Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Mogadisho Yaa Maamuli Doona?. A wishfull thinking.

Recommended Posts

Mogadisho Yaa Maamuli Doona?.

By Gendisch May 2005

 

 

 

 

 

 

Waxaa lagu tilmaamaa magaalada muqdisho , magaalooyinka ugu bilicda san ee geeska afrika, waxaa ay caan ku tahay soo dhowaysnta iyo nabadgelyada waqti kasta oo aad socoto. Waxaa dadkeeda iyo ganacsigaba aad moodaa mid ugub ah oo aan hore loo isticmaalin. Waxaa a ay caan ku tahay jabnaanta nolosha, custada, farshaxanka, dalxiiska, dadka u jibaysan soo dhawaeynta martida oo ay u leeyhiin dhaqan, sidaa waxaa yiri Mike Allcock oo ka tirsanaa ciidamada ingiriska ee shaqo u yimid muqdisho sanakii 1947 bishii maarso isagoo ka tirsan British East African command, waxaa maanta shaki ugu jirin soomali meel ay joogtaba in caksiguu ruu run yahay oo magaalada muqdisho inteeda badan wixii lagu yiqiin aanay wali wax sidaasi ahi ka danbeyn balse ay suurto gal tahay in dib loo soo celiyo barisamaadkii magaalada muqdishow.

 

Tan markii la dhisay dowlad fedraalka ah waxaa lagu mashquulsanaa sida muqdisho oo ah wadnihii qaranka ama tiirkii nolosha ee soomalida dib loogu soo calin lahaa iyadoo xildhibaanada baarlamaanka Qaar ka mid ah iyo hogaamiyeyaasha reer muqdisho u duubteen sidii ay arintan uga dhabayn lahaayeen. Waxaa aan shaki ku jirin in ay jiraan dano gaar ah oo isha lagu wada hayo oo la doonayo in la is waafajiyo nabad ku soo celinteeda iyo u samaynta maamul lagu wada kalsoon yahay. Kaasoo waafaqsan sharciga dalku degsaday ee federaalka ah . iyo mid loogu tala galay in muqdisho logu maamulo oo loo baahana tahay in la isla meel dhigo intaa aan lagu boodin mgaacaabid aan wax badan samaynayn iyo anigaa hebel magaacaabay oo xaq u leh wax la mid ah. Taasoo Keeni karta isk hor imaad iyo isfaham la’aan hor leh saamaysana reeraha muqdisho ku wada nool.

 

Sideedaba marka wax la sameeynayo waxaa wanaagsan in sharciga qaranka la waafajiyo sidaas darteed ayaa waxaa ay noqotay in aan dib u fiirino waxaa uu ka leeyahay dastuurka qaranka ee federaalka ee ku meelgaarka ah dhismaha iyo maamulka magaalo madaxda soomaaliyeed ee muqdisho. Axadigu waxaa uu leeyahay Qodobkiisa 7.2 ee magaalo madaxda : Caasimadu waxay yeelan doontaa maqaam gaar ah, waxaana lagu maamuli doonaa sharci gaar ah,Xukumda federaalku waxaa u banan in ay xarun ka dhigato magaalo kale inta nabadgelyada laga sugayo hadii aysan qodobka axdiga ka hor imaanaynin. Arintaan hadii aan faahfaahin ka bixino waxaa waaye caasimada waxaa lagu maamuli doonaa sharci gooni ah oo la dajiyo lagana ansixiyo golaha shacabka ee dowlada federaalka ah. Waana laga bedeli karaa caasimada muqdisho , iyadoo loo rarayo meel kale hadii nabadgelyadu xun tahay tasoo iyadana laga rabo in golaha shacabku ogolaado.

 

Sida kor ka muuqata marna hay’ada fulintu marna meel ugama banaana in ay iyadu dhisto ama magacaawdo maamulkii magaala madaxada. Sida Duqa magaalada , taliya booliska ee magaalada iyo maxakamda midna. Sidaas darteed hadii sharciga la raacayo waxaa cad in aanay . Raisal wasaaraha iyo madaxwaynuhuba midkoodna aanay awood siyaasadeed u lahayn in ay magaacaabaan howladeenada magaala madaxada, ee looga baahan yahay reer muqdisho in ay sameeystaan sharcigii lagu maamuli lahaa magaalaa madaxda ,hadii laga yeelana in federalku dhisana ay tahay ku tumasho sharcigii qaranku samaystahay. Waxaan doonayaa maqaalkan inaan ku soo ban dhigo laba arimood oo aad muhiim u ah, oo loo baahan yahay in la isla meel dhigo inta lagu jiro hagaajinta amaanka magaalada muqdisho kuwaas oo kale

 

Sida loo dhisi karo maamal Sal leh loo sameeyo magaalada muqdisho, Tasoo loo baahan yahay in aad looga taxadaro oo aan noqon mid lagu degdego

 

Sidii laga yeeli lahaa inta laga dhisayo maamulkas Loo wada dhan yahay ee isaga ah.

