Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Interview with ismacil hurre buuba.

Recommended Posts

u_2d_2009-5-31-15-21-9f_CAIVKDAN.jpg Waraysi xiisa badan oo lala yeeshay Xildhibaan Ismaaciil Buubbaa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Somaliland

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

 

 

(Ismaaciil Buubaa)

hadhwanaag 2009-05-31 (Hadhwanaagnews) Narobi(HWN):-Ismaaci il Maxamuud Hurre Buubbaa,oo ka tirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya,isla markaana ka mid ah Xubnaha reer Somaliland ee aamminsan Siyaasadda Soomaaliya,ayaa sheegay in rabitaanka Shacabka Somaliland yahay mid tixgalintiisa mudan,waxaanu ugu baaqay si loo tixgaliyo rabitaankooda gooni-isutaaga ay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka iyo naad la’aanta ka jira Koonfurta Soomaaliya.

 

Xildhibaan Ismaaciil Buubbaa, oo wakhtigan jooga Magaaladda Nayrobi ee xarunta dalka Kiiniya, ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay TV-ga Afka Soomaaliga ku hadla ee ETN,waxa uu ku sheegay, in ay isaga iyo Xildhibaano kale wadaan qorshe lagu hagaajinayo Somaliland iyo Puntland, ka dib markii ay ula muuqatay xalka dalka Soomaaliya loo raadinayo in ay ka qaybqaadan karaan labadaasi Maamul ee ka ka go’ay dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.

 

“Meelo Somaliland ka mid tahay oo Puntland ka mid tahay ayaanu ka nimi, si dadka noloshooda wax looga bedalo oo Xamar waxyaabaha ka jirana wax looga qabto, wixii dhibaato dhalinayana waa in laga dheeraadaa.” Sidaa ayuu yidhi Xidlhibaan Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa.

 

Ismaaciil Buubbaa oo ka jawaabayay, su’aal laga waydiiyay, haddii ay yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland iyo Puntland ay dibada ka joogayaan xalinta dhibaatooyinka Xamar ka tagaan,waxa uu yidhi,“Maya.maya.may a,waayo Xildhibaanada halkan joogaa maaha uun reer Somaliland iyo reer Puntland badidoodu waxay ku jiraan wadanka Soomaaliya gudihiisa, lixdayadan Xildhibaan ee reer Puntland iyo Somaliland waxaanu soo qaadnay xalka maanta la raadinayo, waxaana noo muuqatay raadintiisu inaanay ahayn mid laga heli karo Xamar oo kaliya, balse wadanka oo dhan laga raadiyo.”

 

Mar la waydiiyay in Xildhibaanadu ay yihiin dadkii loo doortay inay dib-u-heshiisiin iyo xal nabadeed dalka u horseedi lahaa, taasna ay weli umaddu uga fadhido, waxa uu yidhi, “Xalku waa mid kaamil ah ee mid kala googo’an maaha ee, xalka la doonayaa waxa weeye mid wadanka oo dhan u cuntama, Somaliland iyo Puntland waa meelo degan, iyagu wax bay ka qaban karaan dhibaatooyinka Muqdisho ka taagan, dhibaatada Xamar ka taagani haddii aanay istaagin waxa lagayaabaa inay Somaliland iyo Puntland u guurto. Markaa xal waxaanu u aragnaa inay dan u tahay Somaliland,inay dan u tahay Puntland xal in ay u raadiyaan Xamar dhibaatada ka socota. Laakiin xalkaasi ma imanayaa haddii aan dadkii Puntland iyo Somaliland joogay wax loo qaban.”

 

“Wax ka qabashada koonfur iyo dhibaatada gobolada dhexe ee Soomaaliya ka taagan marka 1-aad waa in laga shaqeeyaa inaanay dhibaatadaasi u gudbin xagga Waqooyiga. 2 dadka Soomaaliyeed ee koonfurta iyo badhtamaha wadanka jooga ee dhibaatadu haysato, haddii deganaanshaha Somaliland iyo Puntland noqdo mid leh awood ikhtiyaari ah mabay ka soo noqdeen. Laakiin marka aan halkaasna waxba loo qaban, halkii kalena dhibaato ka jirto eegasho ma leh. Sidaa darteed, ayaanu u aragnaa hagaajinta Puntland iyo Somaliland inay xal keenayso..…” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi Xildhibaanku.

