Sign in to follow this  
Liibaan

LABO YAABAN

Recommended Posts

Liibaan   

u_2104d_2009-9-8-17-30-24f_u_2d_2009-5-6

 

Bidix: Axmedd Siilaanyo, Midig: Faysal Cali Waraabe

 

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Ee KULMIYE Iyo UCID Oo Si Wada Jir Ah U Cambaareeyey Falkii Ay Xukuummadu Albaabada Ugu Soo Xidhay Xarunta Barlamaan

 

(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 08, 2009

 

Hargeysa(HWN):- Labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID ayaa si wada jir ah u cambaareeyey falkii foosha xuma ee saaka ciidanka Boolisku gudaha hoolka Shirarka ee Golaha Wakiillada ku galeen, isla markaana albaabada u soo xidhay xaruntaasi. Waxaanay nasiib-daro ku tilmaameen in Golihii Wakiillada Somaliland ee ay ummadu si dimuqraadiya u soo dooratay ay xukuummadu carqaladaynayso hawshoodi oo ay curyaaminayso xil-gudashadoodi.

 

 

 

Sidaa waxay labada Guddoomiye Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] Iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ku sheegeen warsaxafadeed ay wada jir u soo saareen galabta, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa.

 

 

 

Waxa kale oo ay warsaxafadeedkooda ugu baaqeen shacab-weynaha reer Somaliland inay doorkooda si xilkasnimo elh uga qaataan badbaadinta iyo samatabixinta Qarankooda, iyo difaaca shuruucda iyo xeerarka dalka ee lagu tumanayo

 

 

 

Waxaanu warsaxafadeedkii u dhignaa sidan:

 

 

 

“Waxay labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE cambaaraynayaan falkii foosha xumaa ee saaka ka dhacay Xarunta Golaha Wakiillada ee Hargeysa.

 

 

 

Waxay ummadduhu ku horumareen, kuna hanaqaadeen, ku dhaqanka iyo xormaynta shuruucda ay dhigteen, waxaana uga mas’uul ah dejinta iyo ilaalinta xeerarka golayaal leh haybad iyo xasaanad, kana wakiil ah Bulshada.

 

 

 

Waxa nasiib darro ah, Golaha Wakiillada oo ku yimi nid

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Ever since we took over LA you've been posting these cheap propaganda stuff about Somaliland. Man up..bring out your pistols and take back your land.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^Las Anod is pro Udub I heard. They really love Riyaale over there too. He is more popular in Las Anod than he is in Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Because Xabsade who is the defacto ruler in LA is being paid a considerable amount by Riyaale. But when the funds aren't coming his way, he chases Riyaale out like he did years ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

I wouldn't know the exact amount, but Habsade don't work for free. Wasn't Riyaale kicked out of Lascaanod? He'll work for who ever pays him right!

 

Riyaale is the man. The place is already considered a tribal enclave, and if you kick him out he'll take his group out, and then it will look like even more of a tribal state.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It depends on with whom you speak, does it not? And in this instance, you could hardly be the judge of that, for you are standing on one side of the spectrum: that of the pro-secessionist, hence could not possibly say what is good for reer Sool. Besides, one must speak for oneself, and not pretentiously claim to know what is good for others; in other words, you are not from Sool, and could not possibly speak on their behalf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

The locals were the tipping point of the SOOL conflict when they switched sides from puntland to Somaliland. I do not speak anyone but for myself offcourse,but from an observation point, I can tell you this was the root cause of SL victory in Sool. And the fact that there hasn't been any uprise out of sool depicts the locals there are content with the change adminstration from Puntland to Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Massive majority of people of Sool, Snaag & Cayn (99%) support united Somalia and the transitional government of Somalia led by Sheik Sharif and regional state of Puntland

 

 

Warlord Xaabsade is extremely unpopular and has a zero support from SSC population, Xaabsade even doesn't have the support of the few SSC traitors in Hargeisa

 

The deputy somaliland parliement speaker said Haabsade is person who is refugee inside Hargeisa, who doesn't represent anyone.

 

 

 

(Hadhwanaagnews) Monday, September 07, 2009

Beesha ***** Somaliland ayay ka mid tahay, Sharci aan Somaliland ka jirinna maanta kaligeed loo samayn maayo, markii diiwaangelinta la galayayna cid u diiday inay Beeshu is diiwaangeliso may jirin, cid ku qasbaysay inay is diiwaangelisaana may jirin oo beelaha kale….” Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax.

 

 

 

Hargeysa(HWN):- Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Beelah Bariga Somaliland (*****), iyo Xildhibaano Wakiillada ka tirsan oo ay isku Beel yihiin, ayaa beeniyay in Beesha ***** diidan tahay natiijo kasta oo ka soo baxda diiwaangelintii dalka laga sameeyay, isla markaana waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu Warbaahinta qaar shalay iyo maanta siiyay Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo sheegaya in Beesha ***** aanay aqbalaynin natiijadii ka soo baxday Mishiinka kala shaandhaynta la diiwaangeliyayaasha.

