Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: retired General Jilacoow Caddow murdered

Recommended Posts

Muqdisho: Kooxo hubeysan oo galabta toogasho ku dilay Janaraal Jilacoow, Maxamed Dheere oo sheegay in la eedi doono dilka Jananka

5. Oktober 2007

 

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa galabta toogasho ku dilay Allaha u naxariistee Janaraal Axmed Jilacow Caddow oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamadii nabad sugida ee dowladdii hore iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo wajiyada soo qarsaday.

 

Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho xili uu marayey gaarigiisa ayaa waxaa isku hor gooyay gaari yar, dabeedna gaarigii Janaraal Jilacow uu ka istaagay si uu u gudbo hase ahaatee kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa rasaas labada dhinac ugu furay halkaasi oo uu dhaawac halis ah uu ka soo gaaray Jananka balse dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday.

 

Waxaa kaloo rasaastaasi ku geeriyooday darawalkii Gaariga oo lagu magacaabi jiray Cumar Caddaan waxaana dhaawac daran oo halis ah uu ka soo gaaray nin kale oo la socday kaasi oo dhaawaciisauu halis yahay.

 

Janaraal Jilacow oo horay ugu tirsanaa saraakiishii ciidamada nabad sugida ee dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa xilal kala duwn ka soo qabtay xukuumadii hore ee Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna mar Duq magaalo ka noqday magaalada Muqdisho, waxaana dilka loo geystay aad ugu xumaaday guud ahaan dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ee nabada jecel.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Dheere ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dilka Janaraal Jilacow oo uu ku tilmaamay inuu ahaa fal ay ka danbeeyeen kooxda argagixisada ah ee Muqdisho ka wada rabshadaha, wuxuuna sheegay in dhagar qabayaashii dilkaasi geystay ay eedi doonaan gacantana lagu soo dhigo doono si loo horkeeno caddaalada.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Janaraal Jilacow oo galabta la dilay iyo Guddoomiyaha Gobolka oo sheegay in la eedi doono dilka Janaraalka

 

{ 05 Oct 2007}

waxaa la daabacay Fri 05 Oct 2007 12: 37: 33

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa galabta toogasho ku dilay Allaha u naxariistee Janaraal Axmed Jilacow Caddow oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamadii nabad sugida ee dowladdii hore iyadoo dilkiisa ay geysteen kooxo wajiyada soo qarsaday.

 

Isgoyska Afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho xili uu marayey gaarigiisa ayaa waxaa isku hor gooyay gaari yar, dabeedna gaarigii Janaraal Jilacow uu ka istaagay si uu u gudbo hase ahaatee kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa rasaas labada dhinac ugu furay halkaasi oo uu dhaawac halis ah uu ka soo gaaray Jananka balse dhaawacii soo gaaray uu u geeriyooday.

 

Waxaa kaloo rasaastaasi ku geeriyooday darawalkii Gaariga oo lagu magacaabi jiray Cumar Caddaan waxaana dhaawac daran oo halis ah uu ka soo gaaray nin kale oo la socday kaasi oo dhaawaciisauu halis yahay.

 

Janaraal Jilacow oo horay ugu tirsanaa saraakiishii ciidamada nabad sugida ee dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa xilal kala duwn ka soo qabtay xukuumadii hore ee Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna mar Duq magaalo ka noqday magaalada Muqdisho, waxaana dilka loo geystay aad ugu xumaaday guud ahaan dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ee nabada jecel.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Dheere ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dilka Janaraal Jilacow oo uu ku tilmaamay inuu ahaa fal ay ka danbeeyeen kooxda argagixisada ah ee Muqdisho ka wada rabshadaha, wuxuuna sheegay in dhagar qabayaashii dilkaasi geystay ay eedi doonaan gacantana lagu soo dhigo doono si loo horkeeno caddaalada.

 

Email: admin@gobolkabanaadir.com

GobolkaBanaadir.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this