Sign in to follow this  
Xoogsade

Weeraro Xoogan oo galabta lagu qaaday Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga iyo Stadium

Recommended Posts

Xoogsade   

Weeraro Xoogan oo galabta lagu qaaday Wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga iyo Stadium muqdisho

 

Beerdhiga 20.04.2008 20:30

 

Xoogagga Mujaahidiinta MMIS ayaa galabta waxay weerar xoogan ku qaadeen Wasaaraddii Gaashaandhigga, Xerada Guulwadayaasha iyo Stadium muqdisho oo fariisimo u ah Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa la shqeeya.

 

Dagaalkan ayaa waxaa uu markii hore ka bilawday agagaarka wasaradda gaashaandhiga iyo guulwadayaasha waxaana Mujaahidiinta u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan xeradda guulwadayaasha oo fariisin u ah ciidmada DFKMG ah waxayna Ciidamadii ku sugnaa u firxadeen dhanka W/Gaashaandhiga.

 

Sidoo kale Mujaahidiinta ayaa waxay weerar xoogan ku qaadeen Stadium Muqdisho waxayna ila ka agdhaw Mujaahidiintu Beerdhiga u xaqiijiyeen in weerarka lala beegsaday difaaca hore Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee fariisinka ka samaysatay Xarunta isbartiibo iyo nawaaxigeeda.

 

Dagaalkan ayaa waxaa uu soo gaba gaboobay salaadii maqrib ka dib waxayna Ciidamada gumaysigu bilaabeen madaafiic ay la dhacayaan deegaamada ka agdhaw Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Stadium Muqdisho waxaana la sheegayaa in duqayntaas ay ku waxyeeloobeen dad rayid ah oo ku sugnaa goobahaas.

 

Weeraradan ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli uu maalintii labaad dagaal culus ka dhacayo degmooyinka Heliwaa iyo Yaakhshiid kaas oo khasaarooyin laxaad leh loogu gaystay Ciidamada gumaysiga, waxaana jira tacadiyo aad u fara badan oo ay Ciidamada gumaysigu dadka degmooyinkaas u gaysteen kuwaas oo ay ka mid yihiin gawraca tiro dad ah oo rayid ah.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this