Sign in to follow this  
General Duke

Ahmed Diriye group fighting each other

Recommended Posts

Odayaasha Beelaha ****** ee ka soo horjeeday Dowladda Federaalka oo Khilaaf uu soo kala dhexgalay

 

Isniin, May 07, 2007(HOL): Odayaasha Beelaha ****** ee ka soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf gaaray in ay iska been abuurtaan, isla markaana ay u kala dhuuntaan la kulanka madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Khilaafka Odayaashan soo kala dhexgalay ayaa wuxuu banaanka u soo baxay kadib markii shalay qaar ka mid ah Odayaasha ****** ay kulan la qaateen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, halka qaar kale oo aan kulanka ka qeybgelinna ay sheegeen in kulankaas uu ahaa mid aan loo dhameyn.

 

Guddoomiyaha Guddigii Odayaasha Beelaha ****** Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa daboolka ka qaaday in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay Odayaasha Beelaha ******, wuxuuna caddeeyay in uu khilaafkaas yimid kadib markii la isku af-garan waayay in Odayaasha la kulmaya mas'uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka lagu daro Odayaal kale oo iyana ka soo jeeda Beesha ******.

 

Xaaji Cabdi Iimaan waxaa uu sheegay in ay ka been abuurteen Odayaal shalay la kulmay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, kuwaasi oo uu sheegay in ay xanuun ku sheegeen isagoo caafimaad qaba, sidoo kalena mas'uuliyiinta Dowladda ay u gudbiyeen qoraal uu ku saxiixan yahay oo uusan ka warqabin.

 

Guddoomiyaha Guddigii Odayaasha Beelaha ****** Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo wax laga weydiiyay in khilaafka soo kala dhexgalay Odayaasha Beesha ****** uu keeni karo burbur ku yimaada Guddigii Odayaashaas ayaa waxaa uu sheegay in markii horeba aanan Odayaasha Beesha ****** la dooran, balse ay ka dhasheen xiisadihii Colaadeed ee ka jiray Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, khilaafka soo kala dhexgalay Odayaasha Beelaha ****** ayaa wuxuu soo baxayaa kadib markii ay soo af-jarmeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee u dhaxeeyay Kooxo Wax iska Caabin ah oo ay u hadli jireen Odayaasha Beelaha ****** iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanayay Ciidamada Itoobiya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu 07, May.07 ( Sh.M.Network) Guddoomiyaha guddiga Beelaha ****** Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa ku tilmaamay kulankii shalay ka dhacay xarunta Villa Somalia mid aan loo dhameyn isla markaana isaga laga been abuurtay.

 

 

Xaaji Cabdi Iimaan Cumar

Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo wareysi siiyay shabakada warbaahinta shabelle ayaa sheegay in aan loo dhameyn isla markaana aysan isku raacsaneyn odayaasha dhaqanka beelaha ****** kulankii shalay ku dhex maray xarunta Madaxtooyada Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf iyo Odayaasha Beelaha ******.

 

Cabdi IImaan waxa uu ku eedeeyay Odayaashii kulankaasi ka qeyb qaatay in ay ka been abuurteen isaga ayna Madaxweynaha u gudbiyeen qoraalo uu ku saxiixan yahay taasoo uu sheegay in uusan waxba ka ogeyn.

 

Mar la weydiiyay khilaafka soo kala dhex galay odayaasha dhaqanka ayuu sheegay in khilaafkaan uu yimid ka dib markii siyaasiyiin iyo waxgarad uu ka mid yahay Xuseen Xaaji Bood ay guddigaasi la soo xiriireen deetana ay ka codsadeen in kulanka ay la qaadanayaan madaxda sar sare ee dowladda uu noqdo mid ay u wada dhan yihiin qeybaha kala duwan ee odayaasha iyo waxgaradka beesha ******.

 

Waxa uu sheegay in la isku khilaafay arinkaasi, isla markaana isagoo shir gudoonka odayaasha beesha ****** ah uu ku taliyay inta aan la xalin khilaafkaasi in uusan dhicin shir lala yeesho madaxda sar sare ee dowladda KMG ah.

 

Xaaji Cabdi IImaan mar wax laga weydiiyay in arimahaan khilaafka ah ay horseedeyso burbur ku yimaada odayaasha beesha ****** ayaa waxa uu sheegay in markii horeba aan la dooran odayaasha beesha ****** balse ay ku midoobeen dagaalo ka dhacay caasimadda oo geeystay qasaaro naf iyo maalba leh.

 

Hadalka Xaaji Cabdi IImaan ayaa muujinaya khilaaf xoogan oo dhinaca fikirka ah oo soo kala dhex galay odayaasha Beelaha ******.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ha06.jpg

Guddoomiyaha guddiga Beelaha ****** Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa ku tilmaamay kulankii shalay ka dhacay xarunta Villa Somalia mid aan loo dhameyn isla markaana isaga laga been abuurtay.

Ahmed Diriye and the Ugaas have used the good xaji and now left him alone.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaashii Beelaha ****** Oo Isku Dhacay

-

Muqdisho(Calanka.com) 07-May-2007

 

Odayaashii beelaha ****** ee dagaalka ka waday magaalada Muqdisho ayaa lagusoo waramayaa in uu soo kala dhex galay qilaaf xoogan kadib markii ey isku fahmi waayeen qaabka siyaasadeed oo ey u wajihi lahaayeen xubnaha dowladda kadib markii ey ku fashilmeen dagaalkii ey kula jireen dowladda federalka lagagana awooda roonaaday.

 

Odayaashan ayaa isku eedeynaya hadeer in ey iska masabiteen oo qaarkood been laga sheegay kadib markii Xaaji Cabdi Iimaan oo ka mid ahaa odayaashaas uu sheegay in war uusan dhihin ama sixiixin loo gudbiyay qoraal ahaan madaxweynaha dowladda federalka.

 

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa dib u dhac ku imaanayay kulanka ey odayaashan kula qaadan lahaayeen madaxweynaha Somaliya xarunta Villa Somaliya, kaasoon dib u dhac uu ku yimid ilaa 2- maalmood.

 

Qilaafkan ayaa odayaasha qarsan waayeen, waxaana mid ka mid ah odayaashan oo sheegay in laga been abuurtay uu isugu yeeray saxaafadda si uu ugu sheego in laga been abuurtay.

 

Xaaji Cabdi Iimaan oo ah ninka saxaafadda la hadlay seegayna in laga been abuurtay ayaa sidoo kale sheegay in odayaashan ey iyagu markii horaba is magacaabeen balse ey jirin cid u dhiibatay jagooyinka ey hayaan ee beelaha ******.

 

Siyaasadda odayaashan ayaa dhicisowday kadib markii laga awooda roonaaday wiilashii ey dagaalka soo galiyeen kuwaasoo ey u xirnaayeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Cabdi Iimaan oo ah ninka saxaafadda la hadlay seegayna in laga been abuurtay ayaa sidoo kale sheegay in odayaashan ey iyagu markii horaba is magacaabeen balse ey jirin cid u dhiibatay jagooyinka ey hayaan ee beelaha ******.

Th truth always comes out in the end.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this