 

Waxaanu Ismaaciil Buubbaa oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi, “Haddii maanta ikhtiyaarka Hargeysa yaala ama Garoowe yaalaa uu mid wanaagsan ahaan lahaa dadku halkaas ayay u shaqo tagi lahaayeen, laakiin taasi ma jirto, halkanna dagaal baa ragaadiyay iyo dhibaato, halkaana arrin xumo iyo Ganacsi xumo iyo waxaas ayaa ragaadiyay. Dhalinyarada Badda isku daadinaysa maaha koonfur oo kaliya, ee waa dhalinyaro Puntland ka baxaysa, waa dhalinyaro Somaliland ka baxaysa, markaa dalka dhibaatadiisu way is haysataa.”

 

Sidoo kale, Ismaaciil mar uu ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay aragtidiisa ku wajahan gooni-isutaaga Somaliland iyo aqoonsiga ay beesha caalamka ka raadinayso, waxa uu yidhi, “Arrintaasi waa arrin rabitaan, dadka reer Somaliland badankoodu waxay u taagan yihiin Somaliland gooni-isutaagta, taasi waa rabitaankii, laakiin weli lama helin. Maamulkii wuu jiraa, Somaliland wexeeda gaar bay u maamulataa, laakiin weli dunida aqoonsi kamay helin. In Somaliland gadoonto anagu dooni mayno, dadka Somaliland-na dan uma aha, Soomaaliyana dan uma aha gadoon. Somaliland waxay doonaysaa inay go’do, laakiin wixii ay ka go’I lahayd ma jiraan.”

 

Mr. Buubbaa, oo jawaabtiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Waxa weeye kolka ay jirto dawlad ayaa la wada fadhiisan karaa, oo la odhan karaa aan kala tango oo la wadahadli karaa. Laakiin Koonfurtii wax dawlad ah oo maanta jirta, oo lala fadhiisan karo oo Somaliland wadahadal la gali kartaa ma jirto, ee dawlad dhis ayaa lagaga jiraa.

 

Ilaa 2000 dhisme ayaa lagu jiray, waa 9 sannadood, sagaalkaa sanadoodna waxaynu ku jirnay dawlad ku meelgaadh ah, welina dawladddii dastooriga ahayd ee la rabay looma gudbin.”

 

“Kolkii hore waxa dadka reer Somaliland dareenkoodu ahaa Koonfur wixii aanu xaq u lahayn kamaanu helin, imikana waxa taagan haddii Xukuumadi u dhisan tahay, ileen dadkani waa Soomaali, ee Ingiriis maaha, Anigu waxaan ka mid ahaa dawlad Soomaaliyeed oo dhexe hala taago, dabadeedna wadahal hala galo, mishkiladda taagani waxa weeye dawladdii dhexe ee aanu islahayn ha timaaddo ma imanayso. Markaa Somaliland ma sidaas ayuun baa lagu sii haynayaa?”

 

“Aniga waxay ila tahay in taa wax iska bedalaan oo dhinaca Somaliland-na aqoonsato dhinaca Koonfurta, dadka Koonfur joogaana ay aqoonsadaan Somaliland Xukuumadda ay leedahay gooni ayaan isula taagayaa in ay noqon karto mid wax u tari karta, oo dalku dawlad Soomaaliyeed oo dhisan oo wax qaban karta ay ka iman karto.”

 

“Tusaale ahaan Jabuuti soo dawlad Soomaaliyeed maaha, cidda ugu hawlbadan ee doonaysa in wax laga qabto wadanka soo Jabuuti maaha. Somaliland-na sidaas iyo si ka sii culus ayay isugu hawlin lahayd. Kolkaa waxa weeyaan rabitaanka dadka Somaliland jooga in laga horyimaaddo maaha, dadka Somaliland joogaana inay fahmaan in rabitaankoodu wax noqon karaa kolkay dhibaatada koonfur ka taagan wax ka qabtaan.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ismaaciil Maxamuud Horre Buubbaa.

 

Ismaaciil Buubbaa, oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay, in Hargeysa oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo tagayo iyo in kale, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi, “Lama huraan waa Caws Jiilaal, horta reer Somaliland ayaan ahay, siyaasadda Soomaaliyana waan aaminsanahay, haddii aanu siyaasadda ka baxno waanu tagaynaa Somaliland, waayo nin waliba gurigiisa marka uu doono ayuu tagaa.”

 

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

Hadhwanaagnews.com/O ffice

Hargeysa/Somaliand

E-mail.mrmursal@gmai l.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Unlike Jamac Yare and others Buubaa is true Somalilander. He was one of the founders of SNM as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

u_2d_2009-5-31-15-21-9f_CAIVKDAN.jpg
Waraysi xiisa badan oo lala yeeshay Xildhibaan Ismaaciil Buubbaa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Somaliland

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

 

 

(Ilaa 2000 dhisme ayaa lagu jiray, waa 9 sannadood, sagaalkaa sanadoodna waxaynu ku jirnay dawlad ku meelgaadh ah, welina dawladddii dastooriga ahayd ee la rabay looma gudbin.”

