Taako Man Posted January 7, 2007 Shariif Xasan oo raadinaya heshiis Soomaaliyeed Mogadishu 07, Jan.07 ( Sh.M.Network) –Diblomaasi sare oo Soomaaliyeed oo xiriir la leh hogaamiyayaashii laga adkaaday ee maxaakimta Islaamiga ayaa ku baaqay in deganaashiyo laga sameeyo dalka Soomaaliya, isagoo ku booriyey dagaalyahanadii ka haray maxaakimta Islaamiga inay soo dhiibaan oo ay ku biiraan hanaanka nabada si loo soo afjaro fowdada 15 sano lagu soo jiray. Shariif Xasan Sheekh Adam, afhayeenka baarlamaanka dowlada KMG ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in dagaalka uu dhamaaday oo loo baahan yahay in dhamaan Soomaalida ay iska kaashaadaan sidii loo soo celin lahaa xasiloonida. Sharif Xasan waxa uu isaga haray mowqifkii uu kaga soo horjeeday ciidamada shisheeye ee nabad ilaalinta, isagoo ugu baaqay Soomaalida inay soo dhoweeyaan oo ay xurmeeyaan ciidamada loo keeni doono si ay nabada uga shaqeeyaan. Waxa uu si weyn u mucaaradsanaa dowlada ay Q.M taageertay ee KMG, isagoo xiriir hoose la lahaa hogaamiyaashii golahii maxaakimta Islaamiga, kuwaasoo ku firxaday miyiga koonfurteed ee dalka Soomaaliya, iyagoo balan qaaday dagaal falaageyn ah ka dib markii ay ku jabeen dagaalo laba todobaad ka hor ay la galeen ciidamada dowlada KMG oo kaashaanaya kuwa Ethiopia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sharif_seylaci Posted January 7, 2007 dawladde federaalka is doomd i know it is u will see Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted January 7, 2007 Sharif Xasan waxa uu isaga haray mowqifkii uu kaga soo horjeeday ciidamada shisheeye ee nabad ilaalinta, isagoo ugu baaqay Soomaalida inay soo dhoweeyaan oo ay xurmeeyaan ciidamada loo keeni doono si ay nabada uga shaqeeyaan. lool, what a ruthless oppurtunist he is! Quote Share this post Link to post Share on other sites