Sign in to follow this  
General Duke

Agreement between Sharif Xasan Clan courts?

Recommended Posts

Xildhibaanada Muqdisho kusugan Iyo Maxaakiimta oo Caawa hishiis 7- Qodob ka kooban kala saxiixday

 

Kulan caawa uga socday Warshidi hore ee Caanaha Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Baarlamaanka Fedderaalka ah ee soomaaliya ayaa goor dhaw lagu soo gunaanaday halkaasi iyada oo qodobana la kala saxiixday.

Kulankan oo ahaa mid ay albaabada u xeran yihiin ayaa waxaa gabgabadiisii saxaafada la hadlay Prof Ibraahim Xasan Cadow oo ah Madaxa Waaxda Arimaha Dibada ee Maxaakiimta isla markaana ah gudoomiyaha Wafdigii Maxaakiimta ee Shirkii Khartuum waxa uuna saxaafada u aqriyey Qodabada la wada gaaray.

 

Qodbada la isla gaaray ayaa waxaa ka mid ah

 

in la sii wado Wada hadalka u dhaxeeya Dowladda iyo Maxaakiimta

in la joojiyo wax walba oo keeni karo colaad

In Beesha Caalamka ay u sheegayaan in aan la qaadi Karin cunaqateynta Hubka ee Saaran Soomaaliya

In la joojiyo fara galinta Shisheeye isla markaana arimaha soomaaliya iyada dhexdeeda ay xalisato

Iyo qodobo kale oo waxaana Qoraalkaasi si wada ajir ah ugu saxiixnaa gudiyada labada dhinac ee Dowladda iyo Maxaakiimta.

 

Go’aanadan ay wada gaareen Maxaakiimta iyo Baarlamaanka ayaan la ogeyn sida ay uga jawaabaan Madaxda Sare ee Dowladda ee Fadhigoodu yahay Magaalada Baydhaba, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay guluf xoog leh ugu jiraan in dalka la keeno Ciidamo shisheeye oo Dowladda gacan siiya.

 

Gudoomiyaha golaha Baarlamaanka ayaa maalmihii tagay ku sugnaa Magaalada Muqdisho isaga oo u yimid sidii loo sii amba qaadi lahaa wada hadalkii baaqday ee Khartuum isla markaana loo baajin lahaa dagaal dhex mara Maxaakiimta iyo Dowladda.

 

Shirkii Khartuum ee Dowlada iyo Maxaakiimta ayaa u baaqday sababo la xiriira shuruudo ay labada dhinac la yimaadeen, taas oo keentay in shirka uu qabsoomi waayo isla markaana dib loo dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The request for lifting of the arms embargo has been passed by the parliment and executive of the TFG and also by AU, IGAD..

 

Also the points agreed upon are exactly what the clan courts wanted, what about moving out of the areas captured since the beginning of talks, Kismayu, Bur-Hakabo, Galinsoor?

 

Also what aboutthe foreign foghters of the clan courts and the arms coming from Eritrea?

 

Sharif Xasan can not deliver this to Baidoa, thus will be stuck in Mogadishu as before.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Safarkii Guddoomiye Shariif ee Muqdisho oo noqday mid dhinacna loo wadi waayey

Posted to the Web Nov 10, 11:58

 

 

Muqdisho: (PP) - Waxaa shantii bishan Nofember ka soo degay magaalada Muqdisho Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu hadafkisii ugu weynaa uu ahaa in Maxaakiimta uu la gaaro heshiis isaga u gaara oo aysan la qabin inta badan xubnaha baarlamaanka iyo dowladaba . Tegidii Muqdisho ee Guddoomiyaha, waxay ka abuurtay Magaalada Baydhabo mudaaharaadyo looga soo horjeeday oo saacado badan ka socday magaalada Baydhabo.

 

Tegitaanka Shariifka ee magaalada Muqdisho ayaa si fiican loogu fasiray inay ahayd Caro uu ka soo carooday madaxda Sar-sare ee dowlada Federaalka Soomaaliyeed , kaddib markii ay ka wareejiyeen inuu hogaamiyo wafdigii dowlada uga qayb-gali lahaa shirkii khartuum ee lagu guuldaraystay. Sikastaba , dad badan oo u dhuundaloola Shariifka ayaa sheegaya khilaafkasta oo u dhaxeeya isaga iyo madaxda sar-sare ee dowlada , hadana kama marmayn inuu jawi wanaagsan dhex-dhigo dowlada iyo Maxaakiimta, hadana safarkiisa Muqdisho waxay guddoomiyaha ku noqotay mid dhinacna loo wadiwaayey.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waqtigii uu ka degay magaalada Muqdisho ayaa Maxaakiimta Muqdisho waxay u soo dhaweeyeen si aad u wanaagsan, waxaana goobtaas ku soo dhaweeyey horjoogayaal aad u fara badan oo kamida maxaakiimta.

