Maaddeey Posted January 2, 2010 Waxaa soo gabagaboobay Dagaal Saaka Aroortii ka qarxay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxayna sheegayaan wararka laga helayo Dagaaladaasi in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen Dhamaan Qeybaha Magaalada iyo deegaanada ku hareereysan. Sarkaal ka tirsan Xafiiska Warfaafinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ay la xiriirta Shabakada Warbaahinta Somalimirror ayaa Sheegay in Ciidamadoodu gabi ahaanba gacanta ku dhigeen Magaalada iyo Deegaanada ku hadeereysan kadib Dagaal socday mudo Saacad ah. Waxa uu intaa ku daray Sarkaalkaasi in Ciidamadoodu haatan ku siidaba jiraan Firxadka Ciidamadii kooxda Sheegata Alhu Sunah oo ay kula dagaalameen Magaalada Dhuusamareeb. Sarkaalkaas aya sidoo kale Carabaabay in Ciidamadodu haatan ku dhawyihiin Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud isla markaana ay gaareen Deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 KMG Guriceel kaga beegan dhanka Dhuusamareeb. Sidoo kale sarkaalka ayaa inoo sheegay inay baaritaano xoogan ka wadaan Dhamaan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb isla markaana ay guri guri u baarayaan kana raadinayaan wax Ciidan ah oo ku dhuumaaleysanaya. Dhanka kale wararka laga helayo Degmooyinka Caabuqwaaq iyo Guriceel ayaa sheegaya inay ka jiraan Dhaqdhaqyo Ciidan oo ay wadaan kooxda sheegata ahlu sunah, lamana sheegi karo haka ay ku dambeyndoonta Xaaladaha Dagaal ee ka jira Galgaduud. Wali lama hayo khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Dagaaladaas waxaase jira Waxyeelo ka soo gaartay Dhinacyadiid Dagaalamayey iyo Dadka Rayidka ah. Majiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka kooxda sheegata Ahlusunah oo Dagaalada saaka ku aadan. www.somalimirror.com Quote Share this post Link to post Share on other sites