 

“Kolkii hore waxa dadka reer Somaliland dareenkoodu ahaa Koonfur wixii aanu xaq u lahayn kamaanu helin, imikana waxa taagan haddii Xukuumadi u dhisan tahay, ileen dadkani waa Soomaali, ee Ingiriis maaha, Anigu waxaan ka mid ahaa dawlad Soomaaliyeed oo dhexe hala taago, dabadeedna wadahal hala galo, mishkiladda taagani waxa weeye dawladdii dhexe ee aanu islahayn ha timaaddo ma imanayso. Markaa Somaliland ma sidaas ayuun baa lagu sii haynayaa?”

 

“Aniga waxay ila tahay in taa wax iska bedalaan oo dhinaca Somaliland-na aqoonsato dhinaca Koonfurta, dadka Koonfur joogaana ay aqoonsadaan Somaliland Xukuumadda ay leedahay gooni ayaan isula taagayaa in ay noqon karto mid wax u tari karta, oo dalku dawlad Soomaaliyeed oo dhisan oo wax qaban karta ay ka iman karto.”

 

“Tusaale ahaan Jabuuti soo dawlad Soomaaliyeed maaha, cidda ugu hawlbadan ee doonaysa in wax laga qabto wadanka soo Jabuuti maaha. Somaliland-na sidaas iyo si ka sii culus ayay isugu hawlin lahayd. Kolkaa waxa weeyaan rabitaanka dadka Somaliland jooga in laga horyimaaddo maaha, dadka Somaliland joogaana inay fahmaan in rabitaankoodu wax noqon karaa kolkay dhibaatada koonfur ka taagan wax ka qabtaan.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ismaaciil Maxamuud Horre Buubbaa.

 

Very inteligent prespective.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ismail Buuba waxaan ka quustay kolku british TV iska soo xadiriyay waagi afgambigi maxkamadaha isago red poppy-ga, ka turjuma tageero loo muujiniyo britishki ka qeyb galey dagaalki dunida ee dambe, u suran yahay shaatiga.

 

"Ha la iska dhiciyo xadjirtan", waa nuxurka warkiisi waaggaasi c. Yusuf Amxaarka noo soo hogaamiyey ee shariicadi la rabay in la afgambiyo; xiita ki waraysanayay ee gaalka yaa ku kari la'aa u qir amniga ay soo celiyeen maxkamadihii horee!

 

Hase yeeshe hadalkan wuu quman yahay:

"Tusaale ahaan Jabuuti soo dawlad Soomaaliyeed maaha, cidda ugu hawlbadan ee doonaysa in wax laga qabto wadanka soo Jabuuti maaha. Somaliland-na sidaas iyo si ka sii culus ayay isugu hawlin lahayd".

Ka soo kow amniga iyo ganacsiga naga dhexeeya koonfurta, waxaa waali cad ah ha la ictiraafo laakiin ma i khusayso arrimaha dadkii aan ka heli lahaa!

 

Marka, midnimadu haday ka dhabtahay waa inuu taageero Sh Sharif iyo Sharricada Soomaalida ka dhexeysa...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Waaryaa, don't waste your time with all this Somali unity BS. He spoke the thruth about Somaliland NOW and he spoke the thruth about so-called makamadaha then.

 

He was part of the TFG, what did you expect him to say? Garnted, yey was dead wrong in using Axmaaro to fight his war but I don't the think the fake wadaads were the answer, never has been and never will.

 

They're in power now and the war is still going on. Now what.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ADNAAN   

Imagine if he was still the foreign minster of yeey and they ruled all of Somalia, I reckon he would have had a different take on this matter.

 

The way I see it, Jaamac Yare and Sifir are both men of principle in comparison with Buubaa. In particular jaamac yare has far more integrity than a lot of politicians in s/land today judging by his opposition to abdullahi yusuuf and the fact that he actually believes in s.weyn and sticks to it unlike buubaa says a lot about the guy.

 

Buubaabana is a typical nomad who is always looking for a greener pasture, for him, the south offers nothing today hence this interview..nin aan aqaaney wuxu odhan lahaa waa diinal al-fuluus..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

I don't feel the same way about him after reading that pathetaic interwiew he gave to Ogaal News Paper.

 

I really don't trust his intention, at least not in this particular issue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this