Emperor Posted January 11, 2008 Boosaaso oo maanta dagan kadib dagaal xoogan oo shalay ka dhacay kadib wada hadalo ay yeesheen Maamulka iyo isimada Puntland. Magaaladda Bosaso ayaa maanta xasiloon kadib dagaal xoogan oo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh, kadib wada hadalo ay yeesheen Maamulka Puntland iyo odayaasha dhaqanka Gobolka Bari oo lagu dhawaaqay in la joojiyo xabada lana wada hadlo intii dagaal wax lagu xalin lahaa. Xasiloonida ayaa timid kadib markii shalay galin kii dambe ay wadahadalo kafool kafool ah yeesheen Isimada Gobolka Bari oo uu hogaaminayo Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo ah ugaaska Beesha Dhashiishe oo ay ka dhasheen maleeshiyadii dagaalka la gashay Ciidamada Dawlada iyo sidoo kale Madaxwaynaha Puntland. Wada hadalkii shalay ayaa qodobo dhawr ah laga soo saaray iyadoo qodobadii ka soo baxay ay u muuqdaan kuwo dhaqan galay marka loo eego xaalada magaalada Bosaso ee maanta iyo siday shalay ahayd. Qodobadii shalay laysku afgatay ayay ka mid ahaayeen. 1- In xabada la joojiyo ciidamada Puntlandna laga qaado goobaha ay dagaalka ku galeen laguna celiyo xeryahoodii. 2- In laga wada shaqeeyo sidii loo sugi lahaa amaanka Dalka iyo dadka oo inaga wada dhexeeya iyadoo loo marayo dhinaca siyaasadda. 3- In ragii ka dambeeyay falalkii afduubka layska kaashado sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ayna soo gacan galiyaan qabiiladoodu. 4- In Beesha shalay la dagaalantay Ciidamada amaanku ay ka guraan dhagxaan iyo taayiro ay wadooyinka qaar ku xireen guud ahaana ay hubka soo wareejiyaan maleeshiyadii dawlada la dagaalantay. Qodobadaasi iyo kuwa kale oo shalay lagu wada hadlay ayay ugu horayn dhaqan galeen qodobadii ugu cuslaa sida in wadooyinka dib loo furo iyadoo la arkyay shalay dumar iyo caruur guraya dhagxaantii ay horay wadooyinka ugu xireen iyadoo sidoo kalana xabad joojintii lagu dhawaaqay ay isla markiiba dhaqan gashay. Jawiga magaaladu hadda waa mid dagan mana aad dareemaysid wax dagaal iyo cabsi toona ah dadkuna waxay u wataan hawlohooda shaqo si caadi ah iyadoo markii aad booqato goobihii shalay lagu dagaalay aad arkayso guryo ay waxyeelo gaarsiiyeen xabadihii lays dhaafsanayay. AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 11, 2008 Kulan ku aadan amaanka magaalada Boosaaso oo maanta lagu qabtey xarunta maamulka Gobolka bari. Waxaa Kulan balaaran oo looga hadlayey amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa maanta lagu qabtey xarunta maamulka ee magaalada Boosaaso, Kulankaasi oo ahaa mid albaabadu ay xirnaayeen oo saxaafada loo diidey waxyaabihii looga hadlayey ayaa waxaa ka soo qayb galey madaxweynaha DGPL Maxwaynaha Puntland Gen. Cadde Muuse Boqor. Kulankaasi oo ahaa mid albaabadu ay xirnaayeen oo saxaafada loo diidey waxyaabihii looga hadlayey ayaa waxaa ka soo qayb galey madaxweynaha DGPL Max’uud Muuse Xisri (Gen.cade), iyo Isimada gobolka Bari. Kulankan ayaa isimadii ka soo qayb galey waxaa ka mid ahaa Ugaas Xasan Ugaas Yaasin, waxaana si gaar ah kulankaasi diirada loogu saarey arimaha ku aadan dhacdadii iska horimaad ee shaley ka dhacdey magaalada Boosaaso. Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Yuusuf dhamaadey waxay saxaafada uga warbixiyeen waxyaabihii kulankaasi looga Hadley ayaa wax uu sheeya in ayaa soo wareareen argagiso iyo reer soomaliland lakiin wax uu sheegay in ayaa gacati ayaa ku dhigi doona iyo Ugaas xasan Ugaas Yaasin ayaa wax uu sid oo kale uu sheegay Ugaaska in ayaa ciidamad ayaa qalidantahyi sidii ayaa arintii dhacday shali kulankaasi markii uu soo dhamaadey waxay saxaafada uga warbixiyeen waxyaabihii kulankaasi looga Hadley Suleeqo maxamuud Qabowsade Email: suleeq100@hotmail.com Shabakadda Allmudug.org Bosaso. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 11, 2008 Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen Howlgaladii ay ka wadeen Bosaso Saaka {Bosaaso}11-01-08Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland C.casiis Saciid Gacamey oo la hadlayay Mid ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ayaa shegay in ay Ciidamadu ay soo afmeereen Howlgaladaasi isla markaana ay ku najaxeen waa sida uu taliyuhu uu sheegay Taliyaha Ciidamada Booliska Ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Qaar ka mid ah kooxihii la dagaalamayay Ciidamada Booliska In kasta oo uu ka gaabsaday Tirada ay dhan yihiin. Taliye C.casiis Saciid ayaa intaasi sii raaciyay In ay haatan Goobihii uu iska hor imaadku uu degan yahay isla markaan ay ciidamada Haatan Ku Sugan yihiin oo ay roondooyin ku sameenayan. Madaxweynaha Puntland Mahamud Musse Hirsi ayaa Duhurnimadii Maanta la kulmay Odayaal Dhaqameed ay hayb hoose wadaagaan Kooxaha Dagaalamayay Kuwaasi oo ku dhiirigaliyay Kooxaha in ay Xabada Joojiyaan Hubka Dhigaan Isla Markaasna Waxa ay odayaashaasi ay ku guuleysteen In ay Qaadaan Jidgooyooyin ay sameeyeen Kooxahaasi. Xaalada Bosaso ayaa Caawa ah Mid Degan In Kasta oo laga dareemayo Raadadkii uu maanta Magaalada ku Reebay Dagaaladii Dhacay. Mahamud Said Salad Bosaso Puntland Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted January 11, 2008 Job well done. The police got high marks for their professionalism. The admin needs to keep up the pressure until these kidnappers are brough to justice. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 11, 2008 ^Its good news indeed, security returns... conflict is no good for anyone Boliska Bosaso oo soo afjaray howgaladi Bosaso, Somalia (Calanka.com) 11-Janaayo-08 Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland C.casiis Saciid Gacamey oo la hadlayay Mid ka mid ah Warbaahinta Maxaliga ayaa shegay in ay Ciidamadu ay soo afmeereen Howlgaladaasi isla markaana ay ku najaxeen waa sida uu taliyuhu uu sheegay. Taliyaha Ciidamada Booliska Ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Qaar ka mid ah kooxihii la dagaalamayay Ciidamada Booliska In kasta oo uu ka gaabsaday Tirada ay dhan yihiin. Taliye C/casiis Saciid ayaa intaasi sii raaciyay In ay haatan Goobihii uu iska hor imaadku uu degan yahay isla markaan ay ciidamada Haatan Ku Sugan yihiin oo ay roondooyin ku sameenayan. Madaxweynaha Puntland Mahamud Musse Hirsi ayaa Duhurnimadii Maanta la kulmay Odayaal Dhaqameed ay hayb hoose wadaagaan Kooxaha Dagaalamayay Kuwaasi oo ku dhiirigaliyay Kooxaha in ay Xabada Joojiyaan Hubka Dhigaan Isla Markaasna Waxa ay odayaashaasi ay ku guuleysteen In ay Qaadaan Jidgooyooyin ay sameeyeen Kooxahaasi. Xaalada Bosaso ayaa Caawa ah Mid Degan In Kasta oo laga dareemayo Raadadkii uu maanta Magaalada ku Reebay Dagaaladii Dhacay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 11, 2008 Great news, Bossaso is a symbol of success through hard times. The security of its people should not be played with. Quote Share this post Link to post Share on other sites