Sign in to follow this  
Saalax

Ed Miliband oo walalkiis David Miliband kaga gulaystay doorashadii Xisbiiga Labour

Recommended Posts

Saalax   

2lvfvxv.jpg

 

Doorashadii Xisbiga Labour Party Ee Ingiriiska oo U Dhacday Si Lama filaan & yaab Ah Kadib Markii Ed Miliband uu Kaga Guuleystay Walaalkii oo Ka weyn David Miliband oo Ahaa Wasiirkii A. Dibada Ee Ingiriiska Ee Hore

 

LONDON(OWN)- Doorashadii Xisbiga Shaqaalaha Ee dalka Ingirrska ayaa waxaa ka dhacday lama filaan kadin markii Ed Miliband uu kaga guuleystay hogaaminta xisbiga walaalkiisa ka weyn isla maarkaana ahaa wasiirkii arimaha dibada ee Ingiriiska Mr.David Miliband,

 

David Miliband oo ahaa nin Siyaasi caan ah isla markaana sumcad weyn ku lahaa siyaasada dalka Ingiriiska ayaa la filayey inuu ku guuleysto hogaaminta xisbiga Shaqaalaha ama Labour Party,

 

David Miliband ayaa sheegay inuu aad uga naxay markii walaalkii u sheegay inuu kula tar tamayo hogaaminta xisbiga Shaqaalaha Bishii MAY ee sanadkan,

 

Doorasahadan oo maanta ka dhacday magaalada Manchester ayaa markii loo codeeyey labada nin ee walaalaha ah waxaa labadii wareeg ee hore ku horeeyey David Miliband oo isagu ahaa walaalka weyn isla markaana ahaa Wasiirkii arimaha dibada ee dalka Ingiriiska ee xukuumadii Gorden Brown,

 

Doorashadan ayaa si lama filaan ah isla markaana laga yaabay uu ku soo baxay Ed Miliband oo ah walaalka yar ee David. isagoo ku badiyey 50,65 halka uu ka helay David 49,35,

 

David miliband oo doorashadaa hogaaminta xisbiga uu kaga guuleystay walaalkii oo ka yar ayaa sheegay inuu walaalkii yahay isla markaana uu jecel yahay uuna la shaqeyn doono,

 

Ed Milliband ayaa la sheegay inuu ka faa,iideystay codadka nin sadexaad oo la tar tamayey oo lagu magaacbo Ed Balls kaasoo helay 16,49,

 

Ed miliband oo ku guuleystay hogaaminta xisbiga shaqaalaha ee dalka ingiriiska isla markaana ku tartami doona jagada Reysal wasaaraha ee dalka Ingiriiska doorashada soo socota ayaa sheegay inuu wax weyn ka bedeli doono siyaasada dalka ingiriiska isagoo sheegay inuu kasoo saari doono ciidamada Ingiriiska ee dalka Afganistan ku sugan,

 

David Miliband oo doorashadaa uu kaga guuleystay walaalkii oo ka yar ayaa sheegay in Reer Miliband ay u tahay maalin farxad badan isla markaana ay wax weyn iska bedeli doonaan siyaasada dalka Ingiriiska mar hadii maanta la doortay nin yar oo dhalinyaro ah oo 40 jir ah, Isagoo intaa ku daray inuu la shaqweyn doono walaalkiisa ka yar ee ka guuleystay,

 

Dhinaca kale waxaa hambalyo u soo diray Ed Miliband Reysal wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron kadib markii uu caawa telefoon kula soo hadlay Ed Miliband,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this