General Duke Posted August 4, 2007 Shirweynaha Dib u heshiisiinta oo u gudbay Siyaasadda iyo Dib u dhiska Dalka Written by Osman Dhayib User Rating: / 0 Friday, 03 August 2007 Shirweynaha dib u heshiisiinta qaran ayaa qaaday tallaabo weyn oo horumar leh, kadib markii maana oo Arbaco ah 1-da Ogost la soo gabagabeeyay qodobadii kala ahaa: XALINTA KHILAAFAADKA BEELAHA IYO NABADGELYADA DALKA IYO HUB DHIGISTA, waxaana shir guddoonka ku dhawaaqay in shirweynuhu u gudbay marxalada labaad oo ah: SIYAASADDA IYO DIB U DHISKA DALKA. Doodo qabyo ahaa oo madasha maanta ay ka jeediyeen xubno dhowr ah o fikirkooda ku biiriyay qaabka dalka looga sameyn karo hub dhigista ayuu guddoomiye ku xigeenka guddiga qaran ee shirweynaha Jan. C/raxmaan Cabdi Xuseen shaaca ka qaaday in shirka intii uu socday looga dooday qodobada kala ah: khilaafaadka beelaha Soomaaliyeed dhex yaallay, Hub dhigista iyo Maamul wanaagga. Jeneraalka wuxuu intaas sii raaciyay in qodobada laga dooday shirku go'aano muhiim ah ka soo saaray, wuxuuna shaaca ka qaaday go'aanadii shirweynaha qaran ka soo baxay oo kala ah: 1)In beelaha Soomaaliyeed khilaafkii u dhaxeeyay lagu dhammeeyay heshiis iyo is cafin. 2)In la isu celiyo wixii hanti ah ee muuqda. 3)In 1-da Ogost loo aqoonsado maalinta ay heshiiyeen gacantana la isu saaray beelaha Soomaaliyeed. 4)In dhammaan degaanada dhulka Soomaalida xabbad joojin guud ka dhaqan gashay laga bilaabo 1-da Ogost 2007. 5)In lagu heshiiyay hub dhigis guud oo dalka ka dhacda. 6)Waxaa laga gudbay marxaladii koowaad ee shirweynaha waxaana loo gudbay marxalada labaad oo ah: SIYAASADDA IYO DIB U DHISKA DALKA. 7)In laga bilaabo 1-da Ogost ergooyinka Beelaha ee shirweynaha Qaran ay ka gudbeen ergooyin beeleed una gudbeen ergooyin Qaran. Qodobadan muhiimka ah ee ka soo baxay shirweynaha Qaran ee dib u heshiisiinta oo uu madasha ka hor akhriyay guddoomiye ku xigeenka guddiga shirweynaha Qaran ee dib u heshiisiinta Jen. C/raxmaan Cabdi`Xuseen waxaa si diiran u soo dhoweeyay dhammaan ergooyinkii shirka oo sacab iyo reyreyn ku soo dhoweeyay, wuxuuna shirkii maanta ku soo gabagaboobay si xamaasad leh, oo guul weyni laga gaaray. Quote Share this post Link to post Share on other sites