Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Dekedda iyo garoonka

Recommended Posts

Maxaad kala socotaa halka ay ku baxaan Daqliga ka soo xarooda dekeda iyo garoonka Muqdisho?

 

Warbixin xasaasi ah oo ay soo saareen gudiga kormeerka illaha dhaqaalaha

 

[Waxaaa inoo suura-gashay inaan helno nuqul ka mid ah

 

Dukumiinti uu soo diyaariyey Gudiga kormeerka Ilaha Dhaqaalaha oo ka socdey Golaha Xukuumada Dukumiintigaan ayaa ku xusnaa taariikhada ah Juun 17/2007 wuxuuna u qornaa sidatan.]

 

Ku: Ra’iisul Wasaaraha XFKMG.

 

Ujeedo: warbixinta gudiga Kormeerka Ilaha Dhaqaalaha.

 

Mudane Ra’iisul Wasaare, Mudanayaal sidaad ula socotaan waxaa gudiga loo magacabey 2-Juun, 2007 Gudigaas oo ka koobnaa shan xubnood ee Golaha Xukuumada ka mid ah ayadoo loo xilsaarey inay kormeeraan Dekada Xamar iyo Garoonka Dayuuradaha, warbixina ka keenaan.

 

Kormeerkaas oo saldhigiisu yahay sidii loo heli lahaa Dakhli ku salaysan Miisaaniyada Golaha Wasiiradu u qoondeeyeen Bisha Juun 2007.

 

Mudane Ra’isul Wasaare iyo Mudanayaal Gudigu wuxuu ka bilaabey Kormeerkiisa Garoonka Diyaaradaha iyo Dekada weyn ee Muqdisho isagoo eegay qaabka guud ee ay wax u socdaan lana kulmey Mas’uuliyiinta goobahaas shaqo.

 

DEKADDA

 

Dekadda Muqdisho markaan kormeer ku sameyney islamarkaana aan la kulaney Mas’uuliyiintii goobaha shaqada warbixina ka dhageysaney waxaa noo soo baxey.

 

1) In Dukumiintiga lagu qaado lacagta ay sameysteen Maamulka Dekedda islamarkaana aaney ka diiwaan gashaneyn Xafiiska Xisaabiyahay Guud ee Dowlada, hase yeeshee ee Xafiiska Xisaabihyaha Guud ka codsadeen in loo sharciyeeyo.

 

2) Dakhliga ay qabtaan waxay u isticmaalaan kharashka Dekadda iyagoo gudiga u sheegey in kharashoodu uu ka badan yahay Dakhliga soo gala.

 

3) Shaqaalaha Dekaddu waa 82-Qof, badankooduna Gudiga shaqo qorista Qaranka kama sharciyeysna.

 

4) Ilihii ay Dekaddu Dhaqaalaha ka heli jirtey sida Bakhaarada, Wiishashka,Taagagga IWM ma haystaan.

 

KASTAMKA DEKADDA

 

1) Dokomiintiga ay Canshuurta ku qabtaan ayaga ayaa sameystey waxayse ka diiwaan geliyeen Xafiiska Xisaabiyahaya Guud.

 

2) Dakhliga yar oo ay qabtaan waxay geeyaan Bangigga Dhexe ee Dowlada.

 

3) Waxaa wali socota in Deyn lagu leeyahay wax lagu Canshuuro iyadoo uu jiro go’aan Golaha Wasiirada oo arrintaasi lagu mamnuucayo.

 

4) Shaqaalaha Kastamku waa 35-Qof, badankooduna sooma marin Nidaamkii Shaqo Qorista.

 

5) Canshuuruhu ma laha Nidaam sax ah oo lagu Canshuuro badeecada soo degta.

 

6) Waxaa badeecada lagu Canshuuraa si duuduub ah.

 

CIIDANKA ILAALINTA CANSHUURAHA DEKADDA

 

1) Ciidankani ma haystaan wax sharci Canshuuro ah oo ay wax ku ilaaliyaan.

 

2) Lama tuso Waraaqaha maanifeeska oo cadeynaya badeecada ay Maraakiibta iyo Doonyuhu sidaan, iyadoo ay Ciidanka ilaalinta Canshuuruhu sharci u leeyihiin iney Maraakiibta iyo Doonyaha fuulaan markay yimaadaan si ay u ogaadaan badeecadaha ay sitaan.

 

3) Cidaanka ilaalinta Canshuuruhu ma qaataan Mushaar iyo Guno midna.

 

4) Inkasta oo aaney jirin wax dhib ah oo hada ka jira Dekadda, hadana waxay u baahan tahay in la muujiyo taxadar dheeraad ah.

 

KASTAMKA GAROONKA DIYAARADAHA

 

Gudigu wuxuu ka ogaadey Kastamka Garoonka diyaaradaha:

 

1) Waxaa ka soo dega kaargo ay Diyaarada Jubba keento waxaana loo Canshuuraa si duuduub ah.

 

2) Lacagta waxay ku qaadaan Dokumenti la soo mariyey Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowlada.

 

3) Waxaa lacagta yar oo ay qabtaan lagu xareeyaa Bangiga Dhexe.

 

LAANTA SOCDAALKA EE GAROONKA DIYAARADAHA

 

Guddigu waxay ka ******** Laanta Socdaalka ee Garoonka:

 

1) Dokumeenti ay sameysteen ayey lacagta ku qaadaan, kamana diiwaan gashana Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

 

2) Lacagta waxaa loo dhiibaa Agaasimaha Laanta socdaalka, Bangigana laguma xareeyo.