 

Guddoomiyaha ayaa niyadiisa ugu sheekeeyey inuu kala laaban doono magaalada Muqdisho guul aad u wanaagsan , maadaama maxaakiimtu ay tusiyeen jawi aad u heer sareeya.... , Waxaana guddoomiyaha maskaxdiisa ka guuxayey waxa uu la hortagi doono maxaakiimta goorta ay isa soo horfariistaan , maadaama uusan soo diyaarsan waxa uu la hortagi doono maxaakiimra dhankooda.

 

Guddoomiye Shariif Xasan shirkii ugu horeeyey uu hadalkiisa ku bilaabay ayaa ahaa sidan: "Waxaan u nimi Muqdisho Nabad ,Waxaana laga doonayaa Maxkamadaha inay aqoonsadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah dowladda keliya ee laga aqoonsan yahay caalamka kana jirta gudaha Soomaaliya, waxayna taasi sahlaysaa in dowladda iyo maxkamaduhu ay noqdaan kuwo dhibaatooyinka u dhexeeya ay dhammaadaan" ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Waxaa ka dabahadlay Guddoomiyaha baarlamaanka, Xasan Daahir Aweys oo isagana yiri" Howsha uu halkaan u yimid Shariif Xasan waa mid wanaagsan oo meesha ka saaraysa khilaafka u dhexeeya Maxkamadaha iyo Dowladda, waana mid aad u wanaagsan oo ay cid walba soo dhaweynayso arrinta Shariifka uu wado , Waxaan hadalkaas lagu micnayn karaa siyaasiyan in khilaafka jira la xaliyo ee ay arrintu ahayn dowlad laga soo horjeedo.

 

Guddoomiyaha Shuurada Maxkamadaha ayaa dhanka kale wuxuu sheegay in looga baahan yahay Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha Dowladda inay yimaadan Muqdisho ayna ka qaybgalaan kulanka ay dib ugu heshiinayaan Dowladda iyo Maxkamadaha.Taas oo iyadana ah Fure kale oo daah-furaysa in Maxkamaduhu ay jecelyiin in Madaxweyne Yuusuf iyo Prof Cali Maxamed Geedi ay u soo haluulaan dhanka Muqdisho , halkaasna wax lagu qaybsado.Arrintuse ay ahayn dowlad la aqoonsanayo. Hadaladaas ka soo yeeray dhanka Maxaakiimta wuxuu u arkay Shariifka Baarlamaanku mid uu ku fashilmay hindisihiisii uu la yimid Muqdisho, maadaama ay maxaakiimtu aan afkooda laga maqal wax baan ka soo horjeednaa...

 

"Arrinta ay ka hadleen Xasan Daahir Aweys iyo Shariifka Maxaakiimtu ma ahayn mid xaqiiq ah, say hadalka u yiraahdeena kama turjumayso , waxaase lagu tilmaamay hadaladooda mid lagu jahawareerinayo Shariifka Baarlamaanka si loo hanjebiyo.waxaana kulanadii danbe ee u dhaxeeyey Shariifka iyo Maxaakiimtu ay ahaayeen kuwo u ekaa in lagu guuldaraystay". sidaa waxaa yiri masuul sare oo u dhuun daloola arrimaha u dhaxeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo maxaakiimta.

 

Hadalada ay jeediyeen Xasan Daahir aweys iyo Shariifka Maxkamadaha waxay meesha ka saarayaan hadalada ka soo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ah inay dowlada aqoonsadaan , Maxaakiimtana waxay dhanka kale ka sheegayaan in Madaxweynaha iyo Raiisal wasaaruhu ay yimaadaam Muqdisho, si loo dhameeyo waxay ku sheegeen Khilaaf. Waxaana durba soo baxaysa inuu Guddoomiyaha Baarlamaanku aysan u cadaan wixii uu muqdisho u yimi , rajo beelna uu ka qaaday hadalada aan sida tooska ah u cadayn ee ka soo yeeraya horjoogayaasha Maxaakiimta.Wuxuuna guddoomiyuhu uu ka doonayéy Maxaakiimta inay yiraahdaan waa ka soo horjeednay dowlada , maadaama aad timi waan ayidnay , taasna kama dhicin goobihii kulanka.Maxaa u dhiman Guddoomiyaha Baarlamaamka ?

