Sign in to follow this  
Jabhad

Freedom loving Somalis resist enemy occupation.

Recommended Posts

Jabhad   

Qarax weyn Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Dagaalo Xooggan oo kasocda Aagga Kulbiyow

Posted to the Web Jan 09, 09:16

 

 

(Aayaha.com) Jan, 09, 07 - Warar mardhaw naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caaway uu ka dhacay qaraxweyn oo gilgiley magaalada, waxaana qaraxaas xigay rasaas iyo dagaal ay is dhaafsadeen Shacabka Soomaaliyeed ee diidan gumeysiga cusub iyo ciidamada Tigreega ee ku sugan magaalada Muqdisho. Weeararkaan ayaa waxaa uu ka dhacay aaga kilomitir afar waxayna wararku intaas ku darayaan in ku dhowaad 30 daqiiqad ay socotay is rasaaseyn.

 

 

Waa markii labaad todobaad gudihiis oo ciidamada Soomaaliyeed ee xaq u dirirka ah ay weerar u geystaan ciidamada cadowga Tigreega. Illaa hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee uu gesytay weerarkan balse waxaa ay warar soo baxaya hadda sheegayaan in khasaaro nafeed oo aan la caymin uu kasoo gaarey ciidamada cadowga Itoobiya.

 

 

Dhanka kale wararka ka imaanaya deegaanka Jubbooyinka ayaa sheegaya inuu maantay halkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo u dhexeeya xooggaga xaq u dirirka Soomaaliyeed iyo ciidamada Tigreega oo ay weheliyaan damiir-laawayaal Soomaaliyeed. Dagaalkaan ayaa waxaa ay sheegayaaan dadka deegaanku in jab lixaad leh loo geystay ciidanka cadowga, ayagoo intaas ku daray inay jiraan ciidamo badan oo Tigree ah oo la hareereeyey oo illaa hadda aan la ogeyn inay isdhiibeen iyo inkale.

 

 

Dhamaan dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay kadhacay hawdka Jubooyinka ayaa waxaa la xaqiijiyey in looga adkaadey ciidamada Tigreeda ee soo duulay ayadoo ay dadka reer guuraga ah ka cabanayaan ur-ka bakhtiga Tigreeda oo daadsan dhulka baadiyaha.

 

 

Jabka soo gaarey ciidamada Tigreeda ayaa sababay inay u qayla dhaansadaan dowladda Maraykanka oo la rumeysan yahay inay tahay awoodda iyo maskaxdii ka dambesay dagaalka ay Tigreedu kusoo qaadday Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

 

Maraykanka oo adeegsanaya noocyada kala duwan ee diyaarada dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ee kusugan xeebaha Soomaaliya ayaa tan iyo Axaddii lasoo dhaafay waxaa uu duqeyn joogto ah kuwadaa deegaano badan oo kamid ah Jubbooyinka, waxaana illaa hadda la xaqiijiyey in ay duqeynta cirka ee Maraykanku wax yeelaysay dad shacab reer guuraa ah iyo xoolo, waxaana soo baxay warar xoojinaya in dagaalyahanada Soomaaliyeed ee xaq u dirirka ah ay ka badbaadeen duqeyntii cirka ee Maraykanka.

 

 

Aayaha News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye. W. T. Cumar Nabaddoon

Posted to the Web Jan 09, 12:44

 

 

Tixdaan gabayga ah waxay tilmaan cad ka bixineysaa heerka dadnima-xumada Soomaalidu gaartay. Iyagoo isdaawanaya ayey dunida deg deg uga suuli doonaan, eeddana bilow iyo dhammaad iyagaa iska leh. Qofkii gacantiisa isku gowraca cidna looma qisaaso(Cumar Nabaddoon 2007).

