Sign in to follow this  
Member-sol-

Sh.Maxamed Ismail oo ay galabta xireen ciidanka PIS

Recommended Posts

Wararkii ugu danbeeyeey ee naga soo gaaray xariga Sh.Maxamed Ismail oo ay galabta xireen ciidanka PIS

Posted to the Web Oct 29, 18:51

 

 

Boosaaso:- Shabakadda Wararka Halgan.net ayaa xiriir ay la samaysay mid ka mid culimada ku sugan magaalada Boosaaso waxaa uu u xaqiijiyey in Sheikh Maxamed ismail Yuusuf uu bad qabo oo dhaawaca soo gaarayna uu yahay mid fudud.

 

Sheikh oo aan wiidiinay meesha uu ku xiran yahay Sheikh Maxamed Ismail ayaa yiri " ma garanayno ilaa hadda meesha uu ku xiran yahay, balse dad qaraaba diisa in lala soo xiriir siiyey ayaan hubaa ma dhiman ee wadaadku waa uu nool yahay".

 

 

Ciidanka nabadsugida PIS ayaa waxaa ay weerareen galabta guriga uu degan yahay Sheikh Maxamed Ismail ,xili ay rabeen in ay ciidanku qabtaan Sheikh Maxamed ayaa waxaa ay fureen rasaas ,rasaastaas oo ka haleeshay calaa casha iyo lugta.

 

 

Galabta ayaa waxaa ka soo baxay xaalka sheikha Maxamed warar is khilaafsan balse daba gal dheer oo aan samaynay ayaan waxaan ku ogaanay in xaalka sheikhu uu fiican yahay balse uu soo gaaray dhaawac fududu.

 

Ciidanka PIS Puntlland ayaa hadda ka hor waxaa ay weerar ku soo qaadeen guriga sheikha Maxamed Ismail Yuusuf xili ay magaalada Boosaaso ka dhaceen qaraxyo lala beegsaday Xero ay deganaayeen qoxooti Oroma ah ,qaraxaas ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo qaaray qoxootigii ku sugnaa Xerada , waxaan arinka qaraxaas si weyn uga hadlay oo ku tilmaamy ficilkaas ficil qilaafsan shareecada Culimada waaweyn ee ku sugan Puntlland.

 

 

Dhan kale wararka na soo gaaray ayaa sheegayaan in laba dhalinyaro ah ay qabteen ciidanka PIS ,waxaan ay kale dageen gaari MarII ah oo u socday Gaalkacyo waxaana uu marayey Kontoroolka magaalada Boosaaso.

 

Wararka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa .

 

M_M_Deeq

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this