Wiilo Posted December 17, 2006 2 ruux oo ku geeriyootay rasaas ay Ciidamo Itoobiyaan ah huwiyeen gaari rakaab ah oo shil la galay mid kamid ah gawaaridooda. December 16, 2006 Markacadeey Ciidamada Itoobiyaanka ee gardarada ku jooga magaalada Baydhabo ayaa dilay 2 qof oo rayid ah halka laba kalena ay dhaawacmeen kadib markii gaarigii dadkaasi ay saarnaayeen uu shil la galay gaari ay wateen ciidamada Itoobiyaanka. 2-da ruux ee geeriyootay ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen rakaabkii gaariga,waxaana la sheegayaa in gaarigaasi uu kusii jeedaa deegaano ku yaalla gobolka bay. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dhacdadaasi mar marsiimo kaga dhigtay in ay ka shakiyeen gaariga,hayeeshee dadka deegaanka ayaa ku waramay in markii shilka uu dhacay kadib ay cidamada Itoobiyaanka falkaasi geysteen. Ciidamo ka socday Dawladda Federaalka ayaa durbadiiba gaaray goobta dhibaatadu ka dhacday oo ku dhaw Isha Baydhabo,iyadoo haatan baaritaan ay ku hayaan qaabkii dilkaasi uu ku dhacay. Ciidamada Dawladda waxaa sidoo kale ay su'aalo weydiinayaan darawalki gaariga waday,kaasi oo isaugu ka badbaaday shilkaasi dhacay,waxaana la sheegayaa in haatan gaariga isagoo rogman uu yaalo Buundada magaalada Baydhabo. Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Itoobiyaanka fal kaasi oo kala ah ay ka geystaan deegaanada ay ka joogaan Ciida Somaliya,waxana jira dhacdooyin dhowr ah oo ay ku xasuuqeen dad badan oo rayid ah iyo kuwo kale oo kufsi ay ku geysteen. Maxamed Carab Xafiiska markacadeey Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites