Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso elects new Mayor

Recommended Posts

Duqa cusub ee magaalada Boosaaso iyo kuxigeenkiisa oo maanta la doortey

 

Boosaaso-19.June.2005 Waxaa maanta duhurnimadii lagu qabtey xarunta Madaxtooyada magaalada Boosaaso doorashada Duqa cusub ee ee degmada Boosaaso iyo kuxigeenkiisa.

 

Doorashadan ayaa waxay saacado ka dib dhacdey xiligii loogu taga galey in ay qabsoonto waxaana amuurtaasi ugu wacnaa ka dib markii ay soo xaadiri waayeen tiro ka mid ah xubnaha golaha deegaanka degmada Boosaaso.

 

Xarunta Madaxtooyada ayaa maanta isugu tageen xubno ka tirsan maamulka dad u fara badan oo doonayey inay goob joog ka ahaadaan habka u dhacaysa doorashada.

 

Markii la gaarey xiligii doorashada isla markaana aysan soo dhameystirmin xubnihii golaha deegaanka waxaa shirar isdaba joog ah yeeshey gudiga dhismaha golayaasha deegaanka ee deegaanada Puntland kuwaasi oo ka dib markii ay la tashadeen Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xiris oo xiriir xaga telefoonka ahi dhexmartey isla markaana ay dib ugu laabteen xeer hoosaadka sharciga golayaasha deegaanka ku dhawaaqey inay doorashadu dhacayo, bacdamaa ay soo xaadireen 16 ka mid ah 27-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha deegaanka degmada Boosaaso.

 

Doorashadii ayaa bilaabatey waxaana 15 cod oo ka mid ahaa 16-kii xubnood ee madasha fadhiyey ku guuleystey Khadar Cabdi Xaaji Mire waxaana ka aamusey hal xubin.

 

Sidoo kale waxaa Gudoomiye kuxigeenka ku guuleystay Maxamed Siciid Ismaaciil(Xiito) oo helay 15 cod.

 

Intaasi ka dib waxaa halkaasi hadalo kala duwan ka jeediyey Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo shirka si rasmi ah u furey, Wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta Barkhad Cali Saalax iyo xubno kale waxayna dhamaantood ka hadleen muhiimada ay leedahay dhismaha golaha deegaanka degmada Boosaaso.

 

Waxaana xafladii doorashada soo gabagabeeyey oo soo xirey wasiirka Arimaha gudaha Axmed Cabdi Xaabsade oo ka hadley qaabka doorashadu ay u dhacdey.

 

Axmed Cabdi Xaabsade oo sharaxayey qaabka gudigoodu ay u go’aamiyeen in doorashado qabsoonto iyo sida sharcigu uu qabo ayaa hadaladii uu halkaasi ka jeediyey waxaa ka mid ahaa.

 

C/risaaq Cismaan Bulqaas

SBC Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khadar Cabdi Xaaji oo noqday Duqa Degmada Boosaaso

Posted to the Web Jun 19, 20:29

 

 

Boosaaso:- Iyadoo ay beryahaan haraysay dib u dhac wayn doorashada Duqa Degmada Boosaaso, kadib markii ay suurta galiwaysay dhowr jeer oo loo balamay inay dhacdo doorashada Duqa Degmada Boosaaso ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka, ayaa waxaa maanta Kooramkii oo aan buuxsamin,waxaa Duqa Degmada Boosaaso loo doortay Khadar Cabdi Xaaji halka kuxigeenka Duqa Degmada Boosaaso loo doortay Maxamed Ismaaciil oo loo yaqaan (Maxamed Xiit).

 

Waxaa goobta doorashada ee Duqa Degmada soo xaadirtay 16 Xubnood oo ka mid ah 27-ka Xubnood ee Golaha Deegaanka Boosaaso uu ka kooban yahay, waxuuna ahaa Kooramka loo baahnaa sadex meelood oo laba meel oo u dhiganta 18 Xubnood, hase ahaatee markii ay suurta gali waysay arrintaasi ayaa Guddiga Doorashada ee Golaha Deegaamada Puntland, ay go'aamiyeen inay doorashado dhacdo.

 

16-kii Xubnood ee ka qayb qaatay Doorashada Duqa Degmada Boosaaso, 15 ka mid ah ayaa u codaysay Khadar Cabdi Xaaji, sidoo kale kuxigeenka Duqa Degmada Boosaaso Maxamed Ismaaciil , ayaa isna cod u dhigma kan Duqa helay.

 

Muddo ku dhow todobaad ayay doorashadaani dib u dhacaysay, iyadoo ay sababtu ahayd in uu buuxsami waayo Kooramkii loo baahnaa, kadib markii labada Musharax ee turtamaysa jagada Duqa Degmada Boosaaso, uu mid walbaaba uu ka maqnaanayay goobta doorashada, markuu ogaado in aysan isaga guushu raacayn oo laga codbadnaayo, taa soo jaha wareer aad u xoog badan ku riday Guddiga Dhismaha Golaha Deegaanka.

 

Arrintaan, ayaa u muuqata mid Guddiga Doorashadu ay u arkeen xalka kaliya ee ay Doorashadu ku qabsoomi karto, iyadoo uusan buuxsamin kooramkii loo baahnaa, si mar uun Doorashadu u dhacdo dabadeena la xaliyo wixii khilaafa ee horay u jiray.

 

Lama saadaalin karo cawaaqibka ay Doorashadaani ku yeelan karto ammaanka magaalada Dekada ah ee Boosaaso, Saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland, ayaa dhawaan qaraxyo Bambaano oo lala beegsaday Bangiga iyo khasnada Boosaaso ku tilmaamay kuwo la xiriira Doorashada Duqa Degmada Boosaaso.

 

Doorashadii Duqa Degmada Garoowe, ayaa si la mid ah tan Boosaaso, uu khilaaf uga dhacay kadib markii qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka iyo Musharixiintii Duqa Degmada Garoowe, mar qura muuqaalkoodii laga waayay goobtii doorashada, taa soo sababi gaadhay in uu buuxsami waayo kooramkii loo baahnaa, hase ahaatee ugu dambayntii lagu guulaystay Doorashadiina si caadi ah ay ku dhacday.

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this