 

 

 

Guddoomiye Ku-xigeenka Wakiillada Md. Baashe, Axmed Cabdi Xaabsade oo ay isku beel ka soo jeedaan, waxa uu ku tilmaamay in uu yahay nin aan afka beeshiisa ku hadli kariin oo Laaji ku ah Hargeysa, kana tirsan Xisbiga dawladda ee UDUB oo uu iftiiminayo damaciisa.

 

 

 

Md. Baashe oo maanta mar uu Xaabsade Shir Jaraa’id ku qabtay Huteel Imperial ee Magaaladda Hargeysa, isagun ka dib Saxaafadda la hadlayay, waxa uu sheegay in Magaciisa iyo Xildhibaano badan oo kale Magacyadooda laga been abuuray oo lagu daray liis uu Xaabsade iska qortay.

 

 

 

Waxaanu Guddoomiye Baashe oo arrintaa ka hadlayaa uu yidhi, “Waxa jira liisas jaraa’idku qoreen waxa ugu horeeya magacayga oo la yidhaahdo Baashe Maxamed Faarax oo la baahiyay iyada oo aan wax ogolaansho ah layg helin, xildhibaanadan garabkayga fadhiyaa way ku jiraan, Odayaal badan oo kalena way ku jiraan, wax wax ka jiraanna ma jirto, raggan bayaanka sita cid u wakiilatay iyo shaqo ay qabtaan oo ay u joogaan magaalada midna lama yaqaanno, beeshuna arrintan uma dhamma.”

 

 

 

Guddoomiye Baashe, waxa uu sheegay inay Shir Jaraa’id oo ay si balaadhan oo faahfaahsan ugaga hadlaan been abuur uu sheegay in laga sameeyay magacyadooda iyaga oo aan wax kalsooni ah laga haysanina.

 

 

 

Mar Guddoomiye kux-geenka la waydiiyay in Xaabsade sheegay in dhammaan magacyada liiska ugu qoran uu kalsooni buuxda ka haysto, maadaama ay taasi jirto sababta ay u diidan yihiin imika, waxa uu ku jawaaabay oo uu yidhi Baashe, “Axmed Xaabsade cidna wakiil kama aha, Siyaasi Qaranka ah maaha, cidna xil uma hayo, ee waa Oday Laaji ah oo jooga Magaalada, Xisbiga UDUB ayuu ka mid yahay waxay UDUB rabto ayuun buu ka hadli karaa.”

 

 

 

Guddoomiye Baashe oo la sii waydiiyay macnaha uu kalmadda Laaji ee uu ku tilmaamay in uu yahay Axmed-Xaabsade, waxa uu yidhi, “Waa Laaji waxaan uga jeedaa, wax uu hayaa ma jiraan, Shalay ayuu Puntland ka yimi, meel uu ku nagaadaana ma jirto, markaa waa Laaji.”

 

 

 

Waxa kale oo aan Guddoomiye Ku-xigeenka Wakiillada Somaliland sii waydiiyay, haddiiba mawqifka uu Xaabsade iftiimiyay Beesha ***** ee ay ka soo jeedaan qabto oo ay danta Beeshoodu ku jirto, waxa ay ku diidayaan, waxaanu ku jawaabay, “Beesha ***** ma qabto, Beesha ***** Somaliland ayay ka mid tahay, Sharci aan Somaliland ka jirinna maanta loo samayn maayo, markii diiwaangelinta la galayayna cid u diiday inay Beeshu is diiwaangeliso may jirin, cid ku qasbaysay inay is diiwaangelisaana may jirin oo beelaha kale ee Somaliland ayay ula sinayd.”

 

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, Xildhibaan Xambe Gaadaweyne, Fu’aad Aadan Cadde Iyo Axmed Xaaji Cali Cadami, oo dhammaantood ka soo jeedaha Beelaha *****, ayaa sheegay liiska Xaabsade iyo koox uu wataa ka soo buuxiyeen magacyadooda in uu yahay mid been abuur ah oo aanay raali ka ahayn, isla markaana la iska soo qortay iyaga iyo rag badan oo kale oo qaarkood dalka dibaddiisa hadda ku sugan yihiin, taasoo ay sheegeen in uu Xaabsade ku doonayo in uu Somaliland ku burburiyo, qarannimadeedana ku wiiqo, hase ahaatee, aan mid beel ku salaysan iyo mid cid kale la qabto midna ahayn, balse uu Xaabsade dano gaar u ah ku fushanayo. Sidaa daraadeedna, waxay soo jeediyeen in aan khalkhalka uu wado aan beesha iyo beela kale midna u dhag-dhigin ee laga foojignaado.

 

 

 

Cabdifataax Ismaaciil Mursal

 

Hadhwanaagnews.com/O ffice

 

Hargeysa/Somaliland

 

E-mail.mrmursal@gmai l.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this