 

Warar hoose oo aan ka helayno xubnaha ka agdhow labada dhinac ee Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo dhanka maxaakiimta ayaa sheegaya in dhanka maxaakiimta ay durba ka soo booday dhinacooda kulana taliyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu Muqdisho iska joogo , kalana shaqeeyo howlaha maxaakiimta ay ka wadaan goobaha ay ka taliyaan.

 

Dhanka Guddoomiyaha ayaa iyadana la sheegayaa inuu ku qafiifay oo uu mar walba ku soo cel-celinayo inay Maxaakiimtu ay aqoonsadaan DFKS, hadalkaas oo ay dad badan oo Soomaaliyeed aysan garanayn qiimaha uu u leeyahay Shariifka hadii Maxaakiimtu ay yiraahdaan waan aqoonsanay dowlada.

 

Si kastaba , waxaa la dhowrayaa hal Asbuuc oo danbe ama ka yar in Maxaakiimtu ay yeelaan hadalka uu ka doonayo shariifku oo ah "waanu taageersanahay dowlada ...". Xagee lagu furayaa hadalkan aan nuxurka badan lahayn ee ah waan taageersanahay dowlada hadii aan maxkamadaha aan nahay .... Maxaase xiga... dhamaan waxyaalahaas oo dhan waxay soo baxayaan waqti dhow..!

 

Puntlandpost.com

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Gener duke ____ why are you goin ahead of speaker ,

 

do you have more knowlegde then speaker on TFG issue , or anything that does not satisfy abdulahi does not work for you.

 

Do you have more knowledge the speaker on TFG agenda or its qabila agenda .

 

Day by day your showing as your true motive for supporting the TFG ,

 

QOUTE:

Also the points agreed upon are exactly what the clan courts wanted, what about moving out of the areas captured since the beginning of talks, Kismayu, Bur-Hakabo, Galinsoor

 

 

Why make lame excuse for people who dont want to be ruled by TFG , clearly the locals fought Tfg tru or fals in Burhkab,

 

 

why are the TFG concern about these e region when they never ever controlled these region nor where they ever welcomed in these regions .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Bambo the speaker role is just that, he is there to set appointments and not agenda.

 

The whole 275 parliment has spoken so he needs to respect that.

 

The agreement is not viable and will not work, why do the clan courts want to waste so much time?

 

Also all Somali areas need to be respected, what Mogadishu clan courts want everybody wants, a right to choose their own admins within the Federal system.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodabo ka soo baxey Muqdisho

10 Nov 10, 2006, 20:12

 

Xalay fiidnimadii ayaa lagu soo gabagabeyay xarunta Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ee Muqdisho kulan Guddiyadii Xildhibaanada Muqdisho iyo Maxkamadaha u xil saarnaa wada-hadalada Dowladda iyo Maxkamaddaha, kaasi oo laga soo saaray Todobo qodob oo muhiim ah, laguna heshiiyay in lasii dardargeliyo heshiisyada labada dhinac.

 

Qodobadan labada dhinac ayaa waxa saxiixey Guddoomiye ku-xigeenka golaha Shuurada Ibraahim Xasan Caddow iyo Xildhibaan Cumar Xaashi, waxaana qodobadaasi ka mid ah.

 

1-In la dhameeyo colaada ka taagan dalka Soomaaliya lagana hortago wixii colaad keeni kara. Who is attacking towns and villages

 

2-In la dhowro qodobada lagu heshiiyay eee shirkii Khartoum. Who broke it

 

3-In arimaha Soomaalida laga daayo faragelinta shisheeyaha, lana dardar geliyo dib u heshiisiinta loona daayo Soomaalida. Who has foreign fighters burning the flag

 

4-In Qaramada Midoobay qaadin cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya maadaaama dalka intiisa badan amaankiisa sugan yahay. :D This was the main aim of the whole Sharif trip

 

5-In la xoojiyo wada hadalada Khartoum lana sii wado gogosha nabadeed ee Khartoum oo Jaamacada Carabta soo qabanqaabisay.

 

6-In la ilaaliyo jiritaanka Shacabka Soomaaliyed iyo midnimadoodaiyo qodob kale oo ay ugu mahad celinayeen dowladda Kenya. [they have attacked it before]

 

Cali Muxayadiin Cali, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this