 

Marka ugu horeeysa magaalada madaxdu waxaa ay soo martay maamulo kale duwan tan iyo maalintii la qaatay xornimada mudo haatan laga joogo 45 shan sano, kuwaas oo ku salaysnaa awooda xooga badan ee dowlada dhexe oo iyadu magacaawda maamulkeeda . hada soomali waxaa ay qaadatay federalism taasoo awooda dhexe ee dowaladu mid aan xoog badnayan ( decentralization ) , Sidaas darteed dhismaha iyo awoodaba Magaala madaxda lo loo daayey dadka degan magaalada ama gobolada dalka . waxaan soo jeedin laha in magaalada muqdisho loo samayeeyo hab dowladeedka loo yaqaano Magaalo-gudigu maamulo ( City Council government).

 

 

 

Dowlada Magaalo madaxda Muqdisho .

 

Waxaa ay reer muqdisho dhisanayaan dowlad leh , sedexdii qaybood ee dowlad lagu yiqiin, kuwaas ah kuwo wax ku maamula wada tashi iyo goaan ay ka muuqdaan dadka metalayaa reer muqdisho una wada dhan yihiin tassoo aanay meelna uga banaanyn in dowladu federalku fara geliso , kuwass oo u qaybsanaanaya Aqalka odayaasha ama guurtida ( City council or commisioners ) oo ah Xubinta sharci dejinta ee magaalada , Duqa Magaalada iyo Maamulihiisa oo ah xubinta fulinta iyo Maxkamada sare ee magaalo madaxda .

 

 

 

Golaha Guurtida Muqdisho ( GGM)

 

(Legislative branch of local government)

 

Golaha guurtida muqdisho waa xubinta sharci dejinta maamulka magaalada muqdisho, waxaan ay ka koobnaan karaan 27 xubnood oo 2 dii ka mid ah laga soo doortay 13 tobankii degmo( thirteen districts of magadishu ) ee muqdisho afartii sano mar. isku geytiiduna tahay 26. iyadoo halka soo harayna lagu maamusi karaa qof loo garto oo wax badan ku biiriyey horeumarka gobolaka banaadir.

 

1. Kadib marka la soo xulo golaha guurtida waaxaa ay dooranyaan gudoomiya Golaha Guurtida ee Magaalo madaxsa ( Chairperson ), waxaa ay dajinyaan shacigii lagu maamulyey magaalada muqdisho oo noqonaya xeerka maamulka magaala madaxda soomaliyeed ee muqdisho..

 

2 . Guurtada magaalada muqdisho waxaa ay noqon doonaan kuwo loo qaybsado sida loo degan yahay xamar maanta iyadoo tixgalin la sii karo taariikhii hore.

 

3. Golaha guurtidu iyagaa doorta duqa magaalada waxaa kaliya oo laga soo dhex dooran karaa golaha guurtida muqdisho si sharciga waafaqsan.

 

4. Golaha guurtidu iyagaa shaqada ka eryi kara duqa magaalada ama bedeli kara sharci hoosaadka lagu dhaqayo magaalada .

 

5. Golaha guurtada muqdisho iyagaa laga rabaa in ay ogolaadaan agendaha lagu dhaqaynayo ee magaalada. Sida sharciyada dhul bixinta kuwa miisaaniyada iyo sida loo qarash gareeyo sanad kasta.

 

6. Golaga guurtida waxaa ay ogolaadaan ama diidaan maamulaha magaalada Muqdisho( City manager ) iyo taliyaha Poliska kadib marka uu magacaabo Duqa magaaladu.

 

 

 

B. Duqa Magaalada Muqdisho-DMM

 

(Executive branch of local government)

 

Duqa magaalada muqdisho Waa madaxa haya’ada fulinta ee ee muqdisho waxaa laga soo dhex dooran karaa Golaha guurtida ee muqdisho oo kaliya si sharciga magaalada waafaqsan.waa in uu ahaado Soomali degan muqdisho afartii sano ee u danbeeysay , afartan sano jira , wax danbi hore u gelin etc.

 

Madaxa dowlada ee hayada fulinta ee magaalda magacaaba sedexda xubnood ee guduga maamulka magaalada sida , Maamaulaha magaalda (city manager ) taliyaha qaybta poliska ee magaalada ama nabadgelyada , iyo qareenka magalada .

