Jabhad Posted January 10, 2007 Qarax weyn Oo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Dagaalo Xooggan oo kasocda Aagga Kulbiyow Posted to the Web Jan 09, 09:16 (Aayaha.com) Jan, 09, 07 - Warar mardhaw naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caaway uu ka dhacay qaraxweyn oo gilgiley magaalada, waxaana qaraxaas xigay rasaas iyo dagaal ay is dhaafsadeen Shacabka Soomaaliyeed ee diidan gumeysiga cusub iyo ciidamada Tigreega ee ku sugan magaalada Muqdisho. Weeararkaan ayaa waxaa uu ka dhacay aaga kilomitir afar waxayna wararku intaas ku darayaan in ku dhowaad 30 daqiiqad ay socotay is rasaaseyn. Waa markii labaad todobaad gudihiis oo ciidamada Soomaaliyeed ee xaq u dirirka ah ay weerar u geystaan ciidamada cadowga Tigreega. Illaa hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee uu gesytay weerarkan balse waxaa ay warar soo baxaya hadda sheegayaan in khasaaro nafeed oo aan la caymin uu kasoo gaarey ciidamada cadowga Itoobiya. Dhanka kale wararka ka imaanaya deegaanka Jubbooyinka ayaa sheegaya inuu maantay halkaasi ka dhacay dagaal qaraar oo u dhexeeya xooggaga xaq u dirirka Soomaaliyeed iyo ciidamada Tigreega oo ay weheliyaan damiir-laawayaal Soomaaliyeed. Dagaalkaan ayaa waxaa ay sheegayaaan dadka deegaanku in jab lixaad leh loo geystay ciidanka cadowga, ayagoo intaas ku daray inay jiraan ciidamo badan oo Tigree ah oo la hareereeyey oo illaa hadda aan la ogeyn inay isdhiibeen iyo inkale. Dhamaan dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay kadhacay hawdka Jubooyinka ayaa waxaa la xaqiijiyey in looga adkaadey ciidamada Tigreeda ee soo duulay ayadoo ay dadka reer guuraga ah ka cabanayaan ur-ka bakhtiga Tigreeda oo daadsan dhulka baadiyaha. Jabka soo gaarey ciidamada Tigreeda ayaa sababay inay u qayla dhaansadaan dowladda Maraykanka oo la rumeysan yahay inay tahay awoodda iyo maskaxdii ka dambesay dagaalka ay Tigreedu kusoo qaadday Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maraykanka oo adeegsanaya noocyada kala duwan ee diyaarada dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ee kusugan xeebaha Soomaaliya ayaa tan iyo Axaddii lasoo dhaafay waxaa uu duqeyn joogto ah kuwadaa deegaano badan oo kamid ah Jubbooyinka, waxaana illaa hadda la xaqiijiyey in ay duqeynta cirka ee Maraykanku wax yeelaysay dad shacab reer guuraa ah iyo xoolo, waxaana soo baxay warar xoojinaya in dagaalyahanada Soomaaliyeed ee xaq u dirirka ah ay ka badbaadeen duqeyntii cirka ee Maraykanka. Aayaha News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted January 10, 2007 Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye. W. T. Cumar Nabaddoon Posted to the Web Jan 09, 12:44 Tixdaan gabayga ah waxay tilmaan cad ka bixineysaa heerka dadnima-xumada Soomaalidu gaartay. Iyagoo isdaawanaya ayey dunida deg deg uga suuli doonaan, eeddana bilow iyo dhammaad iyagaa iska leh. Qofkii gacantiisa isku gowraca cidna looma qisaaso(Cumar Nabaddoon 2007). Dad qabiil Ilaahood yahaan qiilba loo heline Quraankiyo Sunnada ay bartaan kuma qashuucaane Qalbigaa engegan oo malaha qiiro iyo dhiige Quful baa ku jaban dhagaha oo waa qam maqalkiiye Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye Qarannimadu waa wadajirkoo lagu quwoobaaye Haddii qoloba qoladiinna kale malag u qooleyso Oo cadow quruun dhaarsanaa hawl u qabanayso Kolley qaylodhaan iyo mashxarad qoomamaa xigiye Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye Qorigii Darwiishkee kufriga qiiqa uga keenay Qaarkiin waxaad uga hadheen waa qabiil kale’e Qarni iyo sannado baad xumihi weli qufaysaane Maantana Shariif qiima laad gaal u qabateene Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye Qalbigaan ka ooyaa