General Duke Posted October 5, 2007 Muqdisho: Kooxo hubeysan oo galabta toogasho ku dilay Janaraal Jilacoow, Maxamed Dheere oo sheegay in la eedi doono dilka Jananka 5. Oktober 2007 Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa galabta toogasho ku dilay Allaha u naxariistee Janaraal Axmed Jilacow Caddow oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamadii nabad sugida ee dowladdii hore iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo wajiyada soo qarsaday. Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho xili uu marayey gaarigiisa ayaa waxaa isku hor gooyay gaari yar, dabeedna gaarigii Janaraal Jilacow uu ka istaagay si uu u gudbo hase ahaatee kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa rasaas labada dhinac ugu furay halkaasi oo uu dhaawac halis ah uu ka soo gaaray Jananka balse dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday. Waxaa kaloo rasaastaasi ku geeriyooday darawalkii Gaariga oo lagu magacaabi jiray Cumar Caddaan waxaana dhaawac daran oo halis ah uu ka soo gaaray nin kale oo la socday kaasi oo dhaawaciisauu halis yahay. Janaraal Jilacow oo horay ugu tirsanaa saraakiishii ciidamada nabad sugida ee dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa xilal kala duwn ka soo qabtay xukuumadii hore ee Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna mar Duq magaalo ka noqday magaalada Muqdisho, waxaana dilka loo geystay aad ugu xumaaday guud ahaan dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ee nabada jecel. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Dheere ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dilka Janaraal Jilacow oo uu ku tilmaamay inuu ahaa fal ay ka danbeeyeen kooxda argagixisada ah ee Muqdisho ka wada rabshadaha, wuxuuna sheegay in dhagar qabayaashii dilkaasi geystay ay eedi doonaan gacantana lagu soo dhigo doono si loo horkeeno caddaalada. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 5, 2007 Janaraal Jilacow oo galabta la dilay iyo Guddoomiyaha Gobolka oo sheegay in la eedi doono dilka Janaraalka { 05 Oct 2007} waxaa la daabacay Fri 05 Oct 2007 12: 37: 33 Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa galabta toogasho ku dilay Allaha u naxariistee Janaraal Axmed Jilacow Caddow oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamadii nabad sugida ee dowladdii hore iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo wajiyada soo qarsaday. Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho xili uu marayey gaarigiisa ayaa waxaa isku hor gooyay gaari yar, dabeedna gaarigii Janaraal Jilacow uu ka istaagay si uu u gudbo hase ahaatee kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa rasaas labada dhinac ugu furay halkaasi oo uu dhaawac halis ah uu ka soo gaaray Jananka balse dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday. Waxaa kaloo rasaastaasi ku geeriyooday darawalkii Gaariga oo lagu magacaabi jiray Cumar Caddaan waxaana dhaawac daran oo halis ah uu ka soo gaaray nin kale oo la socday kaasi oo dhaawaciisauu halis yahay. Janaraal Jilacow oo horay ugu tirsanaa saraakiishii ciidamada nabad sugida ee dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa xilal kala duwn ka soo qabtay xukuumadii hore ee Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna mar Duq magaalo ka noqday magaalada Muqdisho, waxaana dilka loo geystay aad ugu xumaaday guud ahaan dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ee nabada jecel. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Dheere ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dilka Janaraal Jilacow oo uu ku tilmaamay inuu ahaa fal ay ka danbeeyeen kooxda argagixisada ah ee Muqdisho ka wada rabshadaha, wuxuuna sheegay in dhagar qabayaashii dilkaasi geystay ay eedi doonaan gacantana lagu soo dhigo doono si loo horkeeno caddaalada. Email: admin@gobolkabanaadir.com GobolkaBanaadir.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted October 5, 2007 the late jilicoow Cadoow May Allah give him his mercy. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted October 5, 2007 Allah uu Naxaristo ...amin! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted October 5, 2007 Godkii Jilacow baa maqli jiray..I wonder if he is the same person. Rabi Jana Haka waraabiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted October 5, 2007 Originally posted by -: Godkii Jilacow baa maqli jiray.. Yes it is the man. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted October 5, 2007 Raggi waa is gurahayaa...... who is next? Allaha u naxariisto asaga iyo ninkii kale lalahaa maxkamaduu ka shaqeeyaa :rolleyes: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yaabka-Yaabkiis Posted October 6, 2007 Allah u Naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites