General Duke Posted February 26, 2006 Baarlamaanka Puntland oo Cunay Xaabsade Xaaji bakakiin iyo weliba Faroole oo Hoolkii ka baxay Intaan Loo Codayn (Garoowe}26.02-06 Baarlamaanka Maamul goboleedka Puntland ayaa Maanta Cod Aqlabaiyadah ku diiday Wasiirnimada Axmed Cabdi Xaabsade iyo Ku xigeenkiisii Xaaji Bakiin,waxanay ogolaadeen Gaagaab iyo Awaare................ Sida uu soo sheegay wariyaha Widhwidh ee Garoowe waxaa ay Baarlamaanku Maanata Diideen Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Amniga Axmed Cabdi Xaabsade iyo ku Xigeen kiisa Al Xaaji Bakiin. Waxaa kale oo isna meesha ka Cararay oo Baneeyay Hoolka intaan loo Codayn Wasiirkii Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamka C/raxmaan faroole. Waxaa Gudbay oo la ansaxiyay Wasiirkii Maaliyada Max'ed Cali Yuusuf Gaagaab iyo Wasiirkii Dawladaha Hoose iyo Horu marinta reermiyiga Cali Cabdi Awaare iyo weliba ku xigeenadoodii. La soco widhwidh iyo wixii ka soo kordha Quote Share this post Link to post Share on other sites