 

Waxaa laga soo xulayaa Golaha guurtida marka hore, maadama aan wooto al gelin Karin ( vote) kadina waxaa la dooran karaa afartii sano hal mar

 

Duqa lama dooran karo wax ka badan labo goor ( wadarta sideed sanadood )

 

Waxa uu u soo xulaa oo u wakiishaa maamulka , maamulaha magaalada oo ay waaxyada dowlada hoose hoose timaado (city manager) . marka duqa magaaldu magacaabo waxaa ogolaato ama diido Golha guurtida. Lama soo hor dhigi karo guurtida tartanka maamulaha wax ka badan labo goor.

 

Duqa magaalo madaxadu Waxaa sidoo kale waxaa uu doortaa taliyaha poliska Magaalo madaxda oo isagana laga rabo in guurtidu ogolaato .

 

Duqa ayaa leh oo hogaamiya hayada fulinta soo kor sheegnay hor dhigana golaha guurtida miisaniyada dowlada iyo agendaha nabadgelyada magalada .

 

Duqa ayaa masuulka ka ah kulanka hayadaha federalka ah wixii ku saabasan maamulka dowliga ah ee magaalo madaxada

 

Isagaa ku hadla magaca dowlada magaala madaxda ama u wakiisha howl fuliyaal kale.

 

C. Maxkamadaha Magaalada Muqdisho .MMM

 

( District Courts of Mogadisho)

 

Maxkamada Magaalo madaxdu waxaa ay tahay ha’ada dhowrida Sharciga ay degsadeen reer muqdisho waxaana ay noqon kartaa labo maxkmadood sida maxkamda sare( superime court of Mogadishu) iyo maxkamda racfaanka( courts of appeals). Tan hore waxaa ay tahay maxkamada xaqa u leh in ay qaado ama dhegaysato denbiya shicibka dhexdooda ah , dhaca iyo boobka, dilka , xeeraka qoyska, guryaha ( civil , criminal and administrative ) iyo maxkamada racfaanka oo dhegeysata racfaanaka laga qaato maxakamda sare ee gobolka banaadir iyo hayadaha dowliga ah ee magaalada. Waxaa ay maamushaa xeerarka qareenada magaalada.waxaa maga caabaya Duqa magaalada muqdisho waxaana ansixinaya ama diidiya Golaha guurtida sharci waafaqsan hal cod dheeri.

 

Waxaa ay ila tahay in hadii reer muqdisho isku afgartaan dhismaha dowlad loo sameeyo magaalada muqdisho ay iman doonto arin ay u aaydo jiilka hada jooga iyo kan danbe ee soo koraya. tasoo ay soo bixi doonto in dadkii tashan waaayey waqtigii dheer ay ku heshiyaan wax aan si fudud loo dumin Karin maadaama salka laga soo dhisay ( bottom up). Oo aanay fara gelin dowlada fedrealka ahi sida ay doonto ka yeeli doonin( top down). Waxaa hubaal ah ay in dowlada magaala madaxda soomaliya ay hoos iman doonaan daqliyada ka soo gala dowlada hoose dhinaca dekedaha iyo airporka ee xamar hadii federalku la wareegana waxaa uu la wareegi doonaa kuwa Kismayo , Boosaaso iyo Baydhabo intaba.

 

Waxaan shaki inooga jirin in loo baahan yahay inta laga dhisayo dowlad loo dhan yahay ee muqdisho in loo daayo xamar dowladiihii hore u jiray ee cabdiqaasim Salat dowladiisii ka tirsanaa ama loo magacaabo qof ku meel gaar ah oo howsha sii fuliya inta la dhisaayo dowlad hoose oo loo wada dhan yahay mismaheeda oo aanay federalku faragelin Karin. ( Caretaker ).

 

Waxaa loo baahan tahay in dhismaha dowladaan lagala tashado hogaamiyeyaasha muqdisho oo dhan, aqoon yahanada , culumada diinta, haweenka, maxakamdaha islaamka. Ganacsatada iyo qofkasta oo wax ku biirin karta geedi socodka dhismaha maamulka magaalada . waxaan ku boorin lahaa hadii aanay reer muuqdisho arintan ka tashan in dowlada federalku ay noqon doonto meesha kaliya ee ay ka talido si xoogan, dhaqaalaheeda sida ay doonto ka yeesho maadama reer muqdisho tashan waayeen . ninkaan tashan Karin waxaa wanaagsan in loo taliyo.Ogolaada. dhamaad

 

Waxaa diyaariyey

 

 

Hussein Abdi-karim Ahmed (Gendisch)

 

Raleigh, NC Hoss_abdi@msn.com. Bio:

 

Mr. Hussein Abdi-Karim ahmed "Gendisch" was born in Anamoog, Somalia where he spent his formative years until leaving to attend Benadir High School in Mogadishu. He pursued his college studies and earned a Bachelor's Degree of Economics, with distinction, from Somali National University, (Gahayr-Comp). He also pursued post-graduate studies in Economics at the Murray state University of Murray, Kentucky, and Public administration from North Carolina university system where he earned a Master's degree.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this