sidaad wax u qorsheyseene Qofkii iga danbeeyaa waa ogaan waxaan ka qiiroone Qalqaalada waxaad ugu jirtaan qurun Amxaaraaye Tigree qolof le weeyaan kuwaan qoosha kuu suraye Qabrigiin dun Soomaaliyeey qoon xun baa tahaye Wixii qaari kaaruhu ku dilay quraca hoostiisa Diyaaraad qummaatiga u kaca baaska qabadsiiyey Sidii qadowga geedaha wixii ruux qombabay yaallay Wixii Qamar hagoogilan Tigree qori ku jeexaayey Ama qoys gablamay iyo agoon jiifka qaban weydey Qaarkiin bishaarey u tahay lagu qaboobaaye Oo qaran qabiil lagu sidkaad quud ka sugataane Qabrigiin dun Soomaaliyeey quus ayaad tahaye Dagaal qaawan waa dhici jiriyo qaran la maagaaye Qawleysatadu waa jirtiyo dhuuni qaatuhuye Hayeeshee dad wada qaaddan baan qaadan waanada’e Qof yar iyo qof weyn waxaad tihiin qolofti meygaage Qashar dhuuxi laga miirtay baa qiimo kaa badane Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye Qeyrkood ka hare iga Walloo waana loo qoraye Qaaraddii madoobeyd malaha qaran sidoodaahe Oo qosyba qoyskii xiguu mool u qodayaaye Qaybiyoo u tali baa iyana loogu qiil dayaye Qorshahana waxaa loo igmaday qolo Wayaanaahe Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye Qabrigood dun Soomaalidii waa la quursadaye Dhammaad Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted January 10, 2007 "Wixii qaari kaaruhu ku dilay quraca hoostiisa Diyaaraad qummaatiga u kaca baaska qabadsiiyey Sidii qadowga geedaha wixii ruux qombabay yaallay Wixii Qamar hagoogilan Tigree qori ku jeexaayey Ama qoys gablamay iyo agoon jiifka qaban weydey Qaarkiin bishaarey u tahay lagu qaboobaaye Oo qaran qabiil lagu sidkaad quud ka sugataane Qabrigiin dun Soomaaliyeey quus ayaad tahaye" Abdulahi-Ahmaar said today"America has the right to hunt down and air bombard wherever those who were responsible for bombing its embassies in East Africa are staying or hiding," AP[American propoganda machine]reports:A Somali lawmaker said 31 civilians, including a newlywed couple, died in Tuesday's assault by two helicopters near Afmadow, a town in a forested area close to the Kenyan border. Mohamed Mahmud Burale told the AP by telephone that at least four civilians were killed Monday evening in Hayi, including his young son. "A foolish man may be known by six things: Anger without cause, speech without profit, change without progress, inquiry without object, putting trust in a stranger, and mistaking foes for friends." Arabic proverb Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted January 10, 2007 Year: 2007 US airstrikes in southern Somalia continued over the day Mogadishu, 9 January - US fighter aircraft taking off from the carrier-warship Eisenhower deployed off the Somali shores, continued attacks in southern Somalia. Somali sources report that dozens of people, most of them obviously civilians, have been killed and their livestock destroyed. Meanwhile the Pentagon acknowledged it had ordered the air raids on the south Somalian area known to be home to a tribe living on pasture and animal grooming. In press releases Interim President Abdullah Yusuf defended the US air raids claiming the US had a right to target the area after members of the local tribe refused to disclose the hideout of three alleged al-Qaeda operatives wanted by the US. Abdullah Yusuf said "the Americans are cracking down on al-Qaeda terrorists all over the world and this was part of it. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wisdom_Seeker Posted January 10, 2007 He is the terrorists, does he wish to obey the Americans forever, or will he ever be a man and stand for himself so America could lynch him like Saddam. Quote Share this post Link to post Share on other sites