Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Somalia's new PM celebrates 65 anniversary of the National Police...

Recommended Posts

Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed

20. December 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya laga xusay sanad guuradii 65-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidamada Booliska, waxaana xaflado lagu xusayo maalintaasi ay ka dhacday Baydhabo iyo Muqdisho.

 

Ra'iisul Wasaaraha cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa hambalyo ku aadan munaasabada maalinta xuska Booliska Soomaaliyeed, isagoo ugu hambalyeeyay Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada iyo qoysaska ciidamada Booliska sanad guurada 65-aad ee Booliska isagoo u rajeeyay in ay munaasabadan mideeda kale ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo.

 

Md. Gacma Dheere wuxuu kaloo uu sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay yihiin lafdhabarka ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana la'aantood aysan Dowladda KMG waxba u suurageli karin, wuxuuna ku bogaadiyay howlgalada nabadda ay ku sugayaan ee magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo degmooyinka kale ee dalka Soomaaliya.

 

Xaflad weyn oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta Iskuul Bolisiya ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu soo bandhigay gaarti ka ciyaar ay sameynayeen ciidamada Booliska iyo awoodooda, waxaana khudbado ka jeediyay saraakiisha sar-sare ee ciidamada Booliska iyo mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

 

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ah kuwo 18-kii sano ee la soo dhaafay jiray, isla markaana aan burburin oo Saldhigyada Booliska mudadii burburka ka shaqeynayey, waxaana lagu tiriyaa ciidamada Booliska in aysan ka qeyb qaadan dagaaladii jahliga ahaa ee dalka ka dhacay burburkii kadib.

 

AllPuntland, Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

R/Wasare Gacmadheere oo ka hadlay Maalinta Police-soomaaliya & Arimokale

 

Ayadoo maanta ay ku astaansatahay sanadguuradii 65naad oo ku began maalintii la aasaasay ciidamada Police-ka soomaaliyeed ayaa shi jaraaid uu ku qabtay magaalada Baydhabo Xarunta Gobolka Baay Raiisul wasarada dhowaantan madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed Soomagacaabay Max’ed Max’ud Guuleed Gacmadheere ayaa waxa uu ku faah faahiyay waxqabadkii Ciidamada Police-ka.

 

Waxaanba uu qiray in ciidamada Police-ka ay yihin kuwo u heelan shacabka Soomaaliyeed hase ahaatee aysan helin kaalintii ay ka ga aadanaayeen DFKMG ah ee Soomaaliya una dulqaatay waqtiga adag ee Dalka ku jiro waxaana uu rajo kla muujiyay maadaama uu xilka Haatan Madaxweyne Yuusuf uu u magacaabay mudada uu hayo inuu isbedel la imandoono taa oo lagu hormarin doono ciidamada Police-ka .

 

Magaalada Baydhabo oo ka mid ah Meelaha ay DFKMG ah ay Gacantaku hayso ayaan laga xusin maalintaasi taasi oo aan la ogeyn sababaha ka dambeysa ka sokow hadalada ay jeedinayaan madaxda sar sare ee Dowlada,

 

Shirkiisa jaraaid Mr Gacmadheere waxa uu kaga hadlay waxyaabo faramadan oo ay ka mid aheyd dagaalada Magaalada Muqdisho ka soconaya eek u dandareysan Deegaanada Balcad Ceelasha Biyaha iyo Qeybo badan oo dalka Ka midaha Asagoo rajoka muujiyay in asaga fikirkiisa amagaar ahaan xukuumada uu soo magacabi doono ay kaalin xoogan ka qaadandoonto sidii dib loogu celin lahaa dadkaasi Guryahoodii ay ka soo carareen.

 

Ugu dambeyntii Raiisul wasasaare Gacmadheere Waxa uusoo hadalqaaday qilaafaadka ka dhex aloosan baarlamanka DFKMG ah ee Soomaaliya asagoo sheegay in mudada ugu dhow uu baarlamanku hor keeni doono xukuumada laga filayo in 3maalin ee Fooda nagu haysa in uu soo magacaabo.

 

Max’ed Xaaji Xasan Abuukar

SBCInternational- Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this