Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland President appoints investigation squad

Recommended Posts

N.O.R.F   

Bal u kaadi saxib horta aan anigu ka faa'idee lol

 

Ngonge and JB kolayba baryahan waxay ku jiraan political limbo ee ha soo yara sasabaan odayga lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boorame(HWN):-Wefti baalaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa gordhaweyd gaadhay Magaalo Madaxda Gobolka Boorame ee Awdal.Kadib markii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] oo warsaxafadeed qoraalka ah ku shaaciyey maanta guddidaasi, isaga ku amray inay sida ugu dhakhsaha badan u guda galaan baadhitaan iyo xogo-raadin ku saabsan dhacdadii Ciidanka maleeshiyaadka ee la sheegay inay ka kooban yihiin 250-kii ee ka soo degay xeebta u dhaxeysa Saylac iyo Lughaya sidii ay ku soo galeen gudaha Somaliland.

 

Weftigan oo ka kooban todobada xubnood oo isugu jira Wasiiro, iyo kuxigeeno iyo la taliyayaal ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah hawlahooda ka bilaabaan degmada Boorama ee gobolka Awdal.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo ka mid ah Weftiga uu Madaxweynuhu u magacaabay Gobolada Galbeedka Somaliland dhacdadii ka soo cusboonaatay, ayey Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews khadka Telefoonka kula xidhiidhay goor-dhaweyd isaga oo ku sugan Magaalada Boorame, Wasiirka oo aanu wadiinay ugu horayn u-jeedada socdaalkooda, waxaana uu ku jawaabay, “U jeedada safarkayagu waa xaaqiiqo raadin ah, siday ay wax u dhaceen, sida ay wax yihiin halka ay wax marayaan iyo xaqaa’iqa ku xeeran xaaladii ina soo daristay dadkii [Ciidamo Maleeshiyaadka] wadanka soo galay” ayuu ku jawaabay Wasiirku.

 

Isaga oo sharaxaaya Wasiirku magacyada iyo masuuliyiinta ay guddidani ka kooban tahay oo aan haba yaraatee lagu xusin warsaxaafadeedkii Madaxtooyada ee magacaabista guddidan Madaxweynuhu ka soo saaray ayaa waxa uu yidhi Wasiirku; “Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ah gudoomiyaha Gudidayadan, Wasiirka dhalinyarada iyo Isbortis-ka, Maxamed Xaashi Madar, Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan [Geel-jire] Wasiir ku-xigeenka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare, Cali Jibriil Xaamud, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha ciidanka Cabdisamad Xaaji Cabdilaahi Gan-gam, Xera ilaalila Ciidanka qaranka Ibraahim Cabdi Xaaji”.

 

Mar aanu weydiinay Wasiirka inay ku nagaanayaan Gobolka Awdal iyo inay uga soo gudbayaan Gobolka Salal, waxa uu yidhi “Mar dhaweyd ayaanu soo galnay Gobolka Boorame, markaa inaanu beri ka sii gudbayno iyo in kale ma garanayno, markaa qorshe ayaanu ka sameysan doona”

 

Qorshaha guddidan iyo cidda ay la kulmayaan inta ay ku sugan yihiin gobolka iyo weliba inay uga sii gudbayaan gobolka Sallel ayuu Wasiirku kaga jawaabay. “Kolay wixii madax ah ee ay khuseyso waanu la kulmi doona, cid meel noogu qorani ma jirto, waxaanu imika joogna Gobolkii Awdal oo halkaas ayaanu qorshaha imika ka bilaabi doona ciddii aanu la kulmayno madax sare mid Military, iyo dad caadi ah intaba waanu la kulmi doona”

 

Ciidamada maleeshiyaadka hubaysan ee gudaha Somaliland ka soo galay xeebta Saylac iyo Lughaya u dhaxaysa oo gabood ka dhigtay Buurta lagu magacaabo Marmara ee tuulada Qaadiriya oo halkaasi ka baxay, iyada oo Somaliland sheegtay inay ciidamada Qaranka iyo kuwa Itoobiya oo is kaashanayaa ay ku hareeraysan yihiin, ayaa ka baxay buurta deegaankaasi, kuwaasoo gudaha wadanka Itoobiya kula dhex-dagaalamay ciidamada wadankaasi.

 

Itoobiya ayaa dhinaceeda sheegtay inay tiradii ugu badnayd ka laysay maleeshiyadan, kuwa kale-na gacanta ku dhigtay. Hase yeeshee arrintan ayaa lagu tilmaamay mid ay xukuumada cusub ee Somaliland kala kulantay waji-gabax siyaasadeed oo arraddan kala soo gudboonaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this