 

Dad qabiil Ilaahood yahaan qiilba loo heline

Quraankiyo Sunnada ay bartaan kuma qashuucaane

Qalbigaa engegan oo malaha qiiro iyo dhiige

Quful baa ku jaban dhagaha oo waa qam maqalkiiye

Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye

 

Qarannimadu waa wadajirkoo lagu quwoobaaye

Haddii qoloba qoladiinna kale malag u qooleyso

Oo cadow quruun dhaarsanaa hawl u qabanayso

Kolley qaylodhaan iyo mashxarad qoomamaa xigiye

Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye

 

Qorigii Darwiishkee kufriga qiiqa uga keenay

Qaarkiin waxaad uga hadheen waa qabiil kale’e

Qarni iyo sannado baad xumihi weli qufaysaane

Maantana Shariif qiima laad gaal u qabateene

Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye

 

Qalbigaan ka ooyaa sidaad wax u qorsheyseene

Qofkii iga danbeeyaa waa ogaan waxaan ka qiiroone

Qalqaalada waxaad ugu jirtaan qurun Amxaaraaye

Tigree qolof le weeyaan kuwaan qoosha kuu suraye

Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye

 

Wixii qaari kaaruhu ku dilay quraca hoostiisa

Diyaaraad qummaatiga u kaca baaska qabadsiiyey

Sidii qadowga geedaha wixii ruux qombabay yaallay

Wixii Qamar hagoogilan Tigree qori ku jeexaayey

Ama qoys gablamay iyo agoon jiifka qaban weydey

Qaarkiin bishaarey u tahay lagu qaboobaaye

Oo qaran qabiil lagu sidkaad quud ka sugataane

Qabrigiin dun Soomaaliyeey quus ayaad tahaye

 

Dagaal qaawan waa dhici jiriyo qaran la maagaaye

Qawleysatadu waa jirtiyo dhuuni qaatuhuye

Hayeeshee dad wada qaaddan baan qaadan waanada’e

Qof yar iyo qof weyn waxaad tihiin qolofti meygaage

Qashar dhuuxi laga miirtay baa qiimo kaa badane

Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye

 

Qeyrkood ka hare iga Walloo waana loo qoraye

Qaaraddii madoobeyd malaha qaran sidoodaahe

Oo qosyba qoyskii xiguu mool u qodayaaye

Qaybiyoo u tali baa iyana loogu qiil dayaye

Qorshahana waxaa loo igmaday qolo Wayaanaahe

Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye

Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye

 

Dhammaad

 

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

"Wixii qaari kaaruhu ku dilay quraca hoostiisa

Diyaaraad qummaatiga u kaca baaska qabadsiiyey

Sidii qadowga geedaha wixii ruux qombabay yaallay

Wixii Qamar hagoogilan Tigree qori ku jeexaayey

Ama qoys gablamay iyo agoon jiifka qaban weydey

Qaarkiin bishaarey u tahay lagu qaboobaaye

Oo qaran qabiil lagu sidkaad quud ka sugataane

Qabrigiin dun Soomaaliyeey quus ayaad tahaye"

 

 

Abdulahi-Ahmaar said today"America has the right to hunt down and air bombard wherever those who were responsible for bombing its embassies in East Africa are staying or hiding,"

 

AP[American propoganda machine]reports:A Somali lawmaker said 31 civilians, including a newlywed couple, died in Tuesday's assault by two helicopters near Afmadow, a town in a forested area close to the Kenyan border.

 

Mohamed Mahmud Burale told the AP by telephone that at least four civilians were killed Monday evening in Hayi, including his young son.

 

 

"A foolish man may be known by six things: Anger without cause, speech without profit, change without progress, inquiry without object, putting trust in a stranger, and mistaking foes for friends."

Arabic proverb

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Year: 2007

 

US airstrikes in southern Somalia continued over the day

 

Mogadishu, 9 January - US fighter aircraft taking off from the carrier-warship Eisenhower deployed off the Somali shores, continued attacks in southern Somalia. Somali sources report that dozens of people, most of them obviously civilians, have been killed and their livestock destroyed. Meanwhile the Pentagon acknowledged it had ordered the air raids on the south Somalian area known to be home to a tribe living on pasture and animal grooming. In press releases Interim President Abdullah Yusuf defended the US air raids claiming the US had a right to target the area after members of the local tribe refused to disclose the hideout of three alleged al-Qaeda operatives wanted by the US. Abdullah Yusuf said "the Americans are cracking down on al-Qaeda terrorists all over the world and this was part of it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this