeda. Quote Share this post Link to post Share on other sites