Sign in to follow this  
Saalax

xooghayiihii udub oo ceerigaabo yimi iyo yufle oo loo magcaabay degmo

Recommended Posts

Saalax   

5th10f5m02faiiv9qafo.jpg

 

 

Waxaa maanta magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag soo gaadhey xooghayaha guud ee xisbiga udub Jaamac Yaasiin Faarax.

 

Xoghayaha oo safarkiisa ka soo bilaabay magaalada Hargeysa ayaa ku soo hakaday degmada cusub ee Yufle taas oo maanta lagu dhawaaqay.

 

Xoghayaha waxaa kusoo dhoweyey magaalada Ceerigaabo madaxda dawlada sida Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hure maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur gudoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag Cali Ismaaciil Bare {Cali Qasaaye}iyo dadweyne aad u tiro badan.

 

Xoghayuhu markuu soo gaadhey magaalada Ceerigaabo waxa uu taageerashaasha xisbiga udub kula hadlay xarunta guud ee xisbigu ku leeyahay magaalada Ceerigaabo halkaas oo uu ka soo jeediyey khudbad kooban salaada jimce oo soo dhoweyd awgeed.

 

Waxana uu u mahadnaqay maayarka iyo masuuliyiintii kale ee sida weyn ugu soo dhoweeyey, waxana uu sheegay in socdaalka uu ceerigaabo ku yimi tahay mid kamida socdaalada uu ku marayo gobolada bari ee dalka.

 

Xoghayaha oo kulamo galabta la leh madxda xisbiga iyo dawlada waxaa lafilayaa in uu u ambabaxo meelo kale oo kamida Sanaag maalmaha soo socda, sidoo kale maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isna hadal kooban ka soo jeediyey halkaas ayaa u mahad naqay xoghayaha oo safarkiisii ugu horeeyey ku yimi maanta magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo

 

siciid axmed tamreyse

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this