 

3)
Baasaboorrada Ajnabiga waxaa laga qaadaa $50 midkiiba
. [soomaalida wadato baasabooradaas ku jirto. It both landing and departing, so it is $100.]

 

4) Baasaboorradii cusbaa wax lacag ah oo ka soo xarootey ma jiraan.

 

LAANTA DUULISTA IYO SAADAASHA HAWADDA

 

Gudigu wuxuu ka ogaadey:

 

1) Waxay lacagta ku qaadaan dokumeenti ay sameysteen, kamana diiwaan gashana Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

 

2) Lacagta ay qabteen qayb waxay u isticmaaleen dayctir Garoon iyo Xafiisyo, qaybna waa haystaan.

 

CIIDANKA ILAALINTA CANSHUURAHA GAROONKA:

 

1) Ciidankani ma haystaan wax sharci canshuuro ah oo ay wax ku ilaaliyaan.

 

2) Inkasta oo aaney jirin wax dhib ah oo hada ka jira Garoonka, haddana waxay u baahan tahay in la muujiyo taxaddar dheeraad ah.

 

TALO SOO JEEDIN:

 

Guddigu wuxuu soo jeedinayaa talooyinka hoos ku qoran si qaladaaddka jira wax looga qabto, loona helo ku talagalka miisaaniyadda:

 

1) Guddigu wuxuu soo ogaadey in ku talagalkii miisaaniyaddu uu yahay mid aan soo baxeyn, iyadoon lagu dhaqmin go’aankii Golaha Wasiirada.

 

2) In wasaaradaha iyo hay’adaha dhaqaalaha sida:

 

A) Wasaaradda Maaliyadda.

 

B) Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dekaddaha.

 

C) Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

 

D) Laanta socdaalka iyo wixii la mid ah.

 

Lacagaha ay qabtaan waa iney si toos ah ugu soo shubaan Bangigga Dhexe ee Dowlada maalin kasta, iyadoo la dhaqan gelinayo go’aankii Golaha wasiiradda oo ku saabsanaa soo xareynta dakhliga una hogaansmaan shuruucda maamulka lacagta Dalka.

 

3) In la sameeyo sharcigii canshuuraha iyo khidmadaha Dalka oo mideysan.

 

4) In ciidanka ilaalinta canshuuraha si buuxda loo hawlgeliyo lana dhiso tayadooda si loo sugo nabadgelyada Dekedda iyo Garoonka.

 

5) In shaqaalaha uruurinta canshuuruhu ay noqdaan shaqaalo rasmi ah, aqoon, karti iyo waayo aragnimo u leh shaqada canshuuraha.

 

6) In Xisaabiyaha guud iyo hanti dhowrku ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta hantida qaranka.

 

7) In la joojiyo deynta wax lagu canshuuro iyadoo la fulinayo go’aankii Golaha wasiiradda.

 

8) In wasaaraduhu joojiyaan lacagta laga qaado baabuurta xamuulka ee shacabku leeyahay lacagtaas oo looga qaado Dekedda irideeda iyo wadooyinka soo gala Muqdisho dowladdana aan loo xareyn.

 

9)- In la horkeeno Golaha wasiirada deynta dowladda lagu leeyahay iyo inta ilaa iyo hada la bixiyey.

 

10) In Bakhaarada Dekedda oo wax yar u baahan si deg deg ah loo dayactiro.

 

11) In shaqaalaha Dekedda iyo Garoonka ka shaqeeyaq loo sameeyo calaamado lagu garto si loo sugo nabadgelyada goobahaas shaqo.

 

12) In la magacaabo Guddi golaha wasiiradda ah ee dabagal ku sameeya fulinta Go’aamada Golaha wasiiradda ee la xiriira hirgelinta qorshaha dakhliga dowladda.

 

Talo soo jeedin la xiriirta kulankii Golaha wasiiraddu la yeeshey hawl-wadeenada dowladda.

 

Date: 27/06/07

 

Kadib kulankii golaha wasiiraddu la yeeshey hawl-wadeenada iyo hay’adaha kale waxaan soo jeedineynaa talooyinka soo socda:

 

1) In wasaaraddaha iyo hay’adaha lacagaha qabta ay ku qaadaan warqada lacag qabashada ee soo marta Xisaabiyaha guuda oo kali ah.

 

2) In warqada lacag qabashada sharciga lagu saleeyo taasoo oo ay wasaaradda maaliyadda iyo xisaabiyaha guud mid walba sheegtey inuu isagu leeyahay daabacaadeeda iyo keydinteeda.

 

3) In lacagta ah Sh.Soomaaliga cusub ee timaada iyo canshuurta Jaadka laga qaado wasaaradda maaliyaddu warbixin ka keento.

 

4) In meel la saaro khidmadii tikityadda diyaaradaha ee horey loo go’aamiyey meesha ay mareyso.

 

5) In iyadoo la tixgelinayo dakhliga gobolka Banaadir oo soo wanaagsanaanaya, hada goluhu isweydiiyo in qoondadii hore ee ahayd 20% wax laga bedelo.

 

6) In wasaaradda gaadiidka badda oo dakhli laga sugaayey wada shaqeyn la’aanta madaxdeeda xal loo helo.

 

------------

 

Poor guddi haddeeba aaminsanyihiin waxaas in la sameynaayo, oo lagu